Ururadda Midawga Yurub Iyo Afrika Oo Wasiirkii Horre Ee Khaarajiga S/Land U Magacaabay Ergayga U Qaabilsan Dalalka Khilaafyadda Siyaasiga Ahi Ka Aloosan Yihiin Ee Qaaradda Afrika

0
Saturday November 22, 2014 - 17:00:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururadda Midawga Yurub Iyo Afrika Oo Wasiirkii Horre Ee Khaarajiga S/Land U Magacaabay Ergayga U Qaabilsan Dalalka Khilaafyadda Siyaasiga Ahi Ka Aloosan Yihiin Ee Qaaradda Afrika

    Hargeysa, (xogreebnews.com_ Ururadda Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cummar u magacaabay khabiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (xogreebnews.com_ Ururadda Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cummar u magacaabay khabiir Hargeysa, (xogreebnews.com_ Ururadda Midawga Yurub iyo Midawga Afrika ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cummar u magacaabay khabiir (Senior Diplomat) kala taliya xalinta khilaafaadka siyaasiga ah ee ka aloosan waddamada qaaraddda Afrika, isla markaana khilaafyadaasi ayaa iskugu jira kuwo ka dhexeeya dalaka Afrikaanka ah iyo qaar ka dhex jira wadamadaasi gudahooda.Dr Maxamed C/laahi ayaa waxa uu dalalka uu wakhtigan arrimahooda ka hawl-galayo waxa ka mid ah Koonfurta Sudan, Waqooyiga Suudaan, Nigeria, Congo, Somalia iyo Somaliland, kaas oo shalay soo gaadhay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isagoo ka soo kicitimay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana sida ay Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ahi wakhtigan dalka u yimid sidii uu wada-hadalo ula yeelan lahaa Madaxwayne Siilaanyo oo ay soo wada-shaqeeyeen mudo dheer isla markaana ay saaxiibo isku dhaw ahaan jireen, kaas oo sida la filayo kala hadli doona xiisadaha siyaasadeed ee Somaliland ka taagan wakhtigan.Wasiirkii hore ee Khaarajiga Somaliland Dr Maxamed oo xilkan dhawaan loo magacaabay ayaa noqon doona khabiir ka soo talo-bixiya xal ka gaadhida dalalka mushkiladaha siyaasiga ah ragaadiyeen ee ku yaala qaaradda Afrika, kaas oo todobaadadii ugu danbeeyey socdaalo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Afrika, kuwaas oo ay wakhtigan ka taagan yihiin khilaafyo siyaasadeedyo waji-badan leh.Dr Cumar oo isagu muddo saddex sano ah ahaa wasiirka khaarajiga xukuumadda Siilaanyo isla markaana markii danbe wakhti kooban ahaa wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga ayaa isagu ahaa masuul xidhiidho dhaw lahaa wadamadda Afrika iyo kuwa caalamkaba, kaas oo mudadii uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa siyaasadda khaarajiga dalku ay indhaha aduunyadda soo jeedisay.Sidoo kale waxa isagan xilkan oo kale loo magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia Mr Seyoun Mesfin, kaas oo ay wada-shaqayn-doonaan wasiirkii hore ee khaarajiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar.Dhinaca kale waana markii u horaysay ee xil sare oo noocan ah ay beesha caalamku u magacawdo muwaaadin ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured