XISBI SIYAASADEED CUSUB OO LAGAGA DHAWAAQAY OTTOWA/CANADA IYO BULSHADA REER SOMALILAND EE CANADA OO AAD USOO DHAWAYSAY

0
Tuesday November 11, 2014 - 19:18:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XISBI SIYAASADEED CUSUB OO LAGAGA DHAWAAQAY OTTOWA/CANADA IYO BULSHADA REER SOMALILAND EE CANADA OO AAD USOO DHAWAYSAY

    CANADA (xogreebnews.com_National Unity & Reform Party (NUR-Party) ama Xisbiga Qaranka ee Midnimada iyo Isbedelka Maalmahaanba waxaa socday magaalada Ottowa/Canada dhaqdhaqaaqyada u diyaargaroowga ku dhawaaqidda xisbi siyaasadeed cusub oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CANADA (xogreebnews.com_National Unity & Reform Party (NUR-Party) ama Xisbiga Qaranka ee Midnimada iyo Isbedelka Maalmahaanba waxaa socday magaalada Ottowa/Canada dhaqdhaqaaqyada u diyaargaroowga ku dhawaaqidda xisbi siyaasadeed cusub oo uu CANADA (xogreebnews.com_National Unity & Reform Party (NUR-Party) ama Xisbiga Qaranka ee Midnimada iyo Isbedelka Maalmahaanba waxaa socday magaalada Ottowa/Canada dhaqdhaqaaqyada u diyaargaroowga ku dhawaaqidda xisbi siyaasadeed cusub oo uu hogaaminayo siyaasiga da’da yare e reer Somaliland, aqoonyahan Yusuf Budle. Hadaba maanta oo ay taariikhdu ahayd 10kii November 2014 ayaa uu Mudane Yusuf Budle si rasmi ah ugu dhawaaqay sharciyaynta iyo hirgelinta xisbigan cusub oo loo bixiyay: National Unity & Reform Party (NUR-Party) ama Xisbiga Qaranka ee Midnimada iyo Isbedelka.Yusuf Budle oo ka hadlayay goobta lagaga dhawaaqay xisbi siyaasadeedkan cusub ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay ugu dhawaaqeen xisbigan cusub ay tahay maadaama shacbiweynaha reer Somaliland, gaar ahaan dhalinyaraddii kortay intii ka dambaysay lasoo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ay ka qanceen dhamaanba saddexda xisbi qaran iyo hogaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland. Waxa dalkan Somaliland ka taliya laba boqol oo nin oo ay weli kaga go’antahay nidaamkii Siyaad Barre ee ku salaysnaa “Qaybi oo Xukun iyo reer reer ka horgee” waa sida uu Yusuf Budle u dhigaye. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: Anigu waxa aan hordhac u ahay siyaasiyiinta da’da yar ee “ AAN WELIGOOD XAMAR ARAG, BIYAHEEDANA CABIN, DALKA AY YAQAANAAN EE KELIYINA UU YAHAY DALKA S/LAND”.Yusuf Budle waxa hadaladiisii ka mid ahaa: Walaahibaan ku dhaartee in aanu S/land daacad ka ahayn nin lagu soo ababiyay nidaamkii Siyaad Barre oo xataa marka uu Somaliya la hadlayo aan kalsooni qabin oo la moodo in uu la hadlayo Masterkiisii ama ninkii isaga lahaan jiray oo indhaha hoos u foorarinaya. Haddii Siilaanyo, C/raxmaan Ciro, Faysal iyo Jamaalba aanay damqayn ciyaalka badda isku guraya mustaqbal la’aan awgeed oo ay marwalba ka sheekaynayaan reer hebel oo xisbigooda kusoo biiray iyo wax aan macno lahayn anagu waxaanu leenahay “ Waar dalkan jiheeyihii siyaasadda, kii dhaqaalaha iyo kii cadaaladduba way ka lumeene aynu jiheeyayaal cusub raadsano intaan doontu inala degin.Madashan oo ay iskugu yimaadeen dad aad loo soo xulay oo tiro kooban ah ayaa Mudane Yusuf Budle uga mahad celiyay sida uu ku dhawaaqidda xisbi siyaasadeedkan cusub ugu sharfay in uu kaga dhawaaqo magaaladan Ottowa, Canada. Waxa madasha laga sheegay in ay magaalada Ottowa tahay meesha keliya ee kulmisa dadka reer Somaliland ee ku kala hadla labada luuqadood ee Eglishka (ku koray Somaliland), Fransiiska (ku koray Djibouti), luuqadaha Ethiopia (reer Somaliland ee ku koray goboladda Ethiopia), taasuna ay ka dhigayso melting bot-kii maskaxda wadaniyada ah ee reer Somlailand.Ugu damabayn waxa madashaas lagu weydiiyay Yusuf Budle su’aalo dhawr ah, isagoona dhamaantood ka jawaabay, cadeeyayna in aanu xisbiganu ahayn xisbi wax xumaynaya ee uu yahay mid, sida magaciisaba ka muuqata, ka shaqaynaya midnimada (Unity) iyo Isbedel dhab ah (Reform) aanu yahay mid ay umadda reer S/land wada leeyihiin, si gaar ahna ay usii leeyihiin dhalinyarada reer Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay Mudane Yusuf in muddo gaaban gudaheed ay ku shaacin doonaan xubnaha hogaamindoona xisbiga oo dhamays tiran: Gudoomiye, G/kuxigeen, xoghayayaal ilaa guddi fulineed, iwm.Ugu dambayntii waxa uu meesha kusoo bandhigay Mudane Yusuf astaanta gaarka ah ee xisbiga iyo weliba calanka gaarka ah ee xisbiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured