Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo

0
Monday December 01, 2014 - 08:00:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo

    Hargeysa(xogreebnews.com_ Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (Diiqdiiq)Oo kamida ganacsatada reer Somaliland ayaa goor dhawayd nasoo gaadhsiiyey Warqad furan oo uu sitoosa ugula hadlaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland taasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_ Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (Diiqdiiq)Oo kamida ganacsatada reer Somaliland ayaa goor dhawayd nasoo gaadhsiiyey Warqad furan oo uu sitoosa ugula hadlaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland taasoo
Hargeysa(xogreebnews.com_Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (Diiqdiiq)Oo kamida ganacsatada reer Somaliland ayaa goor dhawayd nasoo gaadhsiiyey Warqad furan oo uu sitoosa ugula hadlaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland taasoo u dhignayd sidan :- Mudane Anigoo Magacaygu Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (diiqdiiq) isla markaana mudo dheer ka mid ahaa ganacsata waayo-araga ah ee reer Somaliland .


Waxa aan maanta halkan kuugu soo gudbinayaa arin culus oo ku saabsan hanti dhul ah oo deyr iilahayd oo aan ilaa sanadkii.1971 anigu lahaa oo aan sharcigeeda iyo mulkiyadeeda lahaa oo aan ku warhelay iyadoo la dhisaayo taaso markaan wax weydiiyey ragii dhisaayeyna ay ii sheegeen in adiga oo Madaxweynihii qaranka ihi dhagax dhigtay lagana dhigaayo Librery wax lagu akhristo dhulkan oo ah Deyrka dhanka Koonfureed kaga qabsan Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta kaasoo sida ku cad sharciga iyo mulkiyada aan haysto oo ku taariikhaysan ilaa 1971


Taasoo markay halkaas maraysay aan kiis ka furtay una dacwooday Maxkamada Gobolka Maroodijeex oo isla markiiba soo saartay warqad amaraysa in wasaarada Hawlaha Guud kasoo war bixiso arinkan taasoo aanay kasoo jawaabin warqadaas maxkamada wasaarada Hawlaha Guud iyadoo intaa kadibna Maxkamadu soo qortay warqad xayiraada oo ku socota Taliyaha Qaybta Galbeed ee magaalada Hargeysa taasoo maxkamada amarkeedaa xayiraada ah uu Taliyaha Qaybta Galbeed ee magaalada Hargeysa si badheedh ah u diiday

Mudane Madaxweyne Guntii iyo Gunaanadkii anigoo halkan kuugu soo lifaaqi doona cadaymaha waraaqahaas waxa aan hadalka kuugu soo gaabinayaa maxaa laga filankaraa muwaadinka ay qabsatay cadaalad darada iyo dulmigaas baahsan ee ciidankii amniga iyo wasaarada Hawlaha Guudka badheedheen
Wabilaahi Towfiiq
Muwaadin Maxamuud Axmed Cali (diiqdiiq_
Hargeysa Somaliland










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured