Baarlamaanka Somaliya Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Kasoo Yeerdhay Nicholas Kay

0
Tuesday November 04, 2014 - 19:49:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somaliya Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadalkii Kasoo Yeerdhay Nicholas Kay

    Muqdisho (xogreebnews.com— Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaaliyeed waxay aqoonsan yihiin, kana mahad-celinayaan taageeradda weyn ee Beesha Caalamku siiso Dawladda iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com— Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaaliyeed waxay aqoonsan yihiin, kana mahad-celinayaan taageeradda weyn ee Beesha Caalamku siiso Dawladda iyo Muqdisho (xogreebnews.com— Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaaliyeed waxay aqoonsan yihiin, kana mahad-celinayaan taageeradda weyn ee Beesha Caalamku siiso Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya dhibaatooyinka dhinacyada Siyaasadda, Amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ee ay sababeen burburkii dawladdii dhexe, dagaalo sokeeye iyo abaaro.§ Waxaanu si gaar ah u xusaynaa doorka United Nations iyo hay’adaha kala duwan ee Qaramadda Midoobey ka geystaan horumarinta Soomaaliya ee arimaha siyaasadda, amniga, adkaynta hay’adaha dawladda iyo gaarista higsiga 2016.§ Waxaanu nasiib daro u aragnaa War-saxaafadeedka 49/2014 ee ka soo baxay xafiiska SRSG u qaabilsan Soomaaliya 02 November 2014. Erayada ku qoran War-saxaafadeedku waxay ka baxsan yihiin hab-dhaqanka diblomaasiyada, waxayna xadgudub iyo meel ka dhac cad ku yihiin dastuurka dalka, xoriyadda iyo Madaxbanaanidda Soomaaliya iyo hay’adaheeda dawliga ah sida ay qabaan shuruucda caalamiga ah iyo qodobka 1-aad ee dastuurka. Ergaygu wuxuu sidoo kale meel uga dhacay sharafka iyo karaamadda Xildhibaanada Soomaaliyeed isagoo xiganaya war suuqeed aan sal iyo raad lahayn kuna habooneyn maqaamkiisa.§ Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey Mr. Kay wuxuu si aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah iyo Dastuurka dalka u dhexgalay hawlaha Xildhibaanadda Barlamaanka iyo nidaamyada sharci ee ay adeegsan karaan si ay wax ugu bedelaan, uga saxaan ama uga toosiyaan hawlaha qaranka sida uu qabo qodobka 69-aad ee dastuurka iyo qodobka 75-aad ee xeer hoosaadka Barlamaanka.§ Xildhibaanadda Barlamaanka ee war-saxaafadeedkan soo saaray waxay qabaan in higsiga 2016 lagu gaari karo oo keliya markii ay jirto kalsooni iyo wada shaqayn buuxda oo u dhexaysa hay’adaha dawliga ah iyo madaxda qaranka. Hadaba, ilaa bilowgii magacaabistii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed waxaa jirey khalaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo aan u aragno in uu hada gaaray heer caqabad ku noqon kara horumarka jira iyo higsiga 2016.§ Sida ka muuqata war-saxaafadeedka, SRSG-gu wuxuu wararka ka qaataa ama lug ku leh go’aamadiisa shaqsiyaad doonaya in ay gaaraan dano gaar u ah ama u xaglinaya dhinac gaar ah, taasoo shaqada Ergayga ka dhigaysa mid ka baxsan mandate-kii loo soo igmay.§ Beesha Caalamka iyo ummadda Soomaaliyeedba waxaanu u cadaynaynaa in ay Soomaaliya leedahay hay’addo dawli ah oo awood u leh in ay nidaam sharci ah ku dhameeyaan mushkilad kasta oo soo ifbaxda sidii horeba u dhacday, sidaas awgeed waxaanu ka codsanaynaa Beesha Caalamka in ay naga dhaaftaan faragelinta oo ixtiraamaan Dastuurka, hay’adaha dawliga ah iyo madaxbanaanidda dalka Soomaaliya.§ Ugu dambeyntii, waxaanu ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u soo jeedinaynaa in uu raali gelin cad ka bixiyo gefkii iyo meel ka dhacii uu ku sameeyey sharafta iyo karaamada Xildhibaanada Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured