Jawaab Suldaan Mohamed Abdiqadir oo aamusku u roonyay ha la tuhmee

0
Sunday November 16, 2014 - 19:39:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaab Suldaan Mohamed Abdiqadir oo aamusku u roonyay ha la tuhmee

    Sultan Mohamed Abidqadir wuxuu yidhi Salaadiinta barigu arinka inqilaabka golaha wakiilada lagula wareegay wey qabyaala deynayaan. Subxaan. Suldaanku isma oga markuu sidaa leeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sultan Mohamed Abidqadir wuxuu yidhi Salaadiinta barigu arinka inqilaabka golaha wakiilada lagula wareegay wey qabyaala deynayaan. Subxaan. Suldaanku isma oga markuu sidaa leeyey Sultan Mohamed Abidqadir wuxuu yidhi Salaadiinta barigu arinka inqilaabka golaha wakiilada lagula wareegay wey qabyaala deynayaan. Subxaan. Suldaanku isma oga markuu sidaa leeyey in uu Somaliland oo dhan ka soo hor jeesanayo oon qofna raali ka ahayn in diimuqraadiyada iyo distoorka lagu tunto. Weli lama hayo maalin qudha uu si dadku u qushuuco u hadlay. Suldaan kolba cid madiidin u noqda oo kolba cidi tidhaa cidaa u jawaab waxa jira Sultan Mohamed Abdiqadir. Suldada uugu da’da weyn ninka dhulka jiid-jiiday ee ceebeeyey waa Sultan Mohamed. Mar uu BBC ka yidhaa Garxajis qamandi buu isku diley iyo mar qabiil ama qof qudhi soo kaxeysta oo lagu yidhaa waxaa noo dhe iyo mar madaxtooyadu soo shidaalisaba. Isagu waa awr kiraale ninkii doonaa uun baa ku guurra inta guno yar la siiyo. Suldaanka qudha ee Somaliland wada taqaan ee diidaaga weeye. Magaladii Hargiesa ee uu degenaa ayaa laga yaabayaa inay isla kacdo oo ka hawl geli maayo ee madaxtooyada ayuu intuu lacag ka qaatay canbaareynayaa Suldaano dalka uuga lexejeclo badan. Taariikh ahaana awow yadii laba ka mida hadaan wax ka taabto awowgiisii rumaad Sultan Abdillahi wuxuu ahaa ninkii inan kiisa oo Sultan Mohamed dhalay oo dhabeeye loo yaqaanay uu dalka uuga dhoofay awgii ee uu yidhi inta aabahay Sultan Abdillahi noolyey Somalia ku soo noqon maayo isaga oo saluugay wuxuu ingiriis la rabay iyo sida uu uugu dhega nuglaaday dad aan dantiisa wadin. Sidii bay u dhacday oo ilaa uu Sultan Abdillahi dhintay dalka kumuu soo noqon. Awowgiisii Sultan Deria na wuxuu ahaa ninkii 70 ka sanadood sultan ka ahaa ee la yidhi Nacas nimada cimri dhererka ayuu kaga daray. Hadaba Sultan Mohamed Abdiqadir halkaa ayuu ka soo jeedaa oo wuxuu caan ku yahay markuu afka kala qaado in lawada yidhaa waar yaa aamusiiya. Sultanku miyaanu arkeyn in Somaliland ku bur-buri karto dulmiga madaxtooyadu wado oo aannu damiir lahayn. Qofkii u horeeyey ee ii sheegay in uu hadalkani ka soo yeedhay wuxuu igu yidhi waar kii ileyn weli afsomaliga muu baran. iyo kee. iyo Suldaan Mohamed. Markaan dhegeystana maan fajicin oo sidii awalba loo soo basbaaseyn jirey uun buu u hadlay.

Suldaanow aamus ha lagu tuhmee!!!
Abdi_Mustafe123@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured