Iskuulkii Sare Ee Allaybaday U Xidhmay Mushaar La’aan Soo Food Saartay Macalimiintii Wax Ka Dhigaysay Iyo Ardaydii Oo Mudaharaaday

0
Saturday November 08, 2014 - 18:51:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iskuulkii Sare Ee Allaybaday U Xidhmay Mushaar La’aan Soo Food Saartay Macalimiintii Wax Ka Dhigaysay Iyo Ardaydii Oo Mudaharaaday

    Allayabday(xogreebnews.com_waxaa saaka gabi ahaantiiba albaabada loo laabay iskuulkii sare ee ku yaalla degmada allaybaday oo ahaa dugsiga kaliya ee ka dhexeeya dhamaan tuulooyinka hoos yimaada allaybaday iyo nawaaxigeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allayabday(xogreebnews.com_waxaa saaka gabi ahaantiiba albaabada loo laabay iskuulkii sare ee ku yaalla degmada allaybaday oo ahaa dugsiga kaliya ee ka dhexeeya dhamaan tuulooyinka hoos yimaada allaybaday iyo nawaaxigeeda. Allayabday(xogreebnews.com_waxaa saaka gabi ahaantiiba albaabada loo laabay iskuulkii sare ee ku yaalla degmada allaybaday oo ahaa dugsiga kaliya ee ka dhexeeya dhamaan tuulooyinka hoos yimaada allaybaday iyo nawaaxigeeda.Iskuulka degmada allaybaday oo magiciisa la yidhaahdo mujaahid axmed golhaye ay saaka istaagtay waxbarashadii ka socotay, waxaana xidhitaanka iskuulka loo aanaynayaa mushaarkii macalimiinta oo aan soo gaadhin muddo laba bilood ah. Iskuulka sare ee allayabday waxaa gacanta ku haya jaaliyada reer allaybaday ee ku sugan qurbaha iyaga oo mushaarka u soo mariya Urur magiciisa la yidhaahdo UHWA oo ah urur u tafaxaytay sidii waxbarashada allaybaday ay kor ugu qaadi lahayeen iyaga oo muddo dhawr iyo toban sano ah gacanta ku hayay dhamaan iskuulada hoos yimaada allaybaday waxaana hawsha u xilsarnad wasaarada waxbarasha oo noqotay wasaarad fadhiis ah. Si kastaba ahaatee waxaa mugdi iyo bohol ay saaka hamigoodii ku dhacay arday tiro badan oo wax ka dhigaynaysay iskuulka sare ee allaybaday oo aan la garanayn si uu iskuulku mar danbe uu u furmi doonoo maadaama mushaarkii macalimiinta aanay qaadan laba bilood, dhanka kale ardayda wax ka barata iskuulka ayaan laga qaadi wax lacag ah am iskuul fee ah. Haddaba waxaa xidhitaanka iskuulka loo aanaynayaa musuul sare oo ka tirsan ururka UHWA oo ah khasnajiga ama lacag haya lagu soo hagaajiyo mushaarka maacalimiinta oo magiciisa la yidhaahdo Cumar aw jaamac maxamuud oo aan mudd laba bilood ah aan u dirin mushaarkii macalimiinta. Shabakada Buushaale News oo khadka tilifoonaka kula xidhiidhay maamulaha dugsiga sare ee allaybaday Abdiwahaab Maxamed Yusuf ayaa waxaa uu noo xaqiijiyay in saaka aan iskuulkii aanay ka socon wax waxbarasho ah oo joojiyeen aanay sii wadayn waxbrasha illaa iyo laga helayo mushaarkii macalimiinta oo ay ka maqan tahay muddo 2 bilood ah. Waxaanu uu yidhi “walaal waa run saaka iskuulkii waanu xidhnay ardaydiina waanu fasaxnay waxbarashana ma helayaan ardaydu ilaa iyo ninka la yidhaahdo cumar aw jaamac uu soo diro mushaarkii macalimiinta oo uu laba bilood kala maqan yahay wixii loogu talo galay macalimiinta waxaa uu nagala maqan yahay lacag dhan 950 dollor oo ah lacagtii labadii bilood ee ugu danbeeyay tilifoonkiina wuu iska xidhay, bishii horen wuxuu iska tagay xajka isagoon noo soo dirin mushaarkayagii” Dhanka kale ardaydii wax ka baranaysay iskuulka ayaa mudaharaad balaadhan la hortagtay xafiiska gudoomiyaha allaybaday iyagoo rabay in ay u gudbiyaan cabashadooda walaw xilagaa uu gudoomiyhu uu ka maqnaa xafiiska. ardaydan ayaa waxay ku dhawaaqay erayo lid ku ah masuulka la shaagayo in uu dhexda u fadhiistay mushaarka macalimiinta waxayna ku dhawaaqayeen “Dooni mayno cumar aw jaamac, dooni mayno doolar qaate” waa erayadii afkooda kasoo baxayay ardaydii uu ka xidhmay iskuulka sare. Shabakada wararka Buushaale ayaa iyana dhinaceeda isku dayday in ay wax ka ogaato dhaliisha loo soo jeediyay masuulka ururka UHWA u qaabilsan lacag haynta Mr cumar aw jaamaca nasiib daro tilifoonkiisa gacanta oo xidhnaa awgeed ayaanu u weynay in aanu dhankiisa ka ogaano dhaliishaa. Dhinaca kale masuulka wasaarada waxbarashada u qaabilsan degmada allaybaday gudoomiye mukhtar boos ayaa isna dhinaciisa noo sheegay in iskuulkii sare uu saaka u xidhmay gunadii macalimiinta oo aan soo gaadhin awgeed Isku soo wada duuboo wasaarada waxbarashada ayaa looga fadhiyaa in ay la wareegto iskuulkan u xidhmay mushaar la’aantaa maadaam ururka UHWA uu muddo badan uu gacanta uu ku hayay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured