Tifaftiraha Guud ee TV-ga Horn-cable oo xilkii iska casilay iyo sababuhu u nisbeeyay iscasiladiisa !

0
Sunday November 02, 2014 - 09:52:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tifaftiraha Guud ee TV-ga Horn-cable oo xilkii iska casilay iyo sababuhu u nisbeeyay iscasiladiisa !

    Hargeisa-(xogreebnews.com_Tifaftirihii Guud ee TV-ga Horn-cable Cabdillahi Wayab ayaa xilkii iska casilay .Wayab ayaa Qoraal uu warbaahinta u qoray oo ku saabsan iscasiladiisa ku sheegay sababta iscasiladiisa.Halkan ka akhri warqadii is-casiladiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com_Tifaftirihii Guud ee TV-ga Horn-cable Cabdillahi Wayab ayaa xilkii iska casilay .Wayab ayaa Qoraal uu warbaahinta u qoray oo ku saabsan iscasiladiisa ku sheegay sababta iscasiladiisa.Halkan ka akhri warqadii is-casiladiisa. Hargeisa-(xogreebnews.com_Tifaftirihii Guud ee TV-ga Horn-cable Cabdillahi Wayab ayaa xilkii iska casilay .Wayab ayaa Qoraal uu warbaahinta u qoray oo ku saabsan iscasiladiisa ku sheegay sababta iscasiladiisa.Halkan ka akhri warqadii is-casiladiisa.Anigoo ah Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] waxan iskay u go’aansaday inaan istiqaalad rasmi ah ka dhiibo shaqadii u hayey Horn Cable TV oo ahayd Tifaftiraha Guud, kadib markuu Mulkiilaha HCTV igu ixtiraami waayey hawshii iyo mas’uuliyaddii uu ii dhiibay,taasoo markaan weydiiyeyna uu iigu jawaaaybay aflagaado aanan gayin.Waxa dhacday in anigoo jooga oo ku sugan goobta shaqada aan ku war helo warar aan isoo marin oo ka baxa Tva, markaan su’aalo Madaxa Wararkuna oo ii sheego inay tahay amarka Mulkiilaha. Arrintan markaan weydiiyey Mulkiilaha sababta uu anigoo ah Tifaftiraha iila socodsiin waayey, xataa si aan uga jawaabo haddii wax layga weydiiyo, waxa uu iigu jawaabo erayo aanan doonayn inaan halkan ku muujiyo balse ahaa kuwa aad u qallafsanaa oo aan sinaba ii qaban, isla markaana ku fiicnayn in loogu jawaabo qof shaqo idinka dhaxayso.Haddaba, anigoo ogsoon inaan ahay qofka kowaad ee leh masuuliyada wax kasta oo ka baxa TV ga xumaan iyo samaanba waxay ila noqon weyday inaan sidaa kusii dhex fadhiyo HCTV oo aan ku sugo in la ii xidho ama dhibaato kale iga soo gaadho waxanan war iyo wacaal midna u ahayn, sidaaa awgeed ayaan maanta oo ah 1da Nov,2014 go’aansaday inaan istiqaalad ka dhiibo xilkii iyo shaqadii aan u hayey Horn Cable.C/LLAAHI AADAN CUMAR ( WAYAB)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured