Faa”iidooyinka Laga Dhaxli Doono Dahabshiil Bank Ee La Daah-furay .

0
Monday December 01, 2014 - 20:19:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa”iidooyinka Laga Dhaxli Doono Dahabshiil Bank Ee La Daah-furay .

    Hargeisa(xogreebnews.com_Goobtu waa Somaliland maha dal ku yaalla wadamada horumaray xagga dhismayaasha iyo dhaqaalaha,ee haystaa aqoonsigga buuxa iyo kuwaa la yidhaahdo way isku filan yihiin isku filnaansho xag walba leh ayeey gaadheen . waa muuqaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Goobtu waa Somaliland maha dal ku yaalla wadamada horumaray xagga dhismayaasha iyo dhaqaalaha,ee haystaa aqoonsigga buuxa iyo kuwaa la yidhaahdo way isku filan yihiin isku filnaansho xag walba leh ayeey gaadheen . waa muuqaal kasoo

Hargeisa(xogreebnews.com_Goobtu waa Somaliland maha dal ku yaalla wadamada horumaray xagga dhismayaasha iyo dhaqaalaha,ee haystaa aqoonsigga buuxa iyo kuwaa la yidhaahdo way isku filan yihiin isku filnaansho xag walba leh ayeey gaadheen . waa muuqaal kasoo dhex baxay magaaladda uu ku yaallo waa mid lo dhisay hab aqooni hagayso. Waxaa maalintii shalay magaaladda Hargeisa,laga daahfuray bangiga horumarinta ee dahabshiil Bank ,kaaso sii heer caalami ah, ku shaqayn doonaa hab islaami ah.ugu horey waxaa munaasibadaas xadhigga ka jaray,madaxweynaha Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud,kaaso qiray ,kaalinta wax ku ool-ka ah ee ay shirkadda wadanigga ah ee Dahabshiil ka soo qaatay dib u dhiska dalk iyo horumarka buuxa ay mar walba la barbar taagan tahay shacabka soomaaliyeed. Kaasoo dhib badani kasoo gaadhay dawlad la’aanta ragaadisay.

Hadaba bangiga oo ah mid noociisu dalka ku cusub yahay ,ayaa waxaa durtaba maal-galin u siiyeey ganacsato yar yar kuwaaso,la siiyeey ama loo ibiyeey agab ay baahi weyn u qabeen dadkan dan yarta ah,waxaa uu Banka dahabshiil,siiyeey ama u abuuray hadaf ganacsi ay ka faa’iidan u unkay shacab dan yar ah oo hadana isku dayaaya inay samaystan ganacsi ay qutul-daruuri ka helaan caawimo buuxdana ka heelay Dahabshiil Bank.

Banka dahabshiil ee shalay la daahfuray waxaa uu sahli doona baahiyo badan,sidaa ay sheegen xeel dheerayaal ku takhuukhusay cilmi dhaqaalaha iyo maal-gashiga,waxaanay tilmaamen haddii sidaa uu shaqada ku waddo dahabshiil Bank,inay Somaliland noqon doono dal dhaqaalihiisu kor u kaco,kaaso ku biiri doona wadamada lo yaqaan bar-waaqo sooranka. Intaasun kumma eg-kaan doono faa”iidooyinka laga dhax lay dahabshiil Bank balse waxaa kale oo uu fure inuu noqon doonaa xadaaradda iyo il-baxnimadda ay inaagag horeeyan wadamada leh quwaadaha iyo siyaasadda tol-moon ee aynu mar walbaa maanka ku hayno inaynu sidooda isku gaadhno guul iyo shacab iyo dawladda isla jaan qaadaa”.

Waxaa kale oo wajiyaddi shalay ka qayb galay,xafladdi lagu daahfuray Dahabshiil Banki waxaa laga dheehanaayeey dhammaantood,far-xad iyo rayn-rayn ,yididiilo kor u qaadaysaa moral-kooda,Bangigan caalamiga oo ah mid ganacsi oo qabanaya dhammaan adeegyada bangiyada noociisu qabtaan, kuna shaqaynaya nidaamka Islaamka, kaas oo xaruntiisa kowaad noqon doonto Somaliland,dhisme si casri ah oo ka kooban toddoba dabaq oo ay ku baxday lacag ka badan $12 milyan oo dollarka Maraykanka oo laga hirgeliyey caasimadda Hargeysa, iyadoo dhismahaasi bangiga ay ku wehelinayaan suuq ganacsi ka kooban meherado fara badan iyo hudheel jiif ah, ayaa si rasmi ah xadhigga lagaga jaray xaflad ballaadhan oo lagu qabtay isla dhismahaasi shalay , kana qayb-galeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha xisbiga UCID, wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, madaxdhaqameed, culimaa’udiin, ganacsato, qaar ka mid ah macaamiisha Dahabshiil Group, ganacsato ka faa’iidaystay maalgelinta bangiga Dahabshiil iyo marti sharaf kale oo badan.

Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo furitaankii xafladdaasi hadal ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey bangigan iyo heerarkii uu soo maray oo uu xusay in dhismihiisa oo qaatay muddo toddoba sanno ah uu ku baxay tacab iyo dhaqaale ka badan $12 milyan oo dollar, “Aad baanu ugu faraxsanahay in aannu maalgelinta intaa le’eg dalka galinay oo aan rajaynayo inay noqoto mid u horseeda daaro noocan oo kale ah iyo maalgelin wayn in dalka laga hirgeliyo, markii la bilaabay dad badan baa lahaa maxaad guriga intan le’eg uga dhisiwaydeen Yurub iyo meelo ka mid ah Afrika, laakiin Xaaji Maxamed Siciid (aabbihii) wuxuu yidhi halkan ayaan u dhashay, kuna dhimayaa ee lacagtana halkan ayaan gelinayaa. Runtii taasi waxay dhiirigelin u tahay dadka waddanka u dhashay ee ganacsiga ka bilaaba,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid. Waxana dhamaan marti sharafti madasha fadhiday,ay u riyaaqeen riyad runta ku noqotay, waxaana ay duco ula dhaqaaqeen bulshaddu masuuliyiinta shirkadda wadanigga ah,ee dahabshiil group.

Waxaa jiraa daadaalo shacabka dan u ah oo ay waddo shirkadani kuwaaso ay tacab aad uu badan dib ugu celiso shacabka soomaaliyeed,waxaanay shiradda dahabshiil noqotay mid aad ugu dhaggo nugul ummadda islaamka ah oo dhan iyaaddo sannad walbaa,taakuullo gaadhsiisa bulshadda ina tabaaleysan.

Qore:

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Info@xogreebnews.com

Tel:4144434

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured