Soomaalida Ku nool K/Afrika iyo Xisbiga ANC oo walaac ka muujiyey UN Monitoring

0
Monday November 03, 2014 - 18:48:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida Ku nool K/Afrika iyo Xisbiga ANC oo walaac ka muujiyey UN Monitoring

    Kenya(xogreebnews.com_ Kulan balaaran oo xalay lagu qabtay magaalada Johannesburg oo si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaalida K/Afrika iyo xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC ayaa walaac xooggan ka muujiyey eedeymaha aan caddaynta laha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya(xogreebnews.com_ Kulan balaaran oo xalay lagu qabtay magaalada Johannesburg oo si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaalida K/Afrika iyo xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC ayaa walaac xooggan ka muujiyey eedeymaha aan caddaynta lahayn ee UN Monitoring u jeedineyso madaxda Soomaalida iyo ganacsatada.

Kenya(xogreebnews.com_ Kulan balaaran oo xalay lagu qabtay magaalada Johannesburg oo si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaalida K/Afrika iyo xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC ayaa walaac xooggan ka muujiyey eedeymaha aan caddaynta lahayn ee UN Monitoring u jeedineyso madaxda Soomaalida iyo ganacsatada.

IMG_3206

Isu imaatinka oo si weyn ay usoo buuxdhaafiyeen xubnaha xisbiga ANC oo ku labisan funaanado uu ku sawiranyahay madaxweynaa Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo waliba jaaliyadda Soomaalida ayaa waxa uu ku qabsoomey hoolka shirarka Hotel Nura.

Waxaa kulankani si gaar ah looga hadlay Ganacsade Muuse Ganjab oo degen dalka Koonfur Afrika , kaasi dadkii jaaliyada iyo xisbiga ee meesha ka hadlay ay sheegeen in lagu xadgudbey, yahayna nin nadiif ka ah eedeymaha la xiriirinaya Alshabaab ee UN Monitoring soo jeedisey.

IMG_3197


Dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa xildhibaanka ANC ee laga soo doorto xaafadda Soomaalida Jerry Musesi, xoghayaha guud ee jaaliyadda Soomaalida (Somali Community Board) Caamir Sheekh, nabadoon Gaacir Hiraabe, Sheekh Qorane Cabdi oo ka tirsan taladda culumada Albayaan, Maxamed Axmed Shuuriye (Maash) oo matalayay ururka la dagaalanka qabyaaladda ATM, Axmed Xabiibullaah oo ah madaxa jaaliyaadka carrabta K/Afrika, Suldaan Ibraahim Qaxwo, Mudane Maxamed Ruush iyo Xassan Yare oo ku hadlay magaca ardada Soomaaliyeed.

Dhamaan dadkaasi waxa ay bogaadiyeen ganacsade Muuse Ganjab iyo kaalintii uu ka qaatay danaha Soomaalida dalkani iyo waliba isdhexgalka Soomaalida iyo muwaadhiniinta dalkani.
Xildhibaanka ANC ka socdey ayaa sheegey in barigii ay halganka ku jireen beesha caalamka ay ka hiilisey, dhamaan dadkii dalkooda u halgamayay sida Nelson Mandela oo kalana lagu tilmaamay in ay argagixiso yihiin, wuxuuna Soomaalida ku dhiiriyey in ay dhagaha ka fureystaan dadka wax eedanaya, kana shaqeeyaan dib u dhiska dalkooda.

Sheekh Garweyne ayaa isagu sheegey in waligiis uusan maqal UN Monitoring oo wax fiican ka sheegeysa Soomaaliya, sidoo kale nabadoon Gaacir ayaa waxa uu sheegey in wax caddayn ah aysan UN Monitoring soo bandhigin, taasi ay daliil u tahay in waxa ay sheegayaan uusan sal iyo raad lahayn.

Ardadii meesha ka hadashay ayaa sheegey in Muuse uu xitaa ka bixin jirey lacagta waxbarashada kuna dhiirogalin jirey in ay dalkooda wax u bartaan.

Goobta ayaa waxaa lagu qaaday heesihii xornimo u doodka ee ANC, heesta calanka Soomaaliya, dowladda Soomaaliyana waxaa loogu baaqay in ay difaacdo xuquuqda muwaadhiniinteeda, dalkana qaranimadiisa la difaaco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured