Guddida Shirwaynaha Dhalinyaradda S/land Ee Cadaadlay Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyey Xadhiga Xubin Ka Mid Ah Oo Ay Xalay Fiidkii RRU-du Kala Baxeen Gurigooda

0
Sunday November 09, 2014 - 18:41:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Shirwaynaha Dhalinyaradda S/land Ee Cadaadlay Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyey Xadhiga Xubin Ka Mid Ah Oo Ay Xalay Fiidkii RRU-du Kala Baxeen Gurigooda

    Hargeysa, (xogreebnews.com_Guddidii Abaabulka Shirwaynaha Dhalinyaradda Somaliland ee la filayo Inuu dhawaan ka qabsoomo degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodi Jeex ayaa si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (xogreebnews.com_Guddidii Abaabulka Shirwaynaha Dhalinyaradda Somaliland ee la filayo Inuu dhawaan ka qabsoomo degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodi Jeex ayaa si

Hargeysa, (xogreebnews.com_Guddidii Abaabulka Shirwaynaha Dhalinyaradda Somaliland ee la filayo Inuu dhawaan ka qabsoomo degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodi Jeex ayaa si kulul u cambaareeyey xadhiga Qaasim Ismaaciil Ismaaciil oo xubin ka ah guddidaasi, kaas oo ay xalay fiidkii ciidanka RRU-du kala baxeen gurigiisa oo ku yaala xaafadda New Hargeysa.Guddidani waxay arrintaasi ku sifaysay cabudhin iyo tacadi ka dhan ah xoriyatul-qawlka uu u ogolyahay distuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo sheegay in distuurka qodobkiisa 23-aad, farqadiisa 3-aad u ogolyahay oo uu dhigayaa in muwaadin kastaa uu xor u yahay inay isu habeeyaan ama ay isu-abaabulaan ururo siyaasadeed, cilmiyeed ,dhaqameed,bulsheed, xirfadeed ama shaqaaleed-ba.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu goordhawayd Haatuf soo gaadhsiiyey guddoomiyaha abaabulka shirwaynaha dhalinyaradda Somaliland Md Deeq C/laahi Cawaale, kaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Anaga oo ah guddidii abaabulaysay shirka dhalinyaradda Somaliland ee lagu qabanayey degmadda Cadaadlay waxaanu si kulul u cambaaraynaynaa xadhiga lagula kacay xubin ka mid ah guddida qaban-qaabadda Qaasim Ismaaciil Xasan oo si sharci-daro ah loogu xidhay saldhiga dhexe ee Hargeysa. Waxaanu bulshadda Somaliland iyo xukuumadda-ba u sheegaynaa inaanu jirin wax dambi ah oo uu galay muwaadinkaasi ama aanu anaguba galnay hadii aanu nahay guddida qaban-qabada shirwaynaha dhalinyarada Somaliland balse hawsha abaabulka ee aanu wadnay sidaanu horeba u sheegnay uu yahay mid waafaqsan shuruucda wadanka sida uu dhigayo distuurkeena qodobadda 23-aad oo isagu dhigaya qofkasta oo muwaadin ah ama si waafaqsan sharciga dalka u jooga Somaliland waxa u uxor u yahay inuu wadanka marro am aka dago meelkasta oo uu doono iyo waliba inuu ka baxo oo uu ku soo laabto dalka xiliga uu doono, isla markaana qodobkaas farqadiisa 3-aad oo dhigaya muwadinintu waxay xor u yihiin inay isu habeeyaan ururo siyaasadeed, cilmiyeed ,dhaqameed,bulsheed, xirfadeed ama kuwa shaqaale ahba.sidaas darteed waxaanu aaminsanahay in hawshadan uu dasturkayagu no damaanad qaaday sidaasdarteed waxanu xukuumadda u waxaanu sheegayna inay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadiisa u soo celiyaan. waxaan u aragnaa arintan iyo hawlaha kale ee maalmahanba ka socday dalka laguna bartimamedsanayo dhalinyaradda ay tahay cabudhin si qaar ah lo cadaadinayo dhalinyaradda. waxaanan maanta dhalinyaro ahaan aanu cod dheer ugu sheegaynaaa in kuraasta dalka ee ay madaxdu ku fadhido aanu nahay kuwa aan saamaxay hadii ay cabudhinta cagajuglaynta iyo takorida mansabyada wadnka ee dh.yarta lagu hayo aan la jojin. ay keeni doonto revolution dhalinyaro oo sameeya dhamaan wadanka iyo xilalka ay hayaan madaxda dalku mucaarad iyo muxaafadba oo aanu jiri doonino 70 jir xil ka qaban doona wadan, waxa aynu lexejeclo badan u haynaa wadankan iyo nabadgalyada markasta ay ku beerlaxawsato dawladu waxaanan u shegaynaa in iyadu wado khalkhalgalin iyo cabudhin dadweyne”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured