Mudanayasha Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Iyo Madaniga

0
Monday December 01, 2014 - 18:49:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudanayasha Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Xeerka Diwaangalinta Codbixiyeyaasha Iyo Madaniga

    Hargeysa (xogreebnews.com_Mudaneyaasha Aqalka guurtida Somaliland, ayaa maanta Ansixiyay waxka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka diwaangalinaha Codbixinta iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Mudaneyaasha Aqalka guurtida Somaliland, ayaa maanta Ansixiyay waxka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka diwaangalinaha Codbixinta iyo Hargeysa (xogreebnews.com_Mudaneyaasha Aqalka guurtida Somaliland, ayaa maanta Ansixiyay waxka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay Xeerka diwaangalinaha Codbixinta iyo Madaniga ee Xeer Lambar 37/2007 ka dib markii Shir gudoonka guurtidu sheegay inay saxeen qodobo khilaaf adag galiyay xeerkan.
Fadhiga maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu Shir Gudoonku mudaneyaasha u sheegay in xeerka sixitaan lagu sameeyay khiladaad yaryar oo ku jiray inkasta oo aanay xusin qodobada la saxay iyo sida loo dhigay.Golaha oo shalay oo qayibiyay xeerkan ayaan dood fiican ka yeelan xeerka.Ku xigeenka Gudoomiyaha Siciid Jaamac Cali ayaa warbixin kooban ka siiyay mudaneyaasha sixitaanka lagu sameeyay xeerka diwaangalinta waxaanu yidhi“Xeerkani waxa weeye Xeer Markiisii horena laga shaqeeyay, iskhilaafka ama faraqa u dhexeeyayna wax yar buu ahaa, waxaana awood la inoogu siiyay inaynu sixitaan ku samayno, Qodobadii ugu muhiimsanaa ee Khilaafku ku jirayna waynu saxnay.xeerkana waa xeer inbadan soconayay, la isku eedeeyay, Guurtida lagu eedeeyay,Wakiilada lagu Eedeeyay, Xukumadda lagu eedeeyay, shaqadiisiina la yidhi waa la hor taagan yahay nimankii fulin lahaana waa kuwii doraato la ansixiyay. Si aan xeerkaasi dib u dhac ugu iman oo aan eediisu ina saarnaan wixii shaqo ah waan ka soo qabanay waana inaan ansixino”Intaasi ka dib ayaa Xeerka Shir gudoonku cod u qaaday waxaana Ogolaaday ansixintiisa 52 Mudane oo ka mid ah 57 mudane oo Fadhiga ka soo xaadiray, waxaana diiday 4 mudane, halka Gudoomiyuhuna aanu codayn.Xeerkan oo lagu Maamulayo diwaangalinta Codbixiyeyaasha Doorashada iyo diwaangalinta Muwaadiniinta ayaa ka mid ahaa qodobada muhiimka ah ee ka dhinaa diyaar garowga doorashada badhtamaha sanadka dambe dhici doonta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured