Dabaylaha Isbedel-Doonka Xisbiga Waddani Oo Burco Gilgilay + Beesha Madaxweyne Siilaanyo Oo Gudoomiye Ciro Ku Qaabilay Gamaanka Fardaha + Isbedel Doonka Saaxil, Awdal iyo Gebilay Oo Burco Maraga U Furtay.

0
Tuesday November 11, 2014 - 19:21:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabaylaha Isbedel-Doonka Xisbiga Waddani Oo Burco Gilgilay + Beesha Madaxweyne Siilaanyo Oo Gudoomiye Ciro Ku Qaabilay Gamaanka Fardaha + Isbedel Doonka Saaxil, Awdal iyo Gebilay Oo Burco Maraga U Furtay.

    Burco-(xogreebnews.com) Bulshoweynta ku dhaqan magaalo madaxda labaad ee Somaliland ee Burco ayaa saaka si iskumid ah uga dareen celiyey fariimaha ay sidaan Dabaylaha isbedel doonka ah ee bulshada reer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco-(xogreebnews.com) Bulshoweynta ku dhaqan magaalo madaxda labaad ee Somaliland ee Burco ayaa saaka si iskumid ah uga dareen celiyey fariimaha ay sidaan Dabaylaha isbedel doonka ah ee bulshada reer

Burco-(xogreebnews.com) Bulshoweynta ku dhaqan magaalo madaxda labaad ee
Somaliland ee Burco ayaa saaka si iskumid ah uga dareen celiyey
fariimaha ay sidaan Dabaylaha isbedel doonka ah ee bulshada reer
Somaliland Daraf ilaa Daraf Saameeyey.

77
Alaasaydii horeba waxaa bulshadu lug iyo gaadiidba u jarmaadeen


kaantaroolka waqooyi ee laga soo gallo magaalada .
Saaka waagu waxa uu reer burco ugu beryey jawi shucuurtiisa laga
dheehan karo sansaanka isbedelka siyaasadeed ee dalka dhawaan ka dhici
doono iyo weliba sida shacabku uga jeesteen Xukuumada wakhtigeedu
dhamaaday ee maalmo tiriska ku jirta.

i

Untitled
Kumanaan kun oo shacabka burco ah, Boqolaal gaadiid ah oo Xamuul dad
ka buuxaan iyo kuwo yar yarba leh oo ay weheliyaan Gamaanka fardaha oo
qof, baabuur iyo farasba uu ka ba’banayo Calanka muuqa dheer ee
Xisbiga waddani ayaa gudoomiyaha iyo weftigiisaba ku qaabilay Duleedka
burco.

oo
Halkaaso saacado dhawr ah tan iyo intii magaalada weftigu kazoo
gaadhaysay aanay jirin habayaraatee wax gaadiid kale ah oo burco ka
baxaayey dadka iyo gaadiidkuna waxay ahaayeen Mawjado soo rogmaday.
Simxadu suuqyada Burco ayaa gaadhay heer labada qof ee wada socda ay
is-maqli waayeen, Ciidamada Amaanka iyo kuwo wadooyinkuna kolkii ay ku
dhex dawakheen waxay qayb ka noqdeen shacabka soo dhaweynta usoo
banaanbaxay.

1
Dadweynaha reer burco oo taariikhda markii u horeysay sidan oo kale
aan Xisbi usoo wada dhaweyn ayaa waxa soo dhaweyntooda ka dhex
muuqatay sida ay ugu kala tartamayaan beelaha wada deggani waxaana
beesha Madaxweynaha Somaliland Beelaha kale ee walaalahooda ku
dhaafeen Gaadiidka iyo Tiro badnaanta Dadweynaha oo ay weliba u dheer
tahay Gamaanka fardaha.
Kadib kolkii weftigu soo gaadheen fagaaraha badhtamaha magaalada waxaa
halkaasi shacabka Isbedel doonka ah kala hadlay Xubno katirsan
weftiga oo ay kamid yihiin Xildhibaanada Ku dhaca iyo Kalsoonida u
saaxiibka ah Xildhibaan Ali Aareeye, Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan
Ibraahim Mahdi Buubaa Iyo Xildhibaan Tukaale, oo sidii looga bartay
dhayda uga Cadeeyey foolxumooyinka, Cawaaqib xumada, Cadaalad darida,
Cabudhinta Xuriyatul Qawlka iyo Habdhaqanka indha-la’ ee ay dalka
Geyaysiisay xukuumada wakhtigeedu Tegay, kasokow taasi Xildhibaan
Aareeye ayaa shacabka burco u sheegay xidigiska Beesha Ciise mar lagu
dayey saadaasha Xukuumada Siilaanyo waxaanu yidhi “” Anigu waxaan ahay
Nin Ciise ah hadaanu Ciise nahay Xukuumada Kulmiye waanu u Faalinay,
Ciise waxa ay I weydiiyeen Sanadka Cusb ee Islaamku Maalintee buu
dhashay, waxaan I dhi Sabti ayuu dhashay waxay yiraahdeen Faal Ciise
wuxuu sheegayaa hadii Sanadka Islaamku Sabti kowsaday Siilaanyo iyo
Xukuumadiisa wax ka Xumaada mooyaane wax u hagaagayaa Majiraan””.
Hadalkaasi waxa uu noqday mid reer burco Sacab ula sarakaceen.

4uu
Gebagabadii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay hogaamiyaha horkacaya
Xisbiga Daruuraha isbedelku dul hoganayaan ee Waddani C/raxmaan
Maxamed C/laahi “Cirro” waxaana Mudane Cirro ugu horeyn siweyn ugu
mahadceliyey guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee isbedel doonka
ah si gaar ahna waxa Gudoomiyuhu ugu mahadceliyey shacab weynaha reer
burco oo uu ku bogaadiyey sida quluubtooda ay u midaysay dareenada
isbedel doonka Xisbiga Waddani, hogaamiye Ciro waxa kaloo uu si’adag u
naqdiyey falalka foosha xun ee ugubka ah ee maalmahanba xukuumada
siilaanyo kula kacaysay shacab reer Somaliland, Saxaafada, iyo
xuquuqal insaanka sidoo kale waxa uu si’adag u naqdiyey xukunkii
xaaraanta ahaa ee dhawaan lagula kacay dhalinyaradii reer gar-adag ee
isbedel doonka ahaa iyo xadhigii qafaalashada ahaa ee todobaadkan
ciidamada RRU du saqda dhexe kula baxeen qaar kamid ah wiilashii
dhalinyarada ahaa eek u hawlanaa shirweynaha dhalinyarada isbedel
doonka ah ee reer Somaliland.

4
Dhanka kale hogaamiye C/raxmaan Ciro waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku
bogaadiyey kuna hambalyeeyey balanqaadyadii dhawrka jeer ee isku xiga
maqal, muuqaal iyo qoraalba madaxweynuhu ku xaqiijiyey inaan
doorashadu saacad dib uga dhici doonin wakhtigii loogu talo galay.
Isku soo wada duuboo waxaa manta guud ahaanba dadweynaha reer burco u
makhraati fureen goboladii hore ay ugu dhufteen dabaylaha isbedel
doonka ah ee Awdal, Salal, Gebilay, Saaxil .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured