“Anigu Waxaan Ogolahay In Afti Laga Qaado Dadka Reer Laascaanod Oo La Waydiiyo Cida Ay Raacayaan Somaliland Mise Puntland ” Madaxweynaha Puntland.

0
Thursday October 30, 2014 - 16:43:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Anigu Waxaan Ogolahay In Afti Laga Qaado Dadka Reer Laascaanod Oo La Waydiiyo Cida Ay Raacayaan Somaliland Mise Puntland ” Madaxweynaha Puntland.

    Hargeysa(xogreebnews.com_ Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa Markii ugu horeysay Sheegay in uu Diyaar u yahay in Dadka Reer Sool laga qaado afti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_ Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa Markii ugu horeysay Sheegay in uu Diyaar u yahay in Dadka Reer Sool laga qaado afti Hargeysa(xogreebnews.com_ Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa Markii ugu horeysay Sheegay in uu Diyaar u yahay in Dadka Reer Sool laga qaado afti ku saabsan Somaliland iyo Puntland kay raacayaan, isla markaana Haddii ay somaliland raacan uu soo dhaweynayo Basle waxa uu sheegay in aanay Somaliland Arrintaasi iyadu raali ka ahayn.Waxa kale oo uu ka hadlay halka ay ku dambeeysay Hanjabadiisi ahayd in aanay gacanta Puntaland Laascanood kaga bixin faataxo isla markaan uu awood ku soo celindoono haddii uu madaxweyne ka Noqdo Puntland.Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu u warameyey Telefeshinka Afka Somaliga ku hadla ee la yidhado Somali Channal TV.Madaxweyne Gaas yaa ugu horeyn la waydiiyey madaama uu markii oloolaha Madaxtinimada Maamulkiisa ku jiray ku dhaartay in uu Dib ugu soo celindoono Gacanta Puntland Laascanood oo uu hore u sheegay in aanay Laascanood Faataxo ku taggin kuna soo noqondoonin Faataxo balse uu awood ku soo celindoono halkii ay ku danbeeysay Hanjabadiisu waxanu yidhi. “Aniga Cabdiwali Ahaan Puntland ma dhisin ee waxan u imid iyada oo dhisan oo aan madaxweyne u noqday laakiin Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay sidaasi daraadeedna inta Maamulka Puntland aan madaxda ka ahay gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod mar labbadna waan kugu celinayaa hadalkaasi”Ayuu yidhi Gaas.Cabdi wali Cali Gaas ayaa la waydiiyey Madama dadka reer Laascanood aan awood lagu haysan oo calanka Somaliland uu ka babanayo Laascaanod sababta uu ugu diidan yahay Masayrkooda ay ku doorteen in ay Somaliland ka mid noqdaan? Waxaanu kaga jawaabay “Anigu waxaan ogolahay in Afti laga qaado dadka reer laascaanod oo la yidhaahdo Ma Somalilandbaad rabtaan mise Puntland anigu arrintaasi Raalibaan ka ahay laakiin siilanyo raali kama noqonayo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured