Wasiir Samaale Isagaa Sacad Muuse Ka Hor Taagan Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye–

0
Sunday November 23, 2014 - 21:08:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Samaale Isagaa Sacad Muuse Ka Hor Taagan Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye–

    Haddaba Siyaasiyiinta Damaca leh ee Beesha Sacad Muuse ka soo jeeda waxa hor taagan islamarkaana Cagabad weyn ku noqday Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba Siyaasiyiinta Damaca leh ee Beesha Sacad Muuse ka soo jeeda waxa hor taagan islamarkaana Cagabad weyn ku noqday Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Mahad oo dhan Alle ayay u Sugnaatay Waxaan Bulshada Somaliland ku salaamayaa Salaanta Islaamka meel kasta oo ay Aduunka ka joogaan Assallamu Calleykum, Salaan ka dib, Tan iyo markii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay Talada Dalka ee uu Madaxweyne noqday Madaxweyne Siilaanyo waxa jiray Tashuush iyo Muran xoog leh, kaas oo siday runtu tahay Salka ku hayay Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga iyo cida doorkan u xaq leh.
Khilaafku wuxuu u dhexeeyay labada dhinac dhinac uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo dhinac uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo, haddaba dhinaca uu hogaaminayo Muuse Biixi waxa ay Aaminsan yihiin in Sanadkan maanta ah ay Musharaxnimada Xaq u leeyihiin Beesha Sacad Muuse, maadaama ay Xisbiga Kulmiye tacab badan ku leeyihiin, inkastoo ay Bulshada Somaliland oo dhan ka dhexeeyo Xisbiga Kulmiye, haddana Beesha Sacad Muuse waxay tabanaysaa in ay iyagu yihiin kuwa ugu tacabka badan ee Xisbiga iyo Madaxweyne Siilaanyaba runtii Dedaal dheeri ah u soo galay, waxaana ay daliilashanayaan Kooxdan ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse ee uu ku jiro Damaca Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, in ay iyagu Madaxweyne Siilaanyo soo dhisayeen Muddo taban sanno ah, maanta loo baahan yahay in Musharaxa Xisbiga Kulmiye uu noqdo Musharax ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse, waxaana fikirkaa qaba Guud ahaan Beesha.

Haddaba Siyaasiyiinta Damaca leh ee Beesha Sacad Muuse ka soo jeeda waxa hor taagan islamarkaana Cagabad weyn ku noqday Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuuna ka dhaadhiciyay Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxda la socota in Beesha Sacad Muuse aanay Musharaxnimada doonayn ilaa inta uu Madaxweye Siilaanyo ka dhergaayo (Haaka ka odhanayo), waxaana daliil u ah waa kii si badheedh ah Bulshada Somaliland uga hor yidhi "Anigu Madaxweye Siilaanyo Lama sharaxni ilaa Inta uu Madaxweyne Siilaanyo Haakah odhanayo", wuxuu si adag ugu Celceliyay in aan Madaxweyne Siilaanyo lala tartami karin, ee haddii uu toban jeer oo kale Madaxweynuhu isa soo sharaxo isaga uun loo codeeyo, Halka marka la yidhaahdo Nin Sacad Muuse ah baa sharaxan uu Waalanayo ee uu leeyahay Anigaa la tartamaya waxana Tusaale fiican sida uu Wasiir Samaale u neceb yahay in Masuul ay isku deegaan yihiin uu marnaba musharax noqdo, ee uu Habeen iyo Maalinba uu Dagaalka ugula jiro, Shaqsiyaadka uu is yidhaahdo Damac bay leeyihiin oo way is sharixi karaan, waxaana la wada ogyahay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi markii uu noqday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye aanu wax farogalin ah kala Kulmin Madaxweyne Siilaanyo, markii uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Xisbiga, Laakiin waxa markiiba dagaal qadhaadh ku qaaday ilaa imikana kula jira waa Wasiir Samaale, cidda uu diidan yahayna maaha maaha Muuse Biixi oo kaliya ee waa Siyaasi kasta oo ay isku Beel yihiin oo uu ka Uriyo Musharaxnimo, waxaana Hubaal ah inuu Wasiir Samaale dagaal xoogan ku qaadi doono Siyaasi kasta oo ay isku Beel yihiin oo uu ka Dareemo ama ku tuhmo inay Damac Musharaxnimo leeyihiin.
Su'aasha aan wali Jawaab loo helina ayaa ah muxuu Wasiir Samaale Kursiga ugu diidayaa Ragan ay Ilmaadeerka yihiin ee ay isku deegaanka yihiin ee ay wada dhasheen, ilayn waakan Isagu Meel walba kaga Eedaamay In aanu Damac lahayn inta uu Siilaanyo Damac leeyahay, Sawkan Samaale yidhi Musharax ma ihi inta uu Siilaanyo Musharax yahay, Sawkan yidhi Waan sugayaa inta uu Madaxweynuhu Siyaasada ka dhergayo, halka looga taag laayahay Siyaasiyiinta ay Isku Deegaanka Yihiin.
Wasiir Samaale wuxuu ku gafay oo meel kaga dhacay Guddiga Sacad Muuse ee Hoodaale isagoo ku tilmaamay inay Guddigu Reerka baabiinayaan, waxaanu ku dhibsaday ama ku maagay ka dib markii ay Guddidu u yeedheen Samaale, iyagoo doonayay inay si tolnimo ah waraystaan wuuna diiday inuu la kulmo Guddida Beesha Sacad Muuse ee Hoodaale.
Hadda waxay Arintaasi cadaynaysaa in Cidda Musharaxnimada u diidan Beesha Degta Waqooyiga, Hawdka Iyo Galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse), aanay ahayn Madaxweye Siilaanyo ee uu yahay Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo isagu Geed Dheer Iyo Mid Gaabanba u Fuulay Sidii uu Madaxweyne Siilaanyo uga Dhaadhicin lahaa in Beesha Sacad Muuse aanay Damacsanayn Kursigan islamarkaana Madaxweyne ku dhego barjeeyay Madaxweyne Adiga Uun baa Musharax ah Beeshayda Sacad Muus way ku taageersan tahay, oo dhaqaalihii iyo Codkii aad ku taqaanay diyaar bay kuula yihiin, Wasiirada Reerkana Anigaa ugu Xoog badan oo Wasiirkan Arimaha Dibadda iyo Kan Warshadaha iyo Marwo Samsam Iyo Kan Ganacsiga intaba haddii ay is waalaan ama aynu fahmi waynu Halkii uu Maray Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaynu marinaynaa mana jirto Cid kale oo Kursigan Huguri ka gali karaa, markaan Aginga Fikirkay waxaan leeyahay Beesha Sacad Muuse waxa kursiga u diidan oo maanta keenay in Xisbigii Kulmiye aanay waxba ka ahayn waa Wasiir Samaale, ee Reerku ha loo taliyo ama aynu sugno Musharaxnimada inta Madaxweyne Siilaanyo Haakah odhanayo.

Yaasiin Aw Ahmed
Hargeisa Somaliland
awyaska@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured