Beesha Caalamku Cunaqabateyn Dhinaca Safarada ah Ku Soo Rogto Wasiir Cukuse Kol Hadii uu U Xuubsiibtay Cabudhinta Saxaafadda Madaxa banaan.

0
Friday November 21, 2014 - 18:41:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamku Cunaqabateyn Dhinaca Safarada ah Ku Soo Rogto Wasiir Cukuse Kol Hadii uu U Xuubsiibtay Cabudhinta Saxaafadda Madaxa banaan.

    Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse ayaa waxa uu dabada ka riixayaa qorshe si cad uga hor imanaya dastuurka dalka,qorshahaasi oo lagu mijo xaabinayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse ayaa waxa uu dabada ka riixayaa qorshe si cad uga hor imanaya dastuurka dalka,qorshahaasi oo lagu mijo xaabinayo Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse ayaa waxa uu dabada ka riixayaa qorshe si cad uga hor imanaya dastuurka dalka,qorshahaasi oo lagu mijo xaabinayo saxaafadda madaxa banaan ,waxana la doonayaa in lagu cabudhiyo saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland,qorshahan oo uu wasiirku soo dhigay ayaa sheegaya wasaaradda warfaafintu gudi u samayso saxaafadda badaxa banaan gudidaasi oo u yeedhin doonta waxa ay qorayaan,isla markaana saxaafadda madaxa banaan siin doonta liisanada ,hadii la doonana lagala noqonayo liisanada.Qorshahaasi oo baaladhan oo xitaa ay ku jirto in lagaga laga qaado saxaafadda madaxa banaan ayaa waxa soo dhigay wasiir cukuse oo u eek nin weligii meesha iska fadhiyaya,waana shirqool khatar ku ah saxaafadda madaxa banaan,hadii aan beesha caalamka ee jecel dimuqoraadiyadda iyo horusocodka saxaafadu ka soo gadhin ninka wasiirka ka ah wasaaradda warfaafinta Somaliland ee Cukuse.Sidoo kale waxa uu waajib ka saran yahay baarlamaanka Somaliland inay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse oo cabudhin caga guleyn ba’an ku haya saxaafadda madaxa banaan,waxa loo baahan yahay in xisbiyada mucaaradka iyo cid kasta oo jecel dimuqoraadiyada iyo korida saxaafadda xorta ah in ay wax kasta oo lagaga hortagi karo khiyaamada wasiir cukuse la damabsan yahay saxaafadda xorta ah la sameeyo.Waana waajib in dawladaha maraykanka,ingiriiska iyo dawladaha reer yurub oo dhami ay cunaqabatayn dhinaca socdaalka ah ku soo rogaan wasiirka cadaystay cadhudhinta ,xadhiga ,cadaadista iyo cagajulgleynta saxaafadda,ee awoodii xukuumada siilaanyo istilcmaalaya.

Gabagaabdii waxa muhiim ah,in saxaafadda Somaliland ka hawl gasho sidii ay meel uga soo wada jeedsan lahayd oo ay iska difaaci lahayd shirqoolada wasiir Cukuse la damacsan yahay saxaafadda Somaliland ee madaxa banaan.
Qalinkii:Maxamed Xasan C/raxmaan
Email:Mxc123@gmail.com
Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured