Afhayeenka madaxtooyada Dhuxul waa neef aan dhogor lahayn mana istaahilo in uu biyatooni ka noqdo madaxtooyada

0
Wednesday October 29, 2014 - 18:21:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka madaxtooyada Dhuxul waa neef aan dhogor lahayn mana istaahilo in uu biyatooni ka noqdo madaxtooyada

    Jawaabtiisa idiinka sheekeen maayo ee idinku doonto oo dhegeysta. Wax uu kala garanayaa ma jirto oon ahayn sida nebiga loogu saliyo oo kale ayuu mar walba odhanayo Ahmed Mohamed Maxamoud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaabtiisa idiinka sheekeen maayo ee idinku doonto oo dhegeysta. Wax uu kala garanayaa ma jirto oon ahayn sida nebiga loogu saliyo oo kale ayuu mar walba odhanayo Ahmed Mohamed Maxamoud Dhuxul ma istaahilo in uu biyatooni ka noqdo madaxtooyada ee isna waxa ka sii daran ka qortay ee yidhi afhayeen ii noqo. Silaanyo wixii wax kala garanayey wuu iska fogeeyey oo Dhuxul iyo Cukuse iyo qaar kaloo baalash la yaala ayay ayey is afgartaan. Subxaan!!! Shinbir waliba shinbir kiisa ayuu la duulaa …Dhuxul oo ka mida rakaabka uugu damiin san ee gaadhiga Silaanyo saaran ayaan horta aan wax cilmiya lahayn haba yaraatee. Carabina ma qoro Ingrisiina kuma hadlo. Waa nin yar oo dubjir ahaa oo intii dalka lagu soo noqday Borama ku baa ba’yay dabeedna idaacadii horyaal dowaldii UDUB ka soo caayi jiray. Ayaan darooyinka uugu waa weyn bay ka mid tahay in Dhuxul madaxtooyada u shaqatago ama warbaahinta isa soo taago. Masiibooyinka ayey ka mid tahay in Dhuxul la yidhaa orodoo cey madaxda xisbiyada. Hadii baalashlayaal madaxtooyadii qabsadeen oo ay doonayaan inay inaga dhaadhiciyaan in Silaanyo uu fayow yahay oo beena maxaa shicibka uuga meel yaal. Dhuxul waa neef aan dhogor lahayn micna heedu waxa weeye waa nin aan damiir lahayn, aqoona meeshaba ha keenin, raganimo iskaba ilow xishoodna kumaba dhalan. Waa dibjir sida eyda lagu sii daayo qofkii la xajiimeynaayo. Dhuxul eyda madaxtooyada ka cida ayuu ka mid yahay. Maanta mar uu warbaahinta la hadlayay baa la weydiiyey sababta loo iibiyey Gandi Library … Jawaabtiisa idiinka sheekeen maayo ee idinku doonto oo dhegeysta. Wax uu kala garanayaa ma jirto oon ahayn sida nebiga loogu saliyo oo kale ayuu mar walba odhanayo Ahmed Mohamed Maxamoud Silaanyo. DhuxulWaa kii markii Silaanyo madaarka Hargiesa ka soo degay ku lahaa madaxweynaha … Fadhiiso adigu fadhiiso ee proptocol kii oo dhanceebeeyey ee ilaa maanta laga sheekeysto. Dhuxul iyo Xirsi iyo Cukuse iyo Cali mareexaan iyo Bukhaari iyo Ruush Caraale iyo muhunad iyo weji xunoo miidhan weeye dadka maamulkan buray ka masuulka ihi. Dhuxul wuu iska hadrayaa ee bal Silaanyo ha soo fadhiisiyo TV ga shan miridh oo qudha oo ha hadlo….Mey dhicin afar sanadood iyo badh in Silaanyo shicibka la hadlo. Sidaa darteed ayaannu doorasho ku geli karin ee loogu raadinayaa mudo kordhis aan sinaba u suurta gelayn. Madaxweynuhu haduu bed qabo dadka ayuu la hadli lahaa. Xukuumada Dhuxul af-hayeenka u yahay Cukuse na wasiirka war faafinta u yahay in ay tahay mid khayaali ah waa la garan karaa. Abdi Mustafe abdi_mustafe123@yahoo.ca


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured