“Xaflada Qaban Qaabada Gudida Dhalinyarada ee Beelaha Habar Magaado oo Meel Fiican Maraysa iyo Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare oo Kaalin Fiican Laga Siiyay..”

0
Monday December 01, 2014 - 08:09:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Xaflada Qaban Qaabada Gudida Dhalinyarada ee Beelaha Habar Magaado oo Meel Fiican Maraysa iyo Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare oo Kaalin Fiican Laga Siiyay..”

    Hargeysa (xogreebnews.com_Shirar Doceedyo u Socday maalmahan dhalinyarada magaalada Hargeysa ayaa lagu go`aamiyay in la sameeyo ururka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Shirar Doceedyo u Socday maalmahan dhalinyarada magaalada Hargeysa ayaa lagu go`aamiyay in la sameeyo ururka
Hargeysa (xogreebnews.com_Shirar Doceedyo u Socday maalmahan dhalinyarada
magaalada Hargeysa ayaa lagu go`aamiyay in la sameeyo ururka
Dhalinyarada Beelaha Habar Magaado kaasi oo door weyn ku yeelan doona
arrimaha horumarinta dhalinyarada iyo siyaasada.
Shirkii ugu dambeeyay oo lagu qabto magalaada Hargeisa ayaa lagu
doortay gudoomiyaha Gudida Qaban Qaabada kaasi oo loo doortay
Cabdinaasir Yuusuf Bulxan. Oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon
magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro aad looga
yaqaano magaalada hargeysa waxa kaalin firfircoon ka ciyaarayay
ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa. Waxana
lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo laga soo saaray kulankaasi oo
uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha gudida ku meel gaadhka ee
Dhalinyarada Beelaha Habar Magaado Cabdinaasir Yuusuf Bulxan ayaa u
qornaa sidan:
“Anigoo ah guddoomiyaha guddida ku meel gaadhka ah ee dhalinyarada
habar magaado waxa aan ammaan balaadhan usoo jeedinayaa dhammaan
xubnihii dhalinyarada ahaa ee maalmahan shirarka ku lahaa magaalada
Hargeysa, si ay u sameeyaan ururka dhalinyarada Beelaha habar magaado,
iyo kuwii ku bixiyay waqtigooda iyo dhaqaalahooda, Ilaahayna ku
guuleeyay abuuritaanka ururkaasi oo ka yimi fikrado lays waydaarsaday,
muhiimna loo arkay abuuritaanka ururkan, maadaama haatan lagu jiro
waqti kala guur ah loona baahan yahay in dhalinyaradu ka qayb qaataan
jaangoynta siyaasadeed ee dalka, Ilaahayna nagu Guuleeyay.


Waxa aan shacabka Somaliland u sheegayaa in howshaasi lagu guulaystay
samaynteeda haatana la gudo galayo sidii loo qaban lahaa shirka
dhalinyarada Beelaha Habar Magaado, isla markaana loo dhisi lahaa
dhamaystirka qaab dhismeedkiisa dhawaana waxa aanu socdaal ku tegi
doonaa gobollada iyo degmooyinka dalka” ayaa lagu yidhi
war-saxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyuhu.
Ururkan ayaa ah mid ay si weyn usoo dhaweeyeen dhammaan qaybaha
bulshada iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid loo baahan yahay
samayntiisa watigan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured