Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumadda Si adag ugu dhaliilay Boobka Hantida Guud, Ganacsatadana digniin iyo Dar-daaran u jeediyey–

0
Thursday October 30, 2014 - 20:42:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumadda Si adag ugu dhaliilay Boobka Hantida Guud, Ganacsatadana digniin iyo Dar-daaran u jeediyey–

    Washington (xogreebnews.com_ Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag uga hadlay boobka Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku hayso Hantida Guud ee Umadda ka dhaxaysa, waxaanu sheegay in cid kasta oo si sharci-darro loogu ware

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington (xogreebnews.com_ Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag uga hadlay boobka Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku hayso Hantida Guud ee Umadda ka dhaxaysa, waxaanu sheegay in cid kasta oo si sharci-darro loogu wareejiyo Washington (xogreebnews.com_ Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag uga hadlay boobka Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku hayso Hantida Guud ee Umadda ka dhaxaysa, waxaanu sheegay in cid kasta oo si sharci-darro loogu wareejiyo Hantida umadda lagula xisaabtami doono isla markaana ay la xisaabtami doonto xukuumadda beddeli doonto maamulka madaxweyne Siilaanyo.Jamaal Cali Xuseen waxa uu ganacsatada iyo dadka xukuumadda kula shuraakoobay boobkan ugu baaqay inay ka waantoobaan isla markaaana aanay hantidooda xalaasha ah ku bixin boobka Hantida Guud ee umadda ka dhaxaysa, taas oo uu sheegay in lagu xisaabtami doono cid kasta oo arrintan ku lug yeelata.Aqoonyahan Jamaal oo socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka, waxa uu arrintan kaga hadlay qoraal uu ciwaan uga dhigay “Daar Dumi ama Daar Dhis, Waa Xoolahii Ummadda” oo uu ku baahiyey boggiisa Facebook, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay shakhsiyaad xukuumadda ka tirsan oo guryo ka dhista waddamada dibadda iyaga oo uga faa’idaysanaya xilka umaddu u dhiibatay. Qoraalkan oo sidoo kale uu kaga hadlay siyaasadda Xisbiga UCID ee ku wejahan ilaalinta Hantida Umadda iyo dhiirrigelinta Ganacsiga iyo Ganacsatada ayaa u qornaa sida tan:- “Somaliland waa dal danyar ah loomana ogolaan doono in dadka dalka talladiisa haya ay boobaan hantidii Ummadda ee iyaga lagu aaminay. Waxaanu ganacsatadda uga digaynaa qofkii la siiyo hanti ay ummaddu leedahay oo sifo sharci daro ah u qaata in lagaga daba iman doono, oo ay iyaga laftigooda ku haboon tahay inay ka waantoobaan.Dawladda Siilaanyo way tegi doontaa oo dawlad kale ayaa iman doonta inshallah (ama UCID ha noqoto ama Waddani ha noqotee), dawladaasina kolay wixii hanti ummadda ah ee la boobay waa lagaga daba tegi doonaa kuwa boobay. Dawladdan Kulmiye ha ogaato in hantiddii ummadda ee lagu aaminay inay boob qaawan ugu badheedhay. Ganacsatadda Somaliland ee sharafta leh ee shillinkooda xalaal ku helay inaanay iska kharibin oo indhaha dadka isku soo jeedin.UCID siyaasadeeddu waa in hantidda ummadda la ilaaliyo; iyo weliba anagoo si xoogan ula shaqeyn doona Ganacsatadda dalka oo dhan ku yar iyo ku weyn si uu ganacsigoodu u kori lahaa maadaama ay yihiin iyagu kuwa shaqooyinka abuura.Shakhsiyaadka xukuumadda ka tirsan ee iyaguna guriyaha dibadda ka dhisanaya ee ku kibraaya xoolaha ummadda ha ogaadaan in Ilaahay, Ummadda, iyo anaguba aanu isha ku hayno. Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo,” sidaas ayuu Aqoonyahan Jamaal ku sheegay qoraalkiisa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured