Mashruuca Waji Ku Macaashka oo Shalay Sheekha Maareeyaha ka ah Haamaha Shidaalka Berbera iyo Agaasimaha Warfaafintu Dabada Ka Riixayeen iyo Fadeexadii Ka Dhalatay.

0
Monday November 17, 2014 - 21:02:19 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca Waji Ku Macaashka oo Shalay Sheekha Maareeyaha ka ah Haamaha Shidaalka Berbera iyo Agaasimaha Warfaafintu Dabada Ka Riixayeen iyo Fadeexadii Ka Dhalatay.

    Shalay ayaa maareeyaha haamaha shidaalka berbera Sheekh Saleebaan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Ilkacase ay soo abaabuleen mashruuc waji ku macaash ah,kaasi oo lacag adag lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay ayaa maareeyaha haamaha shidaalka berbera Sheekh Saleebaan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Ilkacase ay soo abaabuleen mashruuc waji ku macaash ah,kaasi oo lacag adag lagu

Shalay ayaa maareeyaha haamaha shidaalka berbera Sheekh Saleebaan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Ilkacase ay soo abaabuleen mashruuc waji ku macaash ah,kaasi oo lacag adag lagu bixiyey,sida ay sheegeen suxufiyiin loogu yeedhay mashruucaasi waji ku macaashka ah inay duubaan,ayaa waxay sheegeen in guri ku yaala xaafadda jig jiga yare e maagaalada hargeysa la iskugu keenay qaar ka tirsan salaadiinta Subeer Awal ,kuwaasi oo la siiyey lacago adag,waxana lacagaha qaybinayey sheekha haamaha shidaalka berbera iyo agaasimaha wasaaradda warfaafinta ilka case,oo isla gurigaasi la iskugu keeyey salaadiintaasi joogay,inkasta oo ay is qarinayeen ayaa hadana waxay qolalkii ay ku jireen ay ka soo baxeen kadib markii khilaaf ka dhex curtay salaadiintii la iskugu keenay guriga,oo qaar ka tirsan salaadiintu diideen inay shir jaraa’id oo lagu taageerayo Siilaanyo ay qabtaan,waxayna halkii ka yidhaahdeen hadalo lidi ku ah xukuumadda siilaanyo o ay ka mid ahaayeen “berbera iyo gabilayba waxba kuma hayno ee maxaanu taageernaa”.

Khilaafka salaadiinta soo kala dhex galay oo sababay in sheekha haamaha shidaalka berbera iyo agaasime ilka case oo is qarinayey ka soo baxaan qolalkii ay lacagta ugu qaybinayeen salaadiinta,basle waxay codsadeen in aan iyaga sawiro laga qaadin,labadan masuul ayaa qol la galay salaadiintii diiday in ay taageeraan Siilaanyo,waxayna qolalkii ka soo baxeen iyaga oo faraxsan,waxana loo malaynayaa in loo kordhiyey lacagtii waji ku macaashka ee ay qaadanayeen.

Dhaqanka noocan ah ayaan u caadan ahaan jirin in ay salaadiintu ka qayb noqdaan muranka siyaasadeed ee markaasi taagan waayo salaadiintu waxay u dhaxeeyeen umadda,balse waxa tan iyo markii uu Siilaanyo talada dalka la wareegay soo baxday in qaar ka tirsan Saladiinta Somaliland ay sumcadooda iyo sharaftooda ka doortaan shilimo la siiyo,iyadoo ay dhaqan xun noqotay nin suldaan ah oo weyn oo dulmiga iyo cadaalad darada xukuumada siilaanyo umadda ku hayso taageeraya.

Hadaba madaama ay labadan masuul ee midna yahay maareeyaha haamaha shidaalka berbera ka kalana yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintu ay bilaabeen inay hantida umadda ku bixiyaan sifo sharciga dalka iyo kan islaamkaba ka baxsan waxaa waajib ah in labadaasi nin la soo bandhigo shakhsiyadooda dhabta ah,hadii mar danbe ay waxaasi oo kale ku kacaan oo ay xoolaha umada ku bixiyaan mashaariicda waji ku baxaashka ah oo kale.

Fiiro gaar ah,fadlan akhristayaal wixii aad macluumaad iyo xog aad ka haysaan sheekha maareeyaha ka ah haamaha shidaalka berbera iyo agaasimaha wasaaradda warfaafinta ku soo dira email-ka hoos ku qoran,si hadii ay mar labaad ku noqdaan aanu umadda ugu soo bandhigno shakhsiyadooda dhabta ah.

By:Axmed C/risaaq Cali

Email:axmed-1994@hotmail.com

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured