Bayaan: Qaarka mida Aqoonyahanka Beesha Koonfurta iyo Bariga Magaalada Hargeisa oo Beeniyey inay Dhalinyarada Ciidagale u dhamayd Shirkii uu qabtay ururka Dhalinyarada ee (Horseed) 25/11/14 Iyga Oo Ku Tilmaamay Waxba Kama Jiraan

0
Thursday November 27, 2014 - 11:24:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayaan: Qaarka mida Aqoonyahanka Beesha Koonfurta iyo Bariga Magaalada Hargeisa oo Beeniyey inay Dhalinyarada Ciidagale u dhamayd Shirkii uu qabtay ururka Dhalinyarada ee (Horseed) 25/11/14 Iyga Oo Ku Tilmaamay Waxba Kama Jiraan

    Waayadan danbe waxa saxaafada aad u adeegsada kooxo abaabulan kuna hadla magaca deegaano aad u baaxad weyn.Anagoo ka mida aqoonyahanka Beelweyn Ciidagale waxaan halkan ka sheegaynaa inay tahay figrad riqiisa iyo taageero aan sal ku fadhiyin in ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waayadan danbe waxa saxaafada aad u adeegsada kooxo abaabulan kuna hadla magaca deegaano aad u baaxad weyn.Anagoo ka mida aqoonyahanka Beelweyn Ciidagale waxaan halkan ka sheegaynaa inay tahay figrad riqiisa iyo taageero aan sal ku fadhiyin in hadba koox dhalinyaro’ ah la soo ururiyo loona abaabulo inay ku hadlaan afka dadka iyo deegaan aad u balaadhan.

Waayadan danbewaxa saxaafada aad u adeegsada kooxoabaabulan kuna hadla magaca deegaano aadu baaxad weyn.Anagoo ka mida aqoonyahanka Beelweyn Ciidagale waxaan halkan ka sheegaynaa inay tahay figrad riqiisa iyo taageero aan sal ku fadhiyin in hadba koox dhalinyaro’ ah la soo ururiyo loona abaabulo inay ku hadlaan afka dadka iyo deegaan aad u balaadhan.

Waxa 25/11/14 saxaafada ku soo baxday inay koox dhalinyaro ah sheekteen inay matalaan beel weynta Ciidagale iyagoo taageero u muujinaaya xukuumada Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo. Dhinaca kale beelweynta Ciidagale waxay ka mid tahay bulshada degta deegaanada ugu mihiimsan jamhuuriyada Somaliland. Mabaadiida Beeshu waxay ku dhisantahay arimahan hoos ku qoran

üIlaalinta iyo faafinta diinta islaamka iyo dhaqanka suuban

üIlaalinta qaranimada iyo jirintaanka jamhuuriyada Somaliland

üKa qaybqaadashada abniga iyo horumarka Somaliland

üXalinta khilaafaadka iyo ismaandhaafka siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo deegaan

üIlaalinta iyo dhawrida xidhiidhka beelaha kale somaliand wada daga

üTixgalinta iyo dhawrista figradaha iyo aaraada dadweynaha

Hadaba waxaan habooneyn in tiro yar oo koobani ku hadasho magaca iyo deegaan qiima weyn ugu fadhiya qaranimada jamhuuriyada Somaliland.Waxa kaloo xukumada nusqaan ku ah inay hadba tiro yari tidhaa taageero mug leh ayaan kuu haynaa.Xukumadu waxay shacabkeeda ku kasbataa arimahan soo socda

üHorumar muuqda

üCadaaladda loo sameeyo bulshada

üArimaha amniga

üDhex u noqoshada bulshada

üShaqo abuurida

üGaadhsiinta bulshada reer Somaliland kaabayasha aasaasiga ah

Intaa waxa dheer beelweynta ciidagale waxay leedahay nidaam iyo isku duubnaan ku salaysan maamul wanaag.

Waxaana ka mida

üSalaadiin iyo gole dhaqan

üGudi qaabilsan siyaasada iyo horumarka beesha

üUrur horumarineed (Gaaroodi)

üUrur dhalinyaro (Qalinka Daa’uud)

Aqoonyahanada soo saaray bayaanka

Abdi Ahmed Digale

Sacad Maxamed Yuusuf

Deeq Aadan Xasan

Liibaan Ismaaciil Buraale

Guuleed haybe cali

Khadar Xasan Cumar

Axmed Cabdilaahi

Kayse Ducaale

Yuusuf Aadan

Maxamed Maxamuud

Dr. A/rahman Xasan qawdhan

Dr. Cabdi Ibraahim Ciise

Dr. Axmed Cabdi Xaaji

Dr. ridwaan Maxamed Adan

Dr. Saleebaan Ibraahim

Eng. Deeq Cismaan Muuse

Eng. Mustafe Cismaan Garnayl

Eng. Cabdi Cali nuur

Garyaqaan. A/rahman Xasan Nuur

Garyaqaan. Maxamuud Axmed

Garyaqaan. Xamse Cali

Garyaqaan. Maxamuud Cabdi

Xogreebnews/Office

Hageisa Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured