SIILAANYO: AABAHA MUSUQMAASUQA IYO QABYAALADA WAA NASIIB XUMO KU DHACDAY DADKII CODKOODA SIIYEY!

0
Sunday November 30, 2014 - 18:51:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIILAANYO: AABAHA MUSUQMAASUQA IYO QABYAALADA WAA NASIIB XUMO KU DHACDAY DADKII CODKOODA SIIYEY!

    SIILAANYO: AABAHA MUSUQMAASUQA IYO QABYAALADA WAA NASIIB XUMO KU DHACDAY DADKII CODKOODA SIIYEY!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIILAANYO: AABAHA MUSUQMAASUQA IYO QABYAALADA WAA NASIIB XUMO KU DHACDAY DADKII CODKOODA SIIYEY! Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhaaanba bahda saxaafada,guud ahaan, gaar ahaanba waxaan leeyahey ”asc” . Ka dib waxaan dooanya bal in aan in yar ka idhaahdo guuldarada iyo nasiib xummada ku dhacday dadkii siilaano codkooda siiyey, ee uu uGu abaalka gudey isku dirka, kala eexaysiga, kala jajabinta, oo manta aad arkeyso iyagoo uu gabal xun u dhacay.
Habqankoodiina ay xisbiyada maalinba mid ku biirayaan, waa nasiib in qofka lagu qaldamo oo uu noqon waayo waxii la mooday, balse uu waraabe ku noqdo dadkii moodaayey qof binu-aadam ah.

maalintii la doortey Odaygan badowga ah ee wali isa’goo (90) jir jooga qabiilka iyo xaaraanta aan u kala soocneyn ee ummadii qaska iyo jaahwareerka ku ridey, ayaan waxan la socday bal taalabada uGu horeysa ee uu qaado anigoo raba in aan ogaado ,ninkaasi in uu yahey daneyste iyo in uu yahey nin qarran, balse shaqsi ahaanteyda anigu waxaan ogaadey in uu talaabadii uGu horeysay ee uu dowlada ku sheegta ku dhiseyba uu ahaa beenaale ka beenshaagaayay waxii uu lahaa markuu ummada codka ka doonaaye waxaanan ogaaday siilaanyo in aanu aheyn nin markaasiba ku socday wax la yidhaado xisbi ama xisbinimada e uu ahaa qof wali ku shaqeynaaya nidaamkii reermiyinimada ee uu ku barbaarey ee ahaa reer hebel iska dhici iyo manta reerkaasi ka aargooso, waxaan tusaale u ah talaabooyinka uu ka dhex sameeyey dadkii sida niyadsamida ah u doortey in uu ummada ku hogaamiyo cadaalad iyo sinaan, waxaan xasuustaa maalin qolo reer Xaraf ahi XARAF waa magaalo facweyn oo kutaala duleedka galbeed ee magalada hargeysa uu qado sharaf loogu sameeyey ayaa Oday weyn oo waqtigaasi ahaa Odayaasha deeganka Xaraf uu ku yidhi Waar waxaad noqoneysaa madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in aad ummada cadaalad ku dhaqdo , runtii waa hadalka maalintaasi aan aadka ugu qiimeeyey , odhaahdasi oo aheyd mid qiimo leh, balse siilaanyo mee? markii uu isku hubsadey guushii shacabka Somaliland ay siiyeen ayuu wax uu mar kaliya noqday ma anigaad I taqaaneen bari ? iyo ma aniga ?? waa dhaqankii xumaaa ee jaahilnimada badnaa ee somalida qaar ay lahaan jireen, hadaba siilaanyo waxa uu qabto iska daayey odayaashii maalintaasi dardaarey ee waliba u sheegey in uu madaxweyne noqonaayo, waad taqaaniin magaalada Xaraf ama intiina aan aqoon waa magaalo aad u da’weyn oo hargeysa ka horeysay waxaaney hargeysa u jirtaa 11 km siilaanyo xitaa waxa uu kala bakheyle in uu waddo yar u dhiso reer xaraf, waana dadka uu manta dagaalka qabyaalada ah ku hayo ee u ah badhtilaameedka siilaanyo.
Maanta waxaa iska cad in uu siilaanyo xukunkiisii iyo xisbigiiba gacantiisa ku diley iyo xoolahii cashuurta ahaana uu axan uga dhigey, waxaana hubaal ah in aanu siilaanyo heli doonin cod ka badan 20,000 kun oo waliba laga yaabo in ay waxana laaluush ku yimaadaan waxana qabiil,waanu sii galbanayaa oo gabalkii wuu dhacey isga iyo inta xumaanta ku suraakoobey ee uu uGu horeeyo wasiir xaaraan ku naax samaale iyo xirsi ee waxaan ummada Somaliland uGu baaqayaa in la helo hogaamiye ummada u horseeda nidaam iyo sharci iyo wax uu soo kordhiyo balse nin mkasta marka la doorto haduu qabiil noqdo ogaada Somaliland wax la yidhaado jirimeyso waana qaran jab iyo guuldaro kale oo tii lixdankii ka xun ood ubadkiina danbe uga tageysaaan.
Qore: Tahir hussein



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured