“Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto "Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

0
Tuesday November 25, 2014 - 18:33:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto "Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa

    Hargaysa(xogreebnews.com_Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubaa Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa si isku mid ah Xaraan ugu Tilmaamay Xeerka Uu wasiirka Wasaarada Warfaafinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com_Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubaa Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa si isku mid ah Xaraan ugu Tilmaamay Xeerka Uu wasiirka Wasaarada Warfaafinta Hargaysa(xogreebnews.com_Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buubaa Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa si isku mid ah Xaraan ugu Tilmaamay Xeerka Uu wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Kusoo Rogay Saxaafada Madax Banaan ee Somaliland. Waxa ay cadeyeen in Xeer Aan Soo Marin Golaha wakiilada Lagu dhiqi Karin In Cashuur Lagaga Qaado Saxaafada. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Xukuumad U soo jeediyay in Faraha Ka qaado Lacagaha Ay kusoo Rogtay Saxaafada ee Lagag Doonayo Cashuurta waxaana uu yidhi.“Dee Cashuuraha Xukumaddu way soo jeedisaa haddii Cashuur cusub la xalaalaynayo, markaa Cashuur aan goluhu ansixin waa sharci daro.Cashuurtu way kordhin kartaa Cashuur laakiin waa in Golaha la keeno oo la xalaaleeyo”Sidoo kalena Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay Arintan waxaanu yidhi “Takaaliif ama Cashuur aan Golaha Wakiiladu ansixini waa Qayrul sharci.wax anaga na soo maray maaha, wax jirana maaha, wax lagu camal falayana maaha. Cashuuraha waxaa soo rogta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ansixiya Golaha wakiilada. Anaga haba yaraatee Cashuurahaas la sheegayaa nama soo marin, wixii aan na soo marina Sharci maaha. Waxaan Xukumadda ka codsanayaa inay Xukumaddu Shuruucda dhawrto, waxaanan arintaas u arkaa Caddaadis iyo Cabudhis Warbaahinta lagu hayo”

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay talaabooyinka xukumaddu yihiin caddaadis warbaahinta madaxabanaan la saarayo.
“Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto oo ay ku cabudhiso oo ay iyadu iswada hoos keento, arintaanisana ma shaqaynayso.
Hadalkan Kasoo yeedhay Labada xildhibaan Ayaa waxa uu kusoo Beeg-mayaa Xili ay wasaarada Maaliyadu Cashuuro Dul Dhigtay in ay iska Bixiyaan Tv-yada Badax Banaani,Taas oo Ay dabada Kasoo Riixayso Sida La sheegay wasaarada Warfaafinta Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured