Faallo: Faankii Aamin Waris, Fidmadii Wasiirada iyo Fajicii Ummadda Reer Gabiley.

0
Monday December 01, 2014 - 08:13:48 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Faankii Aamin Waris, Fidmadii Wasiirada iyo Fajicii Ummadda Reer Gabiley.

    Waa Barnaamij Aanu ku Faallayno Dhacdooyinka Dhagaha Dadka ku Badan, Waa Barnaamij aanu Diirada ku Saarno Habdhaqanka Masuuliyiinta Xilalka Haya iyo Qaabka ay Bulshada ugu Shaqeeyaan, Waa Barnaamij Toosin ah oo Aan Turxaan lahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Barnaamij Aanu ku Faallayno Dhacdooyinka Dhagaha Dadka ku Badan, Waa Barnaamij aanu Diirada ku Saarno Habdhaqanka Masuuliyiinta Xilalka Haya iyo Qaabka ay Bulshada ugu Shaqeeyaan, Waa Barnaamij Toosin ah oo Aan Turxaan lahayn.

Todobaadkan Waxaan Toosh ku Ifin Doonaa Waftigii Marwada 1-aad ee Qaranku Hogaaminaysay Xagxagashadii Haldoorka Gobolka iyo Weedhihii Xanafta lahaa ee ay ka Jeediyeen madal lagu Falanqaynayay Qorshaha Shanta Sanno ee Socda Wixii Gabiley laga Qaban lahaa iyada oo Xukuumada Madaxway ne Siilaanyo Muddo Xilleedkeeda u Hadhsantahay wax ka yar Hal sanno.

Somalidu Waxay ku Maahmaahdaa Walle Reer Aan ogahay Ma Guuro, Anna Waxaan idhi “ Gabiley iyo Kulmiyena isma Bartaan” Ilmaha Sabiga ahi Marka uu yarhay ee ku ooyo waxa uu arko Hooyadu waxay ku sabtaa “Hooyo waan kuu keenayaa” ilmuhu Wuu iska ilaawaa markiiba, sidoo kale Umushu Xanuunka Soo mara illaahay baa illawsiiya marka ay Umusho ee uu Soo dhaafo Ilmuhu.

Waa ayaan Darro inteeda leeg In Caqliga Bani aadamka Lagu Ciyaaro, laga Been Sheego, Maalinba Dhinac loo jeediyo, Waa Ceeb in aad Dhagaysato Beenaale isagu Been kuu Sheegaya oo iskaga kaa Dhigaya inuu kaa Difaacayo Beenaaleyaal kale kuna Beerlaxawsada Wixii uu Ka Been Sheegay inuu haddana Maanta kuugu manno Sheegto.

Hangoolka Waxa loo Baahdaa marka Reerka La oodayo, inta kalena meel ayaa la iskaga Tuuraa, Gobolnimada Gabiley-na Waxaa la soo Qaadaa marka Doorasho Soo Dhawaato ee la Rabbo in Biriijka Tartanka lagaga Gudbo.

Shaqsi inuu Kufaa Ceeb maaha, Balse inuu halkii uu ku Kufay Sii Fadhiyo ayaa Ceeb ah, Waa Nasiib Darro in Masuuliyiin Gobolka Matalaa oo Xilalka ugu Sareeya ka Haya Xukuumaddu Maalinta Awrka lagu Kacsanayo loo Soo dirro Gobolka laguna soo Amro inay Beerlaxwasigii hore loogu Lee’day Bulshada ku Maaweeliyaan, miyaanay Nasiib darro kale ahayn in iyaga oo Aan Bulshada Waxba uqaban haddana marin habaabiyaan Umadda Waxtarka uga Baahan.

Miyaanay ahay Tii uu lahaa Alle ha unaxariistee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) “Dadna Waa Hangoolkii, Maalin Ciddi Dan ledahay,Dalmaroow la Tabi jiray”.

Waxa kale oo Wax lala yaabo ah in Nimaan Waxba ummadda u Qaban oo Danayste ahi, dadka Hortooda ka Caayaan Haldoorkii Gobolka, Halyeyadii usoo Halgamay iyo Taariikhyahanadda Umadda ee ka Aragti Duwanaaday.

Waa kii Alle ha Unaxariistee Gaariye lahaa

Hebel Laga Ducaystiyo

Mana Laha Nin Dooroo

Dayaxii U Soo Baxa,

Daamur Baa La Mariyaa.

Mooralkaana Laga Dilay

Danabyadii U Kici Laa,

Markii Geela Loo Diray

Ninkii Maqasha Daayacay.

Dib umicso Weedhaha haddaladii Marwada Madaxwaynaha ee Shalay ay ka jeediay Xafladii Shalay“Gabiley Waa Gobol Cidna ka Baryi mayso, Dawlada uu Odaygaygu Gadhwadeenka ka yahay, Sababtoo ay tahay Waa Gobol Tii sharciyada, Xidhibaan amiin waakii inoo sheegay Baarlamaankay kuxidhantahay, Caasimada marka la dhaafo Gabiley gooni bay isku Taagaysaa, Waynu Riixaynaa, inta uu imanayona Gobol baynu ula dhaqmaynaa, isu duwayaashii baa Jooga, Badhasaabkii baa jooga, Waa Gobol, Waa Gobol, Gabiley inay Gobol tahay madaxwanuhu Beenaale runtiisuu fogeeyaaye waxaa ka markhaati kacaaya Gobolka kaliya ee Seddex Wasiir oo waawayn leh ee aan ahayn caasimadu waa gobolka Gabiley, waa Seddexdaa Wasiir ee Qaaliga ah ee Wasaaradaha muhuumka ah jooga” ayay tidhi Marwo Aamin Waris.

Waa Wax laga Xishoodo in Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Maanta Gabiley ugu Faanto Seddex Wasiir Baanu idin siinay, halkii laga Sugayay inay Fuliyaan Balanqaadyadii Tiradda Beelay ee ay ku jirta Gobolnimadan Xusuusteedu ku soo Dagto marka Doorasho Timaado, Waa Wax laga Xumaado in Gabiley Kulmiye u Sadqeeyo Seddex Wasiir oo Aan Danahooda Dhaafsiisnayn isla markaana Loo Adeegsanayo Waxaan iyaga Dani ugu jirin.

Waxaan ku Soo Afmeerayaa Tuduc kale oo uu Gaariye lahaa Rabbi Qabriga ha unuuree

Deggenaanna uma dhalan

Dubbahaygu soo maqan

Lagu sii dareemoo,

Jeer dakharku igu dhaco

Kama sii digniin helo.

Darayana Allaa baday

Xaynta ii dareertoo

Intaan Daawad lala tegin

Uma baran daryeellee

Digdigtaan ku fiicnahay

Markay dhacanto dabadeed

Lagu baadi dooniyo,

Dugayeyda dhiillada.

Belo daaman-qabasho leh

“Daba qabo” nin yidhi baa

Ragna ugu aqoon daran.

Dulucdeedu waxay tahay;

Nacas hadalku kuma duxo

Doobir iyo nasiib badan

Oo shil Eebbe uga digey

Mooday inuu dedaal iyo

Dardartiisa kaga baxay.

Mustafe Future

mccfuture@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured