Dhalinyaro Hal abuur ah Iyo Hogaanka Ururka SODRA Oo Booqday Madaarka Cigaal Iyo Wasiirka Duulista Oo Hadalo Guubaabo ah u Jeediyey

0
Wednesday November 12, 2014 - 16:44:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro Hal abuur ah Iyo Hogaanka Ururka SODRA Oo Booqday Madaarka Cigaal Iyo Wasiirka Duulista Oo Hadalo Guubaabo ah u Jeediyey

    Hargeysa (xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta Madaarka Cigaal ku qaabilay Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan Tartan Suugaaneed loogu qabtay Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta Madaarka Cigaal ku qaabilay Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan Tartan Suugaaneed loogu qabtay Magaalada Hargeysa. Hargeysa (xogreebnews.com_Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta Madaarka Cigaal ku qaabilay Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan Tartan Suugaaneed loogu qabtay Magaalada Hargeysa.Dhalinyaradani oo ka qayb galay Tartan uu qabtay Horumarinta iyo Daraasaadka Somaliland ee SODRA oo lagaga hadlayey Tahriibta laguna dhiirigelinaayey dhalinta dalku inay ka dheeraadaan tahriibta, ayaa maanta booqasho ku tagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal iyagoo soo indho indheeyey qaybaha kala duwan ee Madaarka.Dhalinyaradani ayaa waxa ay soo daawadeen qaybaha Madaarka iyo goobaha ay hada ka socoto balaadhinta Dhabada Dayuuradaha ee Runwaygu, iyo sidoo kalena dhismaha Dayn daabka Madaarka.Indha indhaynta dhalinyaradu ay madaarka ku sameeyeen ka dib ayey kulan guubaabo ah la qaateen Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Maamulaha Madaarka Cigaal, ku xigeenadiisa iyo Afhayeenka Wasaaradda Duulista.Gudoomiyaha Ururka Horumarinta iyo Daraasaadka ee SODRA Axmed Maxamed Shaqale oo dhalinyarada Hal abuurada ah hawshooda ka gacanta ku hayey ayaa u mahad naqay Wasiirka Duulista waxaanu yidhi “ sharaf weyn ayey noo nahay urur ahaan inaanu soo booqano, anaga iyo dhalinyarada Hal abuurka ah ee ka kala timid gobolada dalku, madaarka Caalamgia ah ee CIgaal, waxa kale oo farxad iyo qiimo noo leh inanau sidoo kalena soo booqano Dhismaha xarunta Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland ee cusub ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray. Mudane Wasiir dhalinyaradani waxay ka kala timid guud ahaan gobolada Somaliland, waxaay ku tartamayeen wacyi galinta dhalinyarada Somaliland ee dhibaatada tahriibka, anagu urur ahaan waxaanu xaqiiqsanay in bilaha sideedaad ilaa laba iyo tobanaad ay dhalinyaro badani dugsiyada sare iyo jaamacadaha dhameeyaan qaar ka mid ahina ay tahriib u kacaan, markaas waxaanu go’aansanay inaanu dhalinyarada u qabano barnaamijyo wacyi galin ah.”Hal Abuurad Deeqa Nuux Yoonis oo Kaalinta Koowaad tartarnkaasi ka gashay ayaa iyaduna halkaasi ka hadashay oo tidhi “ waxaan u mahad celinayaa Wasiirka Duulista Somaliland iyo halw wadeena Wasaaradiisa oo maanta si mug leh noo soo dhaweeyey, maanta tani waxay muujisnayaa in Madaxdayadii ay noo soo jeedaan, Wasiirka duulista oo anau maanta la joogno, Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada oo aanu shalay la kulany, ka dhalinyaro ahaan waxay muujiisnayaa inay Madaxdayadu la danaynayaan, nala kulamayaan sidoo kalena ay na dhagaysanayaan.”Maamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ waxaanu ku farax sanahay oo aanu idiinka mahad naqaynaa booqashada aad na soo booqateen, sidoo kalena waxaanu ku farax sanahay inaan markhtaati ma nqotaan is badalka maanta madaarka ka dhacay, idinka oo dhalinyarada wadanka matalaya, waxay Soomaalidu tidhaa wixii indho arkaan ayey ilko gooyaan, waxa qurux badnaan lahayd in waxaas aad maanta aragteen aad suugaan umadda inta kale ee aan arag ugu soo bandhigtaan.” Ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Cigaal.Gabagabadii kulankaasi ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanu yidhi “ ILAHAY ayaa ku mahad san maanta isugu keen keenay kulan kan, runtii waanu idiinak mahad celinayaa booqashada aad noogu timaadeen Hal abuuradiinan da’da yare e tusaalaha u noqon kara, suugaanta da’da yar, sidoo kale waxan jecelahay inaan ugu mahad celiyo Gudoomiyaha Hay’ada SODRA Axmed Shaqale oo ah qof can ku ah ka shaqynta danaha guud iyo daryeelka bulshada, milgo iyo maamuus ayey noo tahay, sharaf weyn ayey noo tahay inaad na soo booqataan, runtii waxaan u arkaa wax weyn oo lagu faano oo Qaranka qiimo u leh, da’ dhalinayro ah oo hal-abuur oo suugaan cusub la yimid, waanan idin soo dhawanayaaa.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud.Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isla maanta dhaliyaradaasi kulan qado sharaf ugu sameeyey Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured