“ Markii ay Xukuumadani tallada dalka qabatay Garoonkani wuxuu ahaa Heerka Labaad horaanta sanadka 2015 waxaynu Hiigsanaynaynaa Heerka Tobonaad ee qiimaynta Madaarada ee ICAO.” Wasiirka Duulista iyo hawada Mudane maxamuud xaashi cabdi

0
Monday November 10, 2014 - 19:02:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “ Markii ay Xukuumadani tallada dalka qabatay Garoonkani wuxuu ahaa Heerka Labaad horaanta sanadka 2015 waxaynu Hiigsanaynaynaa Heerka Tobonaad ee qiimaynta Madaarada ee ICAO.” Wasiirka Duulista iyo hawada Mudane maxamuud xaashi cabdi

    Hargeisa(xogreebnews.com_“Maanta waxa farxad weyn inoo ah ka shacab ahaan iyo ka xukuumad ahaanba Sharafta, bilicda iyo quruxda Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_“Maanta waxa farxad weyn inoo ah ka shacab ahaan iyo ka xukuumad ahaanba Sharafta, bilicda iyo quruxda Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Hargeysa (xogreebnews.com_Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Dhismaha Baarkino loogu tallo galay inuu qaado in ka badan laba boqol oo gaadhi oo laga hir galiyey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay Wehelinayeen Wasiiradda Wasaaradaha Duulista iyo Hawadda iyo Hawlaha guud ayaa sidoo kalena kormeeray hawl gal dhoola tus ah oo ay samaynayeen hawl wadeena dabka la tacaala ee Madaarka Cigaal oo tababar heer sare ah loo soo gabagabaayey.Munaasibad kooban oo arrimahaais loo qabtay oo maanta ka dhacday Garoonka Cigaal ayey masuuliyiintaasi ka hadleen ka dib markii ay Fureen Mashaariicdaasi, sidoo kalena ay kormeereen waaxda dabdamiska iyo qaybo ka mida Madaarka Cigaal.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ujeedada xafladan oo ka kobanayd furitaankii baarkinka madaarka, oo dib u casriyeyn lagu sameeyay, la balaadhiyey oo aad loo qurxiyey, lagalana mid dhigay madaarada caalamiga ah in uu halkan madaxweyne ku xigeenku inoogu furo, sidoo kalena aanu soo xidhano tababarkii waaxda damdamiska ee uu soo xidhay macalinkii aad arkaseen ee Mr wilyam oo ay inoo soo dirtay hay’adda ICAO. Mr Wilyam oo ah khabiir mudo dhawr iyo sodan sano ah ka soo shaqeynayey waaxda dabdamiska, waxa aanu ugu talo galnay in uu naga caawiyo oo uu naga kaabo waaxda dabdamiska oo ahayd mid madaarkan iyo Somalilandba ay aad ugu hooseeyeen”Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Runtii faraxad ayey ii tahay in aan ka soo qayb galo xafladan, marka ugu horaysa mashaariic dhawr ah oo ay ka mid tahay baarkinka madaarka, iyo baabuurtan dabdamiska ah ee ku soo kordhay garoonka caalamiga ah ee Cigaal, oo ay ka mid tahay tababarkii u socday xirfadlayaashii hawshaa iyada ah ku shaqayn lahaa ee dabdamiska, in aan ka soo qayb galo runtii aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaan marka hore mahad ILAHAY ka dib u mahad naqayaa Wasiirka wasaaradda duulista hawada, iyo madaxda kale ee wasaaradda, dadaalkaa joogtada ah ee ay muujiyeen mudadii ay joogeen, xukuumadanina ay jirtay iyo waxa ay qabteen Madaarka oo runtii ah mid muuqda oo la taaban karo, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxanaan rajaynayaa dadaalkaa ay wadaan in ay halkaa ka sii wadi doonaan”“Marka labaadna mashaariicdan aynu maanta furaynaa waxay qayb ka tahay horumarkii socday ee joogtada ahaa, ee mudadii xukuumadan uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku talaabsanaysay, waxan is leeyahay marka aynaan meel fog u kicin wasaaradda maanta aynu joogno ee duulista hawada iyo gaadiidka cirka intii ay qabatay, in aanay ku qabsoomin 19 sanadood ee ka horeeyay, oo maanta mashaariicda ka hirgalay hadii la tiriyo, iyo mashaariicda ka hirgalay mudooyinkii ka horeeyay in ay boqol jeer miisaan badanayso, mashaariicda ka hirgalay afartii sanadood iyo sadexdii bilood ee ay xukuumadani jirtay.”Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Saaka munaaisbadni laba ujeedo ayey xambaarsanayd, baarkin cusub oo Madaarka caalamiga ah ee Cigaal aanu u samaynay oo aanu furaynay isla markaana uu Madaxweyne ku xigeenka oo aanu ku soo marti qaadnay uu xadhiga ka jarayey iyo munaasibada labaad oo ahayd baabuurtii cusbayd ee aynu soo iibsanay ee garoonkeeda ku soo kordhay iyo tababarkii shaqaalaha wajigii koowaad oo dhamaaday lana soo bandhigayey aqoontii la baray iyo sida ay dabka ula tacaalayaan, labadaas arimood ayuu nuxurka daaranaa.”“ Farxad weyn ayey noo tahay garoonka aynu joogto ee Cigaal, oo marar badan aynu warbaahinta ka sheegnay sida hay’ada Madaaradda dunida qiimaysa ee ICAO halkii ay ku qiimaysay markii ay Xukuumadani tallada dalka qabatay wuxuu ahaa Heerka Labaad (Category Two), wuxuu ahaa garoon aan caalami ahayn, waynu iskaga qoranay uun caalami, Madaxweynaheenii hore ayaa lagu maamuusay, munaasib ayeyna ahayd in lagu maamuusaa, waynu la jeclayn inuu caalami noqodo, laakiin ma ahayn garoon caalami ah, madaar heerka Labaad ah caalami laguma sheego, wuxuu ahaa madaar maxali ah diyaaradaha uu qaadayey xajmigoodu way koobnaayeen, wuxu marti u ahaa garoomada kale ee gobolka, dadkeenu inay meel ka soo duulaan halkan toos uma ay iman karaynin, madaaro kale ayey marti u ahaayeen maanta afartaas sano heerka uu soo gaadhay ILAHAY ayaa ku mahad san, maanta Garoonkan ayaa marti loo yahay, dad badan ayaa maanta garoonka ku tiirsan dad badan oo geeska Afrika ku nool ayaa soo mara oo uu qaybiyaa.”Wasiir Maxamuud ayaa sheegay in sanadka soo socda Madaarka Cigaal lagu samayn doono qiimayn waxanu yidhi “ Sanadka soo socda ee 2015-ka bisha koowaad waxa garoonkeena lagu samaynayaa qiimayn, waxa ku samaynaysa hay’ada caalamiga ah ee ICAO, waxanu rajaynayaa inuu qiimayntaas uu galo kaalinta 10-aad (Category Ten), marka aanu kaalinta Labaad ka soo kacnay ee aanu heerkaas gaandhsiinay waa is badal weyn, waana talaabo Qaramo badan oo aqoonsi haystaa aanay wali samayn, dab damiskeenaasi maanta waa heerka 9-aad, heerka labaadna waanu ka soo qaadnay, maaha wax maanta uu Maxamuud Xaashi afka ka odhnaynayo, wax ay shaqaalaha Wasaaradda duulistu iska leeyihiin mahaaha, quburadaas iyo macalimiintaas tabaraya ayaa qiimaynaysa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabagabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ maanta waxa farxad weyn inoo ah ka shacab ahaan iyo ka xukuumad ahaanba sharafta, bilicda iyo quruxda Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal maalinba maalinta ka sii dambaysa ku soo kordhaysa, ee aan maanta halkan u nimid inaynu laba arrimoodba furno, Baarkinka quruxda badan ee aynu soo marnay oo qaadaya in ku dhow laba boqol oo baabuur, iyo xidhitaanka tababarka dabdamiska ee hawlwadeenada Madaarka oo dhoola tus horteena ku sameeyeen, iyo arinta la dagaalkanka dabka oo ah qaybta u weyn ee Madaarka wax ku soo kordhinaysa isla markaasna ay diyaaraduhuna ku soo hiranayaan.”“ Maaha markii koowaad ee horumar uu Madaarkani ku soo kordho, mudadaas aftarta sano ah ee aanu joognay markhtaati ayaad ka tihiin horumarka ku soo kordhay iyo inaanu sanadkii laba jeer nimaadno, oo aanu furno mashaariicda Madaarka lagu soo kordhinayey. is badalka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka samaysay maaha wax la qarin karo.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenkaSomaliland.xogreebnews.com-office Hargeysa/somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured