Xildhibaanada Ka Soo Horjeeda Mooshinka Oo Loo Diray Fariimo Hanjabaad Ah

0
Wednesday November 26, 2014 - 17:13:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Ka Soo Horjeeda Mooshinka Oo Loo Diray Fariimo Hanjabaad Ah

    Muqdisho (xogreebnews.com_ Xildhibaanada ka biyo diidan mooshinka laga keenay Xukuumada Somaliya, ayaa waxay sheegeen in loogu hanjabay in lagu weerari doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com_ Xildhibaanada ka biyo diidan mooshinka laga keenay Xukuumada Somaliya, ayaa waxay sheegeen in loogu hanjabay in lagu weerari doono Muqdisho (xogreebnews.com_ Xildhibaanada ka biyo diidan mooshinka laga keenay Xukuumada Somaliya, ayaa waxay sheegeen in loogu hanjabay in lagu weerari doono Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.Waxaa goor dhaw saxaafadda magaalada Muqdisho kula hadlay xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, iyaga oo sheegay in naftooda ay halis soo gashay. Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah Xildhibaanadaan ayaa Saxaafadda la hadlay, waxaana uu sheegay in naftooda ay u baqayaan ka dib markii Madaxtooyada ay kala kulmeen Hanjabaad waa sida uu hadalka u dhigaye.Waxa uu sheegay Xildhibaanka hadii shaqsi ka mid ah xildhibaanada diidan mooshinka la dilo, in ay ka dambeyso Madaxtooyada Gaar ahaan Madaxweynaha iyo xubnaha la wada mooshinka.

“Anaga waa naloo soo hanjabay, nafteena ayaa halis ku jirta, hadii ay wax na gaaraan shacaboow ogaada, waxaa na dishay Madaxtooyad, madaxweynaha iyo ragga saaxiibada la ah meel aan ahayn yaan la aadin”Waa sheeko kale oo weji cusub u yeelaysa xaaladda adag ee hadda jirta, waxaana hadalkaan uu imaanayaa xilli mudanayaasha Barlamaanka qaarkood ay diidan yihiin mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured