Madaxweynaha Jabuuti Oo U Kala Dab Qaadaya Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya

0
Friday November 21, 2014 - 18:13:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti Oo U Kala Dab Qaadaya Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somaliya

    Muqdisho (xogreebnews.com_Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhex-dhexaadin ka dhex billaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo khilaafkoodu sababay in ay laba u kala jabaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com_Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhex-dhexaadin ka dhex billaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo khilaafkoodu sababay in ay laba u kala jabaan Muqdisho (xogreebnews.com_Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhex-dhexaadin ka dhex billaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo khilaafkoodu sababay in ay laba u kala jabaan xildhibaanadii iyo wasiiradii dowlada Somaliya.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo u dhuundaloola Madaxtooyada Somaliiya ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo dhexgalay muranka dabada dheeraaday ee u dhexeeya madaxda qaranka. Xogahan ayaa tibaaxaya in madaxeweyne Geele fidiyay gogosha kulan seddex geesood ah oo dhexmara isaga iyo labada masuul ee khilaafku ka dhexeeyo.Dhinaca kale, Dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo horey uga gaabsaday khilaafka madaxda dowlada una muuqday kuwo taageersan mooshinkii raysal wasaaraha laga geeyay baarlamaanka ayaa hadda kusoo biiray fekerkii beesha caalamku ka qabtay xalinta khilaafkan.Dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo iyagu lagu xanto inay lug ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya ayaa horay u qabay fikirka ah in khilaafka madaxda dalka lagu xaliyo sida uu qabo dastuurka KMG ee dalka u yaalla arrintaasoo ay ka hor-yimaadeen Midowga Yurub iyo Maraykanka.Qaramada Madoobe ayaa horay uga soo horjeesatay in Raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed lagu rido mooshin taasoo loo cuskanayo badbaadada dalka iyo hiisiga sanadka 2016-ka si dalku ay uga qabsoomaan doorashooyin xor ah.

Maalmaha oo socda ayaa la filayaa in Raysal wasaaruhu u duulo magaalada Jabuuri ee dalka Djabuuti, halkaas oo uu ka qabsoomi doono kulan seddex geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Jabuuti , Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaaraha Cabdiweli.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured