Kulan ka dhacay Guriga Saylaci+ Go’aamo laga soo saaray+Magacyada Wasiiradii iyo Xildhibaanadii ka qeyb galay+Doorka Saleebaan Gaal+Qodobadii laysla meel dhigay waxay daaran yihiin iyo Ciday ku foogan yihiin.

0
Thursday November 13, 2014 - 08:03:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan ka dhacay Guriga Saylaci+ Go’aamo laga soo saaray+Magacyada Wasiiradii iyo Xildhibaanadii ka qeyb galay+Doorka Saleebaan Gaal+Qodobadii laysla meel dhigay waxay daaran yihiin iyo Ciday ku foogan yihiin.

    Hargeisa-(Qaxogreebnews­_Sida xoggo Qarannews ka heshay ilo wareedyo rasmiya tibaxayaan waxaa habeen hore Kulan ama shir-doceed qaatay muddo dhawr saacadooda goroda isku daray Guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci ka degan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(Qaxogreebnews­_Sida xoggo Qarannews ka heshay ilo wareedyo rasmiya tibaxayaan waxaa habeen hore Kulan ama shir-doceed qaatay muddo dhawr saacadooda goroda isku daray Guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci ka degan yahay magaalada Hargeysa Shan Wasiir iyo weliba Shan Hargeisa-(Qaxogreebnews­_Sida xoggo Qarannews ka heshay ilo wareedyo rasmiya tibaxayaan waxaa habeen hore Kulan ama shir-doceed qaatay muddo dhawr saacadooda goroda isku daray Guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci ka degan yahay magaalada Hargeysa Shan Wasiir iyo weliba Shan xildhibaan oo laga soo xulay Xildhibaanda garabka xukumada ama laga soo shidaaliyo Madaxtooyada.
Shanta Wasiir ee kulankan ka qeyb galay ayaa kala ahaa wasiirka Madaxtooyada Xirsi,Wasiirka Maaliyada Samaale,wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi,wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif iyo wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdi Aw-Daahir.Sidoo kale Shanta xildhibaan ee kulankaa ka qeyb qaatey ayaa waxay kala ahaayeen Cali Mareexaan,Cali Gabiley,Ibraahin Ruush,Saleebaan Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Dheere.

Xubnaha Wasiirada iyo xildhibaanada isagu jira ayaa kulankooda ka soo saarey Go’aamo ,kuwaas oo ay isla habeenkiiba hordhigeen Madaxweyne Siilanyo iyo Marwadiisa iyaguna la dhaceen.yeelkeede Go’aankaas ay tobankan xubnood ku heshiyeen oo ka koobnaa dhawr qodob ayaa waxaa ugu mudnaa laba qodob oo kala ah:-
Kow,In maalinta Sabtida oo lagu wado in Golaha wakiiladu furmo xildhibaanada laga soo shidaaliyo Qasriga Madaxtooyada iyo Mooshin-quutayaashu Mooshin soo dhigaan Golaha in Gudoomiye Cirro codka kalsoonida loo qaado oo la rido, arin kalena aan la gelin ilaa qodobkaas laga faraxasho oo aan fadhi ama hawl kale golaha ka socon.
Laba,In Saleebaan Gaal dib ugu soo celiyo Golaha Wakiilada Xeerka diiwangelinta oo muddo la yaaley,oo uu dhinacna isu dhaafin waayey.
Tu kalena waxay xogguhu intaas ku dareen in habeen hore Saleebaan Gaal looga yeedhay qasriga madaxtooyada lana ogolaysiiyey inuu Xeerka Diwaangelinta dib ugu celiyo golaha wakiilada islamarkaana raaciyo warqad uu leeyahay xeerka layguma soo celin karo ilaa la soo saxo,Saleebaan Gaal laftiisuna wuxuu u xadhko xidhay isna inuu halkaas fawdo iyo buuq mar kale ka istaadho.
Ku darsoo qodobada ama arimaha kale ee Madaxtooyada iyo Saleebaan Gaal habeen hore qaada dhigeen ee isku afgarteen ee isla meel dhigeen oo Warfidyeenka Qarannews loo xaqiijiyey ayaa waxaa ka mid ah in Madaxweyne Siilanyo iyo xukumadiisa loo sameeyo muddo kordhin ugu yaraan laba sanadood ah,lana jiidhsiiyo Golaha Guurtida,dhaqaale wixii loo baahdana diyaar loola yahay.
Isku soo wada duuboo xukumada Siilanyo ayaa waxay si weyn ugu hinaasatey taageerada muga weyn ee u soo korodhay Xisbiga Waddani iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Gudoomiye Cirro ku eekeeyay ama ka wado gobolada Togdheer iyo Saaxil oo niyad jab weyn ku ridaay,qaawiyeyna xukumada Siilanyo inaysan taageero buuran ku lahayn labada Gobol iyo degaano badan oo ku teedsan.cource Qaran-news)-


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured