Samo-talis Xaaji Cabdi Waraabe: Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland/ Qalinkii Khadar Ali Hussein [Shiine].

0
Sunday November 23, 2014 - 21:10:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samo-talis Xaaji Cabdi Waraabe: Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland/ Qalinkii Khadar Ali Hussein [Shiine].

    Samo-talis Xaaji Cabdi Waraabe: Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland/ Qalinkii Khadar Ali Hussein [Shiine].

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Samo-talis Xaaji Cabdi Waraabe: Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland/ Qalinkii Khadar Ali Hussein [Shiine]. Qormaddan Akhriste, waxaanu kaga hadlaynaa Samo-talis Xaaji
Cabdikariim Xuseen Yuusuf [Cabdi-waraabe] oo ah oday dhaqameedka ugu
da'da weyn guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland. Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen waxa uu Somaliland ugu jiraa
meelaha ay ugu jiraan dalalkooda raga ay ka mid yihiin Aayatulaa Cali
Khumayni oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan oo isagu iska
leh go’aanka ugu dambeeya ee dalkiisa laga fulinayo. Nesal Mandella oo

marka laga yimaado ahaa Geesigii Qaaradda Afrika wuu dalkiisa Koonfur
Afrika aan la gaadhi jirin wax go’aan ah oo aanu ogayn Mandella.
Haddaba waxaan shacabka reer Somaliland oo dhami aad uga wadda
dharegsan yihiin halka uu ugu jiro Same-talis Xaaji Cabdikariim
Xuseen, isagoo ah shakhsi ku caan-baxay ka shaqaynta maslaxadda
ummadda, adkaynta nabadgaliyadda iyo ilaalinta qaranimadda Somaliland
oo uu ka mid ahaa ragii dhidibadda u taagay yagleelinteeda 1991-kii
markii gooni-isu-taageeda lagaga dhawaaqay magaaladda Burco ee xarunta
gobolka Togdheer.Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen, ayaa isagu ah shakhsiga loo la
noqdo go’aanka marka ay murugto xaaladda guud ee dalku, isagoo
markii-ba ku guuleysta xalinta khilaaf kasta oo wax u dhimi lahaa
nabadgalyadda iyo guud ahaan qaranimadda Somaliland. Iyadoo
go’aankiisa aanay jiri Karin cid diidi karta. Waana Duco-yaalka dalka
maadaama oo uu yahay Oday dhaqameedka dalka ugu da’da weyn, isagoo
waligiina ku caan ahaa samo-talisnimada, isku soo jiidida ummadda iyo
ka shaqaynta walaalaynta dadkiisa. Alle cimriga ha u dheereeyo waa
nuurka ay Somaliland eegato.Same-talis Xaaji Cabdikariim Xuseen, ayaa in badan ku guuleystay
xalinta khilaafka siyaasi ee dalka ka qarxa. Iyadoo ay ugu dambaysay
labadii khilaaf ee Golaha Wakiiladda oo dalka meel halis ah
gaadhsiiyey. Isagoo mar kastana si waayeelnimo ah u dhameeyey dhammaan
khilaaf-yaddaas. Markaa waxaanu leenahay Alle cimriga ha u dheereeyo
waa nuurka ay Somaliland eegato. Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Somaliland.
Iyadoo guud ahaan shacabka Somaliland oo dhanina ay dugsadaan
muuqaalkiisa Alle nagama bixiyee
Khadar Ali Hussein [Shiine].
Mobile: 00252-63-4405090
khadarshiine012@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured