Jawaari Oo Ku Hanjabay In Uu Dib Barlamaanka Ugu Soo Celin Doono Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Raysal Wasaraaha

0
Friday November 21, 2014 - 18:16:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari Oo Ku Hanjabay In Uu Dib Barlamaanka Ugu Soo Celin Doono Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Raysal Wasaraaha

    Muqdisho(xogreebnews.com_Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa saaka u ambabaxay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa saaka u ambabaxay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana uu Muqdisho(xogreebnews.com_Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa saaka u ambabaxay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaana uu halkaasi Kulamo kula qaadan doonaa Madaxda dalkaasi. Gudoomiye Jawaari oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu kulan kale yeelan doono Isniinta soo socota isla markaana xildhibaanada loo qeybin doono Mowshinka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya laga keenay. “Baarlamanka isniinta ayuu kulan yeelan doonaa haddii alle idmo waxaana loo qeybinayaa Mowshinka Xukumadda ka dhan ka ah, xildhibaanadana waxaan ka codsaneynaa iney ilaaliyaan habsami u socodka kulanka” ayuu yiri Jawaari.Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa digniin u diray xildhibaanada caadeystay iney buuq iyo sawaxan ku carqaladeeyaan fadhiyada baarlamanka wuxuuna xusay in xildhibaankii la yimaada anshax xumo laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan isagoo u mahadceliyay Xildhibaanada qaar oo uu sheegay inay Ilaaliyeen Nidaamka.Baarlamaanka ayaa dhowaan yeeshay labo kulan oo ku soo dhamaaday Buuq iyo sawaxan ay ku dhaqaaqeen xildhibaanada diidan mowshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay raisul wasaaraha lamana oga illaa hadda in isniinta uu si habsami u qabsoomayo kulanka iyo in kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured