Khilaaf Culus oo Ka Dilaacay Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxtooyadda uu Ku Daawanaysa Khilaafka Ka Curtay Wasaaradda.

0
Thursday November 20, 2014 - 18:59:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Culus oo Ka Dilaacay Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxtooyadda uu Ku Daawanaysa Khilaafka Ka Curtay Wasaaradda.

    Hargesa(xogreebnews.com_Wasaaradda warfaafinta Somaliland oo caan ku ah,khilaafyada ragaadiyey hawlmaalmeedkeeda,ayaa waxa uga daray khilaafka wasiirka wasaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargesa(xogreebnews.com_Wasaaradda warfaafinta Somaliland oo caan ku ah,khilaafyada ragaadiyey hawlmaalmeedkeeda,ayaa waxa uga daray khilaafka wasiirka wasaaradda Hargesa(xogreebnews.com_Wasaaradda warfaafinta Somaliland oo caan ku ah,khilaafyada ragaadiyey hawlmaalmeedkeeda,ayaa waxa uga daray khilaafka wasiirka wasaaradda warfaafinta Cukuse oo wasaaradda ka dhex samaystay koox isaga taageersan,halka maareeyaha telefishanka qarankuna samaystay koox kale oo isaga taageersan,khilaafkii ugu danbeeyey ayaa waxa sabab u noqday markii wasiir Cukuse saxeexii ka joogiyey maareeyaha teelfishanka qaranka KHADAR CALI GAAS oo uu wasiir cukuse u diiday,in uu waqx saxeexo,halkaasi ayuu hada khilaafka ka dhacay.

Wasiir cukuse oo wasaaradii ka dhigay meel uu isagu leeyahay ayaa waxay haadan noqotay meel hoy u noqota khilaafyada wasaaradaha dalka ka jira,waxana haadan taagan khilaaf cakiran oo u dhaxeeya masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta,kaasi oo hadii si deg deg ah madaxtooyadu u soo kala gaadhi waydo laga dhaxli doono ceeb,aan ka hadhi xukuumada siilaanyo.
Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf cakirani ka dilaaco wasaaradda warfaafinta Somaliland balse waxa wasaaradda curyaamiyey khilaafyo is barkan oo ay ka dhaqaaqi wayday wasaaradda warfaafintu,dadka arimaha maamulka u dhuundaloola ayaa waxay sheegayaan in kala qaybsanaan ka dhex jirta xarunta madaxtooyada ee dalka looga arimiyo ay sabab u tahay in la kala saari waayo raga isku haysta hantida qaranka ee masuulka looga dhigay,waxa la isku haysto ayaa ah hantida umada ee ay masuulka ka yihiin oo mid kasta doonayo in uu isagu gacanta ku dhigo.
Ma cada in madaxweyne siilaanyo ka furdaamin doono masuuliyiinta faraqa iskula jira ee wasaaradda warfaafinta iyo in uu madaxweynuhu iska daawan doono khilaafka hadba soo mirkacaya ee wasaarada warfaafinta Somaliland?
By:Ayaan Maxamed Cabdi
Email:ayaanladan@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured