Ducaale Ayaa Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa mucaaridka ah ee Somaliland uga digay waxii…

0
Thursday November 13, 2014 - 08:00:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ducaale Ayaa Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa mucaaridka ah ee Somaliland uga digay waxii…

    Hargeysa,(xogreebnews.com_ —Wasiirkii Maaliyadda Xukumaddii Rayaale Ambassador Xuseen Cali Ducaale(Cawil), ayaa mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland uga digay hadalada dhaawici kara qaddiyadda Somaliland iyo muranada aduun weynuhu fikir khaldan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com_ —Wasiirkii Maaliyadda Xukumaddii Rayaale Ambassador Xuseen Cali Ducaale(Cawil), ayaa mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland uga digay hadalada dhaawici kara qaddiyadda Somaliland iyo muranada aduun weynuhu fikir khaldan ka qaadan karo. Hargeysa,(xogreebnews.com_ —Wasiirkii Maaliyadda Xukumaddii Rayaale Ambassador Xuseen Cali Ducaale(Cawil), ayaa mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland uga digay hadalada dhaawici kara qaddiyadda Somaliland iyo muranada aduun weynuhu fikir khaldan ka qaadan karo.

Danjire cawil oo ugu horayn ka hadlaya muranka doorashada ku salaysan ayaa yidhi “Waxaan odhan lahaa doorashooyinka waynu naqaan sida loo qabto,calankaas iyo dawladnimada dhiig badan baa ku daatay soo celintiisa,nool iyo moodba waynu u huray soo celintiisa,meel fiican baynu maraynaa maanta,doorashana way dhacaysaa oo waa hubaal,haddii ay duruufo keenaana waxaan lix bilood ka badnayn bay dib u dhacaysaa,wax weyna maaha.waxaan soo jeedinayaa in mucaarad iyo muxaafadba siyaasiyiintu isku dulqaataan”


Mr Cawil waxa uu sheegay in sawir khaldan ay inaga bixinayaan hdalada mucaaradka iyo muxaafadku is dhaafsanayaan “Muranadan taagani sawirka ay inaga bixinayaan waa mid aan fiicnayn.qaddiyad culus baa inoo taala,markaad qaddiyad leedahayna qaddiyada waa la dhawraa oo waxbadan baa la dedaa,qaddiyada inoo taal waa dawladnimadii aynu lixdankii tuurnay sidii aynu uga dhabayn lahayn soo celinteeda.markaa waxaan soo jeedinayaa adduun weynuhu wixii ay rayi khalada ka qaadanayaan inaynu ka ilaalino waa inaynaan wax badan banaanka u soo saarin oo aynu hoos u dhignaa,hoosna iskula hadalnaa,isagana tudhno hadalada qalafsan.markaas waxaan ku talinayaa inaynu buuqa yarayno,doorashadana wakhtigay ku haboon tahay ayaa la qabanayaa,waa inaynu isku dulqaadano”

Dhanka kalena Danjire Cawil waxa uu Golaha wakiilada u soo jeediyay inay khilaafkooda dhameeyaan “Golaha wakiilada laftooda waaan leeyahay muranka joojiya oo khilaafka yareeya,waxaa loo baahan yahay inaanay isqabqabsan mudada yar ee u hadhay,balse ay muujiyaan karti iyo dedaal” ayuu yidhi mar Cawil.

Muranada u dhexeeya mucaaradka iyo muxaafadka somaliland ayaa muddooyinka dambe noqday kuwo soo noqnoqda oo ku salaysan doorashada iyo hanaanka siyaasadeed ee xukumadda. Golaha wakiilada ayaa isnasidoo kale muranku ku soo noqnoqday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured