Nicholas Kay Oo Diiday Inuu Raaligalin Ka Bixiyo Eedeyn Uu U Jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia

0
Friday November 21, 2014 - 18:19:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicholas Kay Oo Diiday Inuu Raaligalin Ka Bixiyo Eedeyn Uu U Jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia

    Hargeysa(xogreebnews.com— Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay sida uu u arko eedeen uu dhawaan usoo jeediyay Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in laaluush ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com— Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay sida uu u arko eedeen uu dhawaan usoo jeediyay Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in laaluush ku Hargeysa(xogreebnews.com— Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay sida uu u arko eedeen uu dhawaan usoo jeediyay Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay in laaluush ku badalanayaan codkooda.Nicholas Kay oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa wax laga weediiyay eedeyntii uu dhawaan usoo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood, kuwaa oo mooshin ka gudbiyay Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.Waxa uu diiday Mr Kay in uu raali galin ka bixiyo eedeyntii uu u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Qaarkood, waxa uuna tilmaamay in uusan marba raali galin ka bixineyn hadalka uu sheegayna uu yahay mid dad badan ay la qabaan.”Ma jirto arin ii muuqata oon raali galin ka bixiyo, maxaa yeelay warka aan sheegay iyo walaaca aan muujiyay waa mid dad badan ila qabaa” Ayuu yiri Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.Hadalka kasoo baxay Mr Kay ayaa imaanaya xili Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka caroodeen hadalka kasoo baxay kana dalbadeen in uu raali galin ka bixiyo hadlakaasi oo ahaa in ay laaluush qaataan Xildhibaanada.

xogreebnews.co-offece Hargeisa/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured