Gawraca Samaa Iyo Gardaadinta Xumaa Goob Ma Ku wada Xustay!!!!

0
Tuesday November 25, 2014 - 17:38:01 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gawraca Samaa Iyo Gardaadinta Xumaa Goob Ma Ku wada Xustay!!!!

    Tan iyo taariikhda la soo noqoshada xoriyada Somaliland oo haatan sadex iyo labaatan jirsatay waxa wadanka ka hana qaaday hanaanka xisbiyada badan oo runtii loo arkayay meel lagu loolami karo isla markaana lagaga bixi karo qabyaalada iyo gobolaysiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo taariikhda la soo noqoshada xoriyada Somaliland oo haatan sadex iyo labaatan jirsatay waxa wadanka ka hana qaaday hanaanka xisbiyada badan oo runtii loo arkayay meel lagu loolami karo isla markaana lagaga bixi karo qabyaalada iyo gobolaysiga waxaase guul daro iyo ayaan xumo noqtay markii arrinkaasi noqday qabyaalad shaadh loo galiyay isla markaana

Tan iyo taariikhda la soo noqoshada xoriyada Somaliland oo haatan sadex iyo labaatan jirsatay waxa wadanka ka hana qaaday hanaanka xisbiyada badan oo runtii loo arkayay meel lagu loolami karo isla markaana lagaga bixi karo qabyaalada iyo gobolaysiga waxaase guul daro iyo ayaan xumo noqtay markii arrinkaasi noqday qabyaalad shaadh loo galiyay isla markaana waxa ugu badan ee bulshada ay baraana noqotay qabyaaladii iyo faankii geyiga soomaalidu caanka ku ahayd waxaana marba marka ka sii dambaysa muuqanaysa in shaadhkii loo galiyay xisbiyadu wuu sii duugoobayo oo uu meesha ka sii madhanayo.

Akhriste qormadeenan kooban waxaan ku dul istaagi doonaa qodob aynu xusno isla markaana ah dhibaatooyinka bulshada iyo dalka haysta.

Inta badan waxa dalka ka qabsooma doorashooyin lagu doorto gole wakiilo iyo kuwo deegaan waxaana inta badan lagu soo xushaa hab deegaan oo marka dambe ku uruura hab qabiil waxaana meesha isugu yimaada dad lagu soo xulay qaabkaas oo mid walba bulshadii soo dooratay ay ku soo xulatay afmiishaarnimo, hamhamlenimo, iyo isagaa wax dhacsan kara waxaana marka dambe laga qayliyaa wax qabad la,aan iyo dhibaato ay abuuraan oo bulshada si caama u wada taabata ileen laguma soo xulin wax qabad, aqoone waxaaba suurowda hadii reerka dhexdiisa ay wax soo doontaan dadka wanaagsan ee la majeerto in lagu yidhaado waar meesha lama tagee isaga jog miyaanad Alle ka baqanayn ninkii ina hebal ayaan meesha gaynaynaa oo dadka wax la boobi karayee meeshani meeshaadii maahee,, hada garoo waxa la boobayaa waa masaakiinta dhiigooga oo ay ka mid yihiin kuwa sidaa lehina.

Hadaba hadiiba kuwii hore aan wax laga dheefin oo fadhiidnimo laga dheefay maxaa hadaba bulshada ugu wacan inay kuwo dambe oo dardar hor leh qaba u sacaba tumaan miyaanay xaalku ahayn ayaan daradu ha sii socoto.

Akhriste waxaynu ka wada dharagsanahay in golaha wakiilada Somaliland ay haatan meesha ku fadhiyeen mudo ku siman toban sano waxaana aynu ka wada war qabnaa inaanay haba yaraatee wax bulshada u dan soo kordhin oo aanay hal xeer oo dhaxal gal ah ka tagaynin waxa iyaduna xusid mudan in aanay intooda badani maalin istaagin deegaamadii laga soo doortay oo aanay bulshadii wakhti la qaadan waxaase wax laga xumaado ah in maanta bulshada iyo reeraha wadanka dagani inay maanta ku xiiqsan yihiin jidkii shalay ay wadeecadu kaga luntay oo anaay waxba ka korodhsan waxaana xaalku maanta taagan yahay inaan waxba la weelayn oo aan dib loo milicsan wixii shalay lagala kulmay kuwii durbaanka loo tuman waxaanan warka ku soo af gooyay

Gawraca wanaaga iyo guusha xumaanta goob ma ku wada xusnay.

Qalinkii : Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured