madaxweyne siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabiley dhalinyaro hal-abuur ah kuwaaso uu odaygu si weyn u dhiiri-geliyeey.

0
Wednesday November 12, 2014 - 16:22:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    madaxweyne siilaanyo oo xafiiskiisa ku qaabiley dhalinyaro hal-abuur ah kuwaaso uu odaygu si weyn u dhiiri-geliyeey.

    Hargeisa(xogreebnews.com-War saxaafadeed:Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan loogu qabtay Magaalada Hargeysa Tartan Suugaaneed lagaga hadlaayey Tahriibta oo lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-War saxaafadeed:Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan loogu qabtay Magaalada Hargeysa Tartan Suugaaneed lagaga hadlaayey Tahriibta oo lagu
Hargeisa(xogreebnews.com-War-saxaafadeed:Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Dhalinyaro Hal abuuro ah oo dhawaan loogu qabtay Magaalada Hargeysa Tartan Suugaaneed lagaga hadlaayey Tahriibta oo lagu dhiirigelinaayey dhalinta dalku inay ka dheeraadaan tahriibta dalkoodana aaminaan.Ururka Horumarinta iyo DaraasaadkaDownload IMG_0953.JPG (166.5 KB)Download IMG_1038.JPG (187.7 KB)Download IMG_1125.JPG (173.1 KB)Download IMG_1153.JPG (167.3 KB)Download IMG_1073.JPG (168.3 KB)Somaliland ee loo soo gaabiyo SODRA ayaa dhalinyarada Hal abuurada ah ee ka socda Gobolada dalka u qabtay kulan balaadhan, oo runtii ahaa mid muhiimadiisa koowaad ahayd dhiirigelinta da'a yarta dalka, iyada oo ay hogaaminayeen dhalinyaradaasi la kulantay madaxweynaha Gudoomiyaha Ururka SODRA Axmed Shaqale iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Nada Yuusuf Cumar, ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaasi hal abuurka ahi waxay madaxweynaha hortiisa ku soo bandhigeen kana akhriyeen Gabayo iyo suugaan ay ku cabirayeen halka ay ka taagan yihiin dhibaatada tahriibta iyaga oo madaxweynaha ku amaanay sida uu marwalba u barbartaagan yahay dhalinyarada wakhti walba iyo goor kastana ugu furan yihiin albaabada xafiiskiisu.Madaxweynaha oo isna dhalinyaradaasi ku hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay isaga xil saareen inay u caqli celiyaan kuwa naftooda biimeeyey ee u banbaxay tahriibta iyo inay u badheedhaan badaha, ayaa ku amaanay da'a yartaasi sida xigmada leh ee ay gabayada iyo suugaanta ugu cabireen dareenkooda, isaga oo madaxweynuhu gudanaaya waajibaadkiisa qaran ee dhiirigelinta da'a yarta dalka waxa uu xafiiskiisa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey dhalintaasi.Download IMG_0889.JPG (171.7 KB)ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu da'a yartaasi kula dardaarmay in aanay ka daalin wacyigelinta iyo kulanada noocan oo kale ah, una joogteeyaan si ay kuwo badan oo ka mid ah dhalinyaradu wax ugu qaataan.
sidoo kale waxa dhaliyaradaasi kulan qado sharaf ah hotel Maansoor ugu sameeyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured