Gudoomiyaha wargyska Haatuf oo u socdaalay dalka Ingriiska oo lagu martiqaaday

0
Thursday November 20, 2014 - 07:52:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha wargyska Haatuf oo u socdaalay dalka Ingriiska oo lagu martiqaaday

    Hargeysa,(xogreebnewsw.com_Guddoomiyaha Wargeysyada xukuumadda Siilaanyo albaabada u laabta ee Haatuf iyo Somaliland Times mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa maanta galabnimadii u safray dalka Ingiriiska.Mr Gaboobe ayaa isagu socdaalkiisaas lugta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnewsw.com_Guddoomiyaha Wargeysyada xukuumadda Siilaanyo albaabada u laabta ee Haatuf iyo Somaliland Times mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa maanta galabnimadii u safray dalka Ingiriiska.Mr Gaboobe ayaa isagu socdaalkiisaas lugta Hargeysa,(xogreebnewsw.com_Guddoomiyaha Wargeysyada xukuumadda Siilaanyo albaabada u laabta ee Haatuf iyo Somaliland Times mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa maanta galabnimadii u safray dalka Ingiriiska.Mr Gaboobe ayaa isagu socdaalkiisaas lugta hore kusii mari-doona waddanka Sucuudiga oo uu u tagayo arrimo caafimaad, kaas oo mudooyinkii u danbeeyey la xanuunsanayey dhaawacyo soo gaadhay xiligii ay xidhnaayeen isaga iyo tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige.Intaas ka dib Guddoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa sida qorshuhu yahay socdaalkiisa Sucuudigu ku ekaan dooonaa inta ay arrimahaasi caafimaad u dhamaanayaan, isagoo dalkaasina uga sii gudbi doona wadanka Ingiriiska.Yuusuf ayaa sidoo kale ujeedada socdaalkiisa Britain uu ku taxaluqaa marti-qaad uu ka helay Jaamacadda dunidda caanka ka ah ee Oxford oo dhawr jeer oo hore-na sidan oo kale uu uga helay marti-qaad.Guddoomiyaha Haatuf Mr Gaboobe ayaa isagu Jaamacadda Oxford ka jeedin doona muxaadiraad ku taxaluqa mushkiladaha ay wehelka u tahay warbaahinta Somaliland iyo guud ahaan ta saxaafadda Geeska Afrika-ba.Sidoo kale Mulkiilaha Haatuf Mr Yuusuf ayaa dalka Ingiriiska kula kulmi doona saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’addaha u dooda madaxbanaanida saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka, kaa soo la filayo inuu u soo bandhigi doono gumaadka iyo tacadiyada badan ee xukuumadda Siilaanyo kula kacdo warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland, taas oo mudadii ay taladda dalka haysay albaabadda u laabtay markii u horaysay xaruumo warbaahineed, isla markaana xidhay wariyeyaashii ugu badnaa mudadii ay jirtay Jamhuuriyadda Somaliland.Dhinaca kale Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa la filayaa mudada uu joogo dalka Britain inuu kulamo la yeesho jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, kuwaas oo uga warami doono sida qorshuhu yahay xaaladaha dalka ka taagan, una soo bandhigi doono sida ay u maamusho xukuumadda Kulmiye oo jaaliyadda dalkaasi taageero badan la barbar-taagnaan jirtay wakhtigii doorashadda madaxtooyadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured