“Burburka Lagu Duminayo Jiritaanka Qaranimada Somaliland Ka Mid Noqon Mayso Beesha Dhul-bahante…”Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaarada xannaanada Xoolaha Somaliland

0
Monday November 17, 2014 - 08:52:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Burburka Lagu Duminayo Jiritaanka Qaranimada Somaliland Ka Mid Noqon Mayso Beesha Dhul-bahante…”Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaarada xannaanada Xoolaha Somaliland

    Hargeysa (xogreebnews_Wasiirkii ku-xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cali Axmed Cabdi(Cali Cantar), ayaa si adag uga hadlay qalalaasahii ka dhacay xarunta Golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews_Wasiirkii ku-xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cali Axmed Cabdi(Cali Cantar), ayaa si adag uga hadlay qalalaasahii ka dhacay xarunta Golaha Hargeysa (xogreebnews_Wasiirkii ku-xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Md. Cali Axmed Cabdi(Cali Cantar), ayaa si adag uga hadlay qalalaasahii ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada Somaliland,ka dib markii ay xildhibaanada muxaafadka ahi ay keeneen mooshin xilka lagaga qaadayo guddoomiye Cirro, Waxaanu carabka ku dhuftay in Xildhibaanada golaha wakiilada ee beel waynta dhul bahante in aanay ka mid noqon waxa ka dhacaya gudaha Somaliland. “Waxaa nasiib darro ah in maanta Somaliland oo jirtay mudo 23-Sanadood ah, kuna soo caano maashay nabad iyo xasilooni, in maanta laysku dayo in si yar oo fudud loo bur-buriyo, iyadoo la eegayo dano shakhsi.Hadaba waxan leeyahay bur-burkaas lagu duminayo qaranimada iyo jirtaanka Somaliland ka mid noqon mayso beesha dhulbahante, gaar’aahana noqon mayso dhenged laysu adeegsado.Sidoo kale waxan baaq u dirayaa xildhibaanada beel weynta dhulbahante inay ilaashadaan sharaftooda, kana feejignaadaan waxaas maanta ka dhacaya Somaliland inay ka mid noqdaan, oo magac xumo ka raacdo, oo ay sameeyaan sida geesinimada leh ee ay sameeyeen Xildhibaanda Beesha Samaroon oo runtii qaaday taalaabo aad loogu diirsado, oo aan aad ugu hambalyaynayo.Hadaba waxa layaableh oo wax runtii laga khajilona ah ninka weyn ee Beeshe Mohamed Faarax sida loo isticmaalayo ee loogu garaacayo gudoomiyihiisa”Ayuu yidhi Cali Cantar oo warbaahinta la hadlay.

Cali Axmed Cabdi oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi, “Baqashii fardo la mirataa, farasbay is moodaa! Waxan leeyahay Baashe waxa kaa dhaw Cali Khaliif Galaydh, waxa sidoo kale layaab leh, adiga oo aan lagu soo dooran sida aad u soo horfadhiisan doonto, dad la soo doortay oo aad weliba gudoomiye ugu noqon doonto, waxan ku leeyahay candhuuftaada dib u liq, reerkeenana waad ogtahay oo wuu maqanyahay markaa dadka Somaliland waxay samaysteen ha ka bur-burin, intaynu nabad dadka kula heshinayno, maalintaas ayuu hadal kuu banaanyahay.”
Sidoo kale, Cali wuxuu sheegay inuu shacabka reer Somaliland xaal ka siinayo wax uu ugu yedhay budhaasiq Baashe ka dhex wado ummadda reer Somaliland wuxuu yidhi,“Waxaan xaalka siinayaa dadka reer Somaliland ee uu Baashe ka dhex wado badhasuqa iyo dhibaatada isku dirka ah ee shaabuuga looga dhigtay.
Dawladana waxan leeyahay meel-kale ka raadiya cimri dhererka iyo kordhinta aydin geed-walba u fuusheen ee aad u hamuun qabtaan, laakiin hakula gal-galanina Gudoomiye Cirro iyo Golihiisa.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured