Ciidamada RRU da Oo Amar Wasiir Warancade Bixiyey Kula Baxay Wiil Dhalinyaro ah + Qoyskii Wiilka Dhalay Oo Baadigoobaya Barta Lagu Xidhay

0
Saturday November 08, 2014 - 19:26:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada RRU da Oo Amar Wasiir Warancade Bixiyey Kula Baxay Wiil Dhalinyaro ah + Qoyskii Wiilka Dhalay Oo Baadigoobaya Barta Lagu Xidhay

    Hargeisa-(xogreebnews.com_-Ka hor eedaankii salaada subax ayaa Ciidamada madaxa duuban ee RRU kala baxeen guri ku yaala xaafada New Hargeysa Wiil dhalinyaro ah oo kamid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com_-Ka hor eedaankii salaada subax ayaa Ciidamada madaxa duuban ee RRU kala baxeen guri ku yaala xaafada New Hargeysa Wiil dhalinyaro ah oo kamid Hargeisa-(xogreebnews.com_-Ka hor eedaankii salaada subax ayaa Ciidamada madaxa duuban ee RRU kala baxeen guri ku yaala xaafada New Hargeysa Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dhalinta isbedel doonka ah ee ku hawlan shirweynaha dhalinyarada Somalilnad oo dhawaan lafilayo inuu ku qabsoomo deegaanka Cadaadley.Amarka xadhiga wiilkan oo magaciisa la yiraahdo Qaasin Ismaaciil Xasan ayaa waxa xogguhu sheeagayaan inuu bixiyey Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Siilaanyo warancade, taasoo ka dambaysay kulamo iyo shirar dhalinyaradu ku yeesheen labadii todobaad ee u dambeeyey magaalooyinka Burco, Boorama iyo Gebilay kuwaaso ay uGu diyaargaroobayeen qabsoomida shirkooda Cadaadley.Xukuumada siilaanyo ee wakhtigoodu yahay midka sii dhamaanaya ee maalmaha dhiman bulshadu kow, Laba iyo sadex u tirinayaan ayaa sas ka qaaday qabanqaabada shirkaasi, waxaana madaxtooyadu cadaadis xoog leh ku saartay wasiir Warancade sidii uu uga hortegi lahaa shirkaasi waxaana amar lagu siiyey inuu dhamaanba xabsiga dhigo dhalinayarada aqoon yahaynka ee iyagu hormuudka ka ah shirka aayo ka tashiga dhalinyarada Somalilandwaalidkii dhalay wiilka la qafaashay ayaa waxay walaac xoogan ka muujiyeen halka wiilkoodi xukuumadu ku riday kadib markay ka waayeen saldhigyada booliiska, xabsiga iyo Xarunta CID da intaba.Si kastaba ha ahaatee xadhiga wiilkan dhalinyarada ah ayaa siweyn u wada taabtay dhalinyarada reer Somaliland waxaanu sii xoog leh usii dardar geliyey hawlah qaban qaabada shirkaasi.C/risaaq Yusuf Cali “Terra


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured