Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Xiisadaha Dalka Ka Taaggan, Fariimo Is-Barkana Hawadda U Mariyey Xukuumadda, Golaha Wakiiladda Iyo Shacbiga-Ba-“Golaha Wakiiladda Iyo Xukuumadduba Ha Joojiyaan Xaalad Abuurkan Shacabkuna Ma Ogolla In Ay Mar Danbe Bilaa Sharci Isagu Kordhiyaan, Xukuumaddu Waa Inay Ogaataa In Xilligii Xoog Wax Lagu Muquunin Jiray La Soo Dhaafay”Musharaxa Madaxwaynah UCID Jamaal Cali Xuseen

0
Sunday November 16, 2014 - 19:04:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Xiisadaha Dalka Ka Taaggan, Fariimo Is-Barkana Hawadda U Mariyey Xukuumadda, Golaha Wakiiladda Iyo Shacbiga-Ba-“Golaha Wakiiladda Iyo Xukuumadduba Ha Joojiyaan Xaalad Abuurkan Shacabkuna Ma Ogolla In Ay Mar Danbe Bilaa Sharci Isagu Kordhiyaan, Xukuumaddu Waa Inay Ogaataa In Xilligii Xoog Wax Lagu Muquunin Jiray La Soo Dhaafay”Musharaxa Madaxwaynah UCID Jamaal Cali Xuseen

    Hargerysa,(xogreebnews.com_ Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa markii u horaysay ka hadlay xiisadihii salka ku hayey khilaafka xukuumadda iyo wakiiladda ee labadii maalmood u danbeeyey ka taagnaa Somaliland, isla markaana fariimo is-barkan hawada u mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargerysa,(xogreebnews.com_ Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa markii u horaysay ka hadlay xiisadihii salka ku hayey khilaafka xukuumadda iyo wakiiladda ee labadii maalmood u danbeeyey ka taagnaa Somaliland, isla markaana fariimo is-barkan hawada u mariyey xukuumadda Siilaanyo, xildhibaanadda wakiiladda iyo shacbiga reer Somaliland-ba. Hargerysa,(xogreebnews.com_ Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa markii u horaysay ka hadlay xiisadihii salka ku hayey khilaafka xukuumadda iyo wakiiladda ee labadii maalmood u danbeeyey ka taagnaa Somaliland, isla markaana fariimo is-barkan hawada u mariyey xukuumadda Siilaanyo, xildhibaanadda wakiiladda iyo shacbiga reer Somaliland-ba.
Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID waxa uu ku taliyey in xukuumadda iyo xildhibaanadda wakiiladda ee muranku u dhaxeeyo inay ka shaqeeyaan xasiloonida dalka isla markaana ay joojiyaan qaska iyo xaaladda ay dalka ka abuurayaan.

Waxaana sidaasi lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska musharaxa jaggadda madaxwaynaha ee xisbiga UCID Mudane Jamaal Cali Xuseen, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Haatuf ayaa isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan: - “Waxaan marka hore salaanta Islaamka ku salaamayaa shacabka Somaliland. Marka labaad waxaan halkan fariimo is-barkan uga kala dirayaa Dawladda Somaliland, Golaha wakiiladda, Iyo shacabka Somaliland.
Shacabka Somaliland waxaan ku guubaabinayaa in ay inoo ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonidda dalka. Shacabku waa inay noqdaan wadda indho iyo wadda dhego. Mar walbana ay dhinaca sharciyadda iyo xaqa ka istaagaan wax kasta oo dalka ka dhacaaya. Maanta nasiib darro ayeey inagu tahay in Hargeysa u ekaato Muqdisho. In ciidan awood leh loo adeegsaddo golahii sharci dejinta kumay habooneyn Somaliland. Dalkana maaha in khalkhal lagu geliyo maaha danno shakhsi ahaaneed. RRU uma baahnin in wax kasta lagu muquuniyo. Golaha wakiiladda iyo xukuumadda Somaliland labaddaba waxaa loogga fadhiyaa in ay dardar geliyaan arrimaha faraha badan ee ka kala daadsan shacabka Somaliland. Maanta dadkeenii biyo ma haystaan, caafimaad fiican ma haystaan, waxbarashaddii waa lacag badankeeddii, dadweynaha qaarbaa guryahoodii dheri aan dab la saarin. Xaaladda nololeed ee dadweynahu way sii adkaanaysaa; halka ay dawladdu kaga faanayso miisaaniyaddii baanu kordhinay oo ah canshuur iyo culeys dheeraad ah oo saaran muwaadiniinta dalkani.
Dawladdu may ahayn inay ku mashquusho kuraasidda golaha wakiiladda oo ay shan sanadood madaxa la gashay mudaddii ay dhaaftay xilligii la doortay. Doorasho ayaabay gelayaan dhowr bilood ka dib. Marnaba yaan carqalad lagu keenin hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Maanta golaha wakiiladda waxa laga sugayaa in aanay dhinacyo kala raacin. Xildhibaanadda golaha wakiiladda waa inay badbaadiyaan danaha qaranka iyo ummadda soo dooratay ee weliba shan sanadood oo dheeraad ah siinaysay mushahar aanay xaq u lahayn. Bal mar uun golaha wakiiladdu ha eegaan danta qaranka iyagoo aan cid kala raacin.Sidoo kale Xukuumadda Somaliland waxaan ku guubaabinayaa in ay u soo noqoto sharciyadda dalka. Xukuumaddu waa inay ogaataa in xilligii xoog wax lagu muquunin jiray la soo dhaafay. Shacabka reer Somaliland waxay liqi kari laayihiin waxan ay indhahooda ku arkayaan, waxaanay xukuumadda uga fadhiyaan in iyadu horta sharciga ixtiraamto oo ay faro-gelinta ka dayso golaha wakiiladda. Horta waa inay ciidamadda RRU da ka qaado golaha wakiiladda. Waa in xildhibaanaddii la xidh-xidhayna la soo daayo.

Golaha wakiiladda iyo Xukuumadduba ha joojiyaan xaalad abuurkan shacabkuna ma ogolla in ay mar danbe bilaa sharci isagu kordhiyaan mudooyinka xileed ee ay ku wada mudeysan yihiin. Xukuumadda iyo Baarlamaankaba sugayaa; 1. Guddiddii doorashooyinka oo aad dhakhso u ansaxisaan si ay hawlahoodda u dardar geliyaan; 2. waxa kale oo la doonayaa in xeerkan qabyadda ah ee laysku tuur-tuurayo la dhameystiro. Caalamkii deeq bixiyayaasha iyo shacabka Somaliland waxay la yaaban yihiin arrimahan dalka ka dhacaya iyo halka ay salaaddii ka xidhmi laadahay. Waxa la sheegayaa waa wax aanay sakaaro ka biiqan waxaanay shaki badan ku ridaysaa ummadda in aan daacad laga ahayn in ay doorasho dalka ka dhacdo, oo waxa qudha ee la wadaana ay tahay sidii loo carqaladayn lahaa. Yeynaan ku mashquulin kuraasi muddo xileedkooddii dhamaaday oo ay tahay in doorasho looga wareego siddeed bilood dabadeed. Waxa shacabka Somaliland uga baryayaa guul iyo gobanimo.Ilaahayna cid kasta oo fitmo ka wadda dalka ha ka qabto. Ilaahay bogiinana burcad haysku mariyo, Somalilandna guul iyo gobanimo ha ku waarto.
Guntii iyo gabadii xisbiga UCID waxa uu ka xunyahay khasaarihii naf iyo maalma lahaa ee ka soo gaadhay shacbiga magaaladda Burco mudaharaadkii ay xukuumaduna rasaasta kala hortagtay muwaadiniintii dareenkooda muujinayey, waxaanan ehelkii, asxaabtii iyo qoyskii ay ka badayba ka tacsiyadaynaynaa haweenaydii ku dhimatay maanta mudaharaadadaasi oo aanu leenahay Ilaahay dhamaanteen Samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo, intii dhaawacyadu soo gaadheen Ilaahay ha caafiyo. Wa bilaahi tawfiiq.
Musharaxa Jaggadda Madaxweyne ee xisbigga Cadaalladda iyo Daryeelka UCID
Jamaal Cali Xuseen”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured