Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? (Kala-codlaynta & kal-ka-collowgu ma kiis-iska-waal baa, mise waa kadeed dihin) — Boobe Yuusuf Ducaale — Qormada 5aad

0
Saturday March 23, 2013 - 19:08:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? (Kala-codlaynta & kal-ka-collowgu ma kiis-iska-waal baa, mise waa kadeed dihin) — Boobe Yuusuf Ducaale — Qormada 5aad

    Xisbiyadeenu waxay noqdeen afku-xoglayaal kurka-nool ah oo kor laga wado oo koox ama qof u afduuban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadeenu waxay noqdeen afku-xoglayaal kurka-nool ah oo kor laga wado oo koox ama qof u afduuban Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa? (Kala-codlaynta & kal-ka-collowgu ma kiis-iska-waal baa, mise waa kadeed dihin) — Boobe Yuusuf Ducaale — Qormada 5aad
Xisbiyadeenu waxay noqdeen afku-xoglayaal kurka-nool ah oo kor laga wado oo koox ama qof u afduuban
Xisbiyada Siyaasadeed waxay:

Dejiyaan oo horumariyaan barnaamajyo siyaasadeed: Xisbiyadu waxay isu geeyaan oo ay isku habeeyaan dano kala duwan oo ay isugu geeyaan mashruuc siyaasadeed oo u xuub-siibta barnaamaj siyaasadeed oo ballaadhan kaas oo ay u ololeeyaan si ay dareen iyo taageeraba uga helaan inta ugu badan ee dadweynaha (= Xil-gudahada habaynta, isku-dubbaridka iyo is-dhex-gelinta).

Horumariyaan oo kobciyaan is-dhex-galka iyo ka-qayb-qaadashada siyaasadeed ee muwaaddiniinta: Xisbiyadu xidhiidho ayay ka dhex sameeyaan dadweynaha iyo nidaamka siyaasadeed; waxay suuro-geliyaan ka-qayb-galka siyaasadeed ee qofafka iyo kooxahaba si ay u suntadaan una sahansadaan guul. (= Xil-gudashada is-dhex-galka iyo ka-qayb-qaadashada).
Abaabulaan dawladda. Waxay ka qayb-qaataan doorashooyinka si ay xilal siyaasadeed u qabtaan. Badanaa, dimuqraadiyadda xisbiyadu waxay saamaxdaa in madaxda xukuumaduhu ka timaaddo xisbiyada (= Xil-gudashada adeegsiga awoodda siyaasadeed).
Xoojiyaan sharciyadda hannaanka siyaasadeed: iyaga oo xidhiidhinaya: muwaaddiniinta, ururrada ijtimaaciga ah iyo hannaanka siyaasadeed, xisbiyada siyaasadeed waxay ku qanciyaan muwaaddiniinta iyo ururrada ijtimaaciga ah hannaanka siyaasadeed ee jira. (= Xil-gudashada sharciyeynta).
Marka aynu eegno ama dhuuxnaba sida ay adduunyadu u taqaanno ama u adeegsataba xisbiyada siyaasdeed, cimrigoodu kuma koobna qof Madaxweynenimo saar u qabtay oo helay ama waayay, ka dibna sidaa xisbigii ku baaba’o. Adduunyadan aynu ku nool nahay xisbiyada uma sadqeyso damaca shakhsiyadeed ee qof hoggaamiye ka ah ama koox dano gaar ah oo gaaggaaban leh. Marka aynu eegno heerarka ay adduunyadu ka taagan tahay hawl-gallada iyo adeegsiga xisbiyada siyaasadeed, wax caadiya ma aha in inta xisbi sannadkan la sameeyo uu doorashada ugu horreysaba haweysto in uu ku guulaysto Madaxweynennimada iyo aqlabiyadda xubnaha Baarlamaanka. Taasi meel ay adduunka ka dhacday lama hayo, xisbiyada dhabta ah ee danaha shacbigooda ka tarjumayaana ma hawaystaan.

Macluumaadka aan ka soo rogay Google-ka ee aan idiin soo tarjumay ee xisbiyada siyaasadeed ku saabsan, waxa kale oo ka mid ah:



Xisbiyada waa in aynu u fahamnaa ururro joogtaysan oo ay muwaaddiniintu ku bahowdo oo saldhiggoodu yahay ama ku fadhiyo xubinnimo madax-bannaan iyo barnaamaj siyaasiya; oo ay ugu tafo-xayteen in ay doorashooyin sharciya ku hantaan xilalka xasaasiga ah ee dalka iyaga oo u dhiibanaya hoggaamiyayaashooda si ay u maareeyaan arrimaha taagan. Tartanka doorashadu waa in uu dhex maraa ugu yaraan laba xisbi.Xisbiyadu waxay u hawl-galaan in ay saamayn ku yeeshaan qarqooridda (samaynta) ra’yal-caamka siyaasdadeed iyaga oo ujeeddo ka dhiganaya in ay raad ku yeeshaan siyaasadda guud. Saamaynta togan ee ra’yal-caamka siyaasadeed waxa lagu qorshaystaa muddo fog iyo gobollo badan, iyada oo laga dheeraanayo in la isku koobo heerar maxalliya iyo arrin keliya.Xisbi waa kulan ay ku bahoobeen muwaaddiniintu oo si shakhsi-sahakhsi ah xubin uga noqday, waa in ay yeeshaan tiro xaddidan oo xubno ka ah, si ay u muuqdaan yoolalka uu higsanayaa iyo guulaha la filanayaa,Xisbigu waa in uu si cad u muujiyaa rabitaanka joogtada ah ee ah in uu dadweynaha kaga wakiil yahay doorashooyinka la gelayo. Sidaa darteed, xisbigu waa in uu ka duwanaadaa: Xidhiidhada Shaqaalaha, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo cid kasta oo aan doonayn in ay dhabarka u ridato mas’uuliyado siyaasadeed oo ay leeyihiin qaybo ballaadhan oo shacbiga ka mid ahi.Xisbigu waa in uu noqdaa urur madax-bannaan oo joogto ah, ma aha in xisbi loo samaysto doorasho mar dhacda ka dibna uu baaba’o ama saaxadda siyaasadeed ka baxo,Xisbigu waa in aanu ka dhuuman ee uu hor yimaaddaa dadkiisa oo fagaarayaasha taagnaadaa,Xisbiga looma sameeyo si uu ugu guulaysto kursi baarlamaanka ah, bal se waa in uu u halgamaa isla markaana fuliyaa ujeeddooyinka kale ee uu u taagan yahay,.
Dhaqan xisbiyeed oo hufan oo adduunyada la jaan-qaadaa waa uu ina soo maray, waxa se ayaan-darro ah in aynu maanta waxaas oo dhan ka arradan nahay oo ay xisbiyadeennii noqdeen af-ku-xooglayaal kur-ka-nool ah oo aanay dadku wax saamayn ah ku lahayn, bal se kor laga wado oo qof ama koox u af-duuban..

Waa maxay aayaha danbe ee Xisbiga Kulmiye?

Ma maanta iyo waayaheennaa! Ma xisbiyada jira iyo waayahoodaa! Kala-guurkii Shirweynayaashu waa shantii sannadoodba mar; haddana waa la qaban kari la’ yahay oo waa laga maagayaa ama danba lagama laha. Guddi Fulineed iyada in aad maqashaan waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Waxay u badan taay in aanay tiradooduba sugnayn. Go’aammo Gole hoggaamineed lama arko, Golahaba ha ugu darnaado e’. Guddoomiye aan war-baahinta iyo xafladaha ka dhammaan se, waa la hayaa ama aan qurbo-joogta iyo dibad ka dhammaan sidii wax ay dadka dibaduhu codeynayaan.

Wixii hore oo dhanba marka aad iska daadiso, waxa weli sii qoyan habkii iyo hannaankii foosha xumaa ee uu xisbigii Qaran ee UDUB saaxadda siyaasadeed kaga baxay, innaga oo sidaa u soo ligan. In kasta oo uu Xisbigaasi in badan soo jiray, haddana wax badan ma ay qaadan in uu jilbaha u dhaco, dibadna loogama iman ee intii ka dhex doobinaysay ayaa sabab u ahayd. Waxaynu ku qasban nahay in aynu wax ka baranno oo wax ku qaadanno si aynaan mar kale iyo marar danbeba u dumin.
Waxaan aamminsanahay in aanay Xukuumadda maanta talada dalka haysa iyo Xisbiga Kulmiye midkoodna ka arrimin kana talin burburka Xisbiga UDUB ku dhacay. UDUB isagu ha is-eersado, talo-xumaantii ay hoggaamintii xukuumadda ay ku waayeen ayaa mar kale seejisay xisbinnimadoodii.

Innaga oo xisbiyadii xakamaynay oo saddex qudh ah ku soo koobnay, ma aha danteenna in aynu hadba mid weyno oo uu saaxadda ka baxo oo weliba intii dheefsanaysay looga tag waayo. Waxyaabo badan ayaa sabab u ah burburka joogtaysan ee xisbiyadeenna haysta. Aniga oo aan cilmi-baadhis qoto dheer ku samayn, haddana qodobbadan hoos ku qoran ayaynu tusaale u soo qaadan karnaa:

Aqoon-darro siyaasadeed oo haysata inta hoggaanka u ah iyo xubnaha badankoodaba. Xisbiyo hore ma ay soo arag, diyaarna uma aha in ay wax ka bartaan waayo-aragnimada hodanka ah ee adduunka. Xataa tababarro gaaggaaban ayaanay u darbanayn in ay qaataan. SNL, USP, NUF, SDU, SNC, SYL iyo SNM ayaan laga faa’iidaysan oo aan xataa la isku deyin in wax lag barto,Inta hoggaaminaysa xisbiyada oo xisbiyaba u haysata sallaan lagu fuulo Madaxtooyada ama lagu noqdo Madaxweyne, intaa ka dibna aan Xisbigiiba hoodh lagu qoysanayn,Hawlaha Xisbiyada oo si shakhsiya oo qofnimo ah loo maamulo loona hoggaamiyo.Hab-dhaqankii nidaamkii xisbiyeed ee Maxamed Siyaad Barre oo baadi-soocdiisii iyo habkiisii maamul aad uga dhex muuqdaan, gaar ahaan xafladaha iyo bannaan-baxyada oo khudbado madhan iyo hugun afka baarkiisa ah lagu muuneeyo,U-hoggaansanaan la’aan iyo ku-dhaqan la’aan xeerarka iyo shuruucda xisbiga,Xisbinnimadii oo qabiil loo sadqeeyay oo laga tegay qofnimadii iyo xuquuqdii shakhsigu lahaa: waajibaaadkii iyo xuquuqdii,Saamaynta taban ee ay xukuumaduhu ku leeyihiin xisbiyada oo ka timaadda faro-gelinta joogtada ah ee xisbiyada lagu hayo,
Dalkan aynu joogno ee tawsta iyo tabaalaha la taahaya ee taab la rogi la’ ayaa wax walba la hawaystaa: Mid maalin Madaxweyne ku noqda, mid maalin maal-qabeen ku wadh-wadhay ku noqda, iyo mid isaga oo aan meelnaba uga soo wareegin ku amar-ku-taagleeya awood aanu lahayn oo baadiya oo uu meel cidla’ ah ka helay, cidina ku qabsan weyday,

Maansayahankii caanka ahaa ee Axmed Ismaaciil (Qaasin) ayaa laga hayaa:
“Wedkii Kennedy dilay Aadan buu, soo kac leeyahay e’”,

Hadda Abwaanku waa kuhaan ayaa la yidhaadaa oo ninka tixdan tiriyay lama waayin, oo Aadan Cabdille Cismaan oo markaa Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya lama dilin, bal se wuu sigay oo Madaxweynihii ku xigay oo ahaa Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa 15kii Oktoobar 1969kii askarigii ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood.
(La soco…………………………………………….)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured