Wasiir Cukuse Oo Ka Cadhooday Soo Dhaweyntii Maareeyaha Tv.ga Qaranka Iyo Murankii Maamul Ee Curyaamiyey Hawlmaalmeedka Wasaaradda Warfaafinta Oo Soo Laba Kacleeyey.W/Q Cabdi casiis Bashiir Nuur

0
Monday November 17, 2014 - 09:22:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse Oo Ka Cadhooday Soo Dhaweyntii Maareeyaha Tv.ga Qaranka Iyo Murankii Maamul Ee Curyaamiyey Hawlmaalmeedka Wasaaradda Warfaafinta Oo Soo Laba Kacleeyey.W/Q Cabdi casiis Bashiir Nuur

    Hargeisa(xogreebnews.com_Tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay,wasaaradda warfaafinta Somaliland kamay bixin khilaaf maamul oo hadba soo kala dhex gala masuuliyiinta wasaaradda,arintaasi oo galaafatay wasiiro tiro badan oo soo ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay,wasaaradda warfaafinta Somaliland kamay bixin khilaaf maamul oo hadba soo kala dhex gala masuuliyiinta wasaaradda,arintaasi oo galaafatay wasiiro tiro badan oo soo maray wasaaradda

Hargeisa(xogreebnews.com_Tan iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo talada dalka qabtay,wasaaradda warfaafinta Somaliland kamay bixin khilaaf maamul oo hadba soo kala dhex gala masuuliyiinta wasaaradda,arintaasi oo galaafatay wasiiro tiro badan oo soo maray wasaaradda warfaafinta,hadaba khilaafka ugu xun ayaa soo maray wasaaradda warfaafinta markii uu Madaxweyne Siilaanyo wasiir Cukuse u magacaabay Wasaaradda warfaafinta Somaliland.wasiir cukuse ayaa waxa uu u dhaqmaa sidii uu nidaam afganbi ku qabsaday wasaaradda warfaafinta oo kale,wasiir cukuse ayaa waxa uu tan iyo markii xilka uu qabtay dagaal uu la galay maareeyaha telefishanka,maareeye ku xigeenka iyo agaasimaha guud,iyadoo dardartii horeba agaasimihii guud ee hore uu dagaalkisii daaqada uu ka saaray,kadibna uu dagaal kale la galay maareeyaha telefishanka iyo maareeye ku xigeenka oo uu xitaa gaadhsiiyey in uu ciidanka wasaaradda uu ku amro in aysan oo geli Karin wasaaradda arintaasi oo wax lala yaabo ku noqotay shacabka Somaliland oo la yaabay raga uu madaxweyne siilaanyo soo magaacaabay ee uu wasiir iska amrayo in lagu xidho wasaaradda.

Dagaalka wasiir cukuse muu joogsan ee wuxuu sii baahay oo ilaa agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ee bedelay kii hore ayuu dagaal la galay,oo wuxuu ku amray in uu wax uusan ogeyn haba yareetee uusan qaban Karin,xitaa wuxuu ku farageliyey hawlihii uu shaqada u lahaa agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Ilka Case,marka aad eegto sida uu guud ahaanba ula dhaqmo madaxda kala duwan ee wasaaradda warfaafinta wasiir Cukuse waxay la mid tahay sidii macalin ardaydisii hadba sida uu doono ula hadlaya,qaar wuu u hanjabaa,qaar wuxuu ku sameeyaa bahdilaad fool xun ,tusaale ahaan maalin maalmaha ka mid ah waxa dhacday iyadoo inta badan madaxda wasaaradda iyo shaqaale badani ku jiraan hoolka wasaaradda in uu wasiir cukuse ku yidhi agaasime ilka case waar kaagan sida naagaha u hadlayow ,isagoo wax weydiinaya,marka waxaad moodaa masuuliyiinta wasaaradda qaar uu bahdii ka saaray wasiir cukuse oo hadba sida uu doono ula dhaqmo.

Dagaalka uu wasiir cukuse ku qaaday masuuliyiinta ka hooseya wasiirka sida maareeyaha telefishanka qaranka iyo agaasimaha guud ayaa aan ku eekayn oo kaliya habka foosha xun ee uu ula dhaqmo balse wuxuu sameeyey in uu waajiabadkii ay xaqa u lahaayee uu meesha ka saaray ,isagoo xitaa agaasime qaybeedyo ay xaqa u lahaayeen isagu magacaabay,wasiir cukuse waa wasiirka kaliya ee xukuumadda siilaanyo ee maalin kaliya magacaabay 49 agaasime qaybeedyo oo uu xitaa ka mid yahay waashmaankii xafiisyadu,waxaasi wasaarad kale ee ay ka dhacday ma jirto dhamaan wasaaraddaha dalka marka la eego.

Hadaba maamul xumada curyaamisay hawlihii shaqo ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa waxa u aaba ah wasiir cukuse oo ku fashilmay in uu si xilkasnimo leh ugu shaqeeyo qaranka,xitaa wasiirka ayaa mar marka uu la hadlayo saxaafadda badaxa banaan wuxuu yidhaahdaa dhinaca akhlaaqda ayay ka liitaan,balse cukuse waxa la hayaa oo duuban wixii uu ku hadli jiray iyo taariikh madaw oo uu leeyahay,waxa wasiir cukuse laga haya isagoo dagaal ooge ah oo leh ha lala dagaalo siyaasi is moodka Cigaal,wakhtigaasi wuxuu si qaawan u aflagadeyn jiray Madaxweyne Cigaal,waxa kale oo la hayaa isagoo wax kale inta uu soo dhaafay sidii uu wax uga sheegay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin leh,Daahir Rayaale wuxuu ka qayb galay aaskii jaariyadiisa,isagoo ceeb uga dhigaya,waxaasi iyo wax ka daran ayuu qori jiray wasiir cukuse.

SHALAY oo ugu danbaysay wuxuu ka cadhooday sidaa ay sheegayaan xoggoha ay heelayso shabakadda warar ee xogreebnews.com_ wasiir cukuse maareeyaha telefishanka qaranka Somaliland Mr Khadar Cali Gaas oo qaar ka tirsan shaqaalaha teelfishanku madaarka ku soo dhaweeyeen,waxana la sheegay in uu wasiirku ka xumaaday in sidaasi wanaagsan loo soo dhaweeyo maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas,inkasta oo maareeyaha teelefishanka qaranku uusan wax cabsi ah ka qabin wasiir cukuse balse ka sida caruurta uga cabsada ayaa ah agaasimaha guud Maxamed Ilka case oo wax kasta u daba fadhiista wasiir cukuse,waxana dadka qaar la kulmay agaasime ilka case ka sheegeen in uu yidhi wasiirka ayaa in qabsanaya hadaan wax talaabo ah oo horumarka wasaarada ku saabsan sameeyo,waxayna dadka la kulmau agaasime ilka case Kubku siigaale, ku tilmaameen nin ay hayso kamaarada wasiir cukuse.

Si kastaba ha haatee waxa uu wasiir cukuse geesta kale kala fogeeyey saxaafadii madaxa banaaneyd iyo xukuumadii oo maanta la og yahay halka uu xaal marayo,dadka arimaha saxaafadda ka falooda ayaa waxay is weydiinayaan madaxweyne Siilaanyo miyuu waayey shakhsi ka wanaagsan Wasiir Cukuse oo inta uu kharibay wasiir cukuse oo celin kara?

Qalinkii

Cabdi casiis bashiir nuur

info@xogreebnews.com

Tel:4144434

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured