Gudoomiyaha Xisibiga Waddani Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Burco Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Wafti Ka Daba Rartay

0
Monday November 10, 2014 - 19:06:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisibiga Waddani Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Burco Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Wafti Ka Daba Rartay

    Hargeisa-(xogreebnews.com_Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka u Jarmaaday Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com_Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka u Jarmaaday Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco. Hargeisa-(xogreebnews.com_Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa saaka u Jarmaaday Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.Safarka Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa waxa ka mid ah Masuuliyiin Culculus oo ka mid ah Xisbiga Waddani, Safarka Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa waxa ay ka qaybgali doonaan Manaasibad loo qabanayo Taageerayaal Miisaan Culus leh, oo ku soo biiray Xisbiga Waddani.Dhinaca kale Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii ay ogaatay in Waftiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ee maanta u ambabaxay Magaalada Burco, ayaa waxa ay Xukuumada Siilaanyo diyaarisay inay Waftiga Gudoomiye Cirro ka daba rarto, Wafti ka socda Xukuumada oo ay Hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Cabdi Aw Daahir.ilaa hadda ma cada, Sababta ay Xukuumada Siilaanyo Wafti uga daba dirtay Xisbiga Waddani, Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa si weyn uga cadhaysan taageerayaal Miisaan Culus leh oo bilihii u dambeeyay ka soo digo rogtay Xisbiga Kulmiye kuna biiray Xisbiyada Mucaaridka ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured