Xoghayaha Guud ee qaramada midoobey Banki Moon oo Muqdisho Gaaray unaa yimmi xalinta khilaafka soo kala dhex-galay masuuliyiinta dawladda soomaalia( Daawo sawiirro)

0
Wednesday October 29, 2014 - 17:38:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud ee qaramada midoobey Banki Moon oo Muqdisho Gaaray unaa yimmi xalinta khilaafka soo kala dhex-galay masuuliyiinta dawladda soomaalia( Daawo sawiirro)

    Muqdisho(xogreebnews.com_Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Bankimoon ayaa goordhaweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Bankimoon ayaa goordhaweyd kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Muqdisho(xogreebnews.com-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-mooniyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kimayaa maanta oo Arbaca ah ka degay garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde. Labadan masuul ayaa ku jirey safar ay ku marayaan qaar kamid ah dalalka Afrika oo ay ka taagan tahay dhibaatada dilaaga EBOLA waxaana ay maanta booqdeen Dalka Kenya gaar ahaan xerada qaxootiga ugu badan ay ku jiraan ee Dhahdhaab.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Saraakiil ka tirsan AMISOM, Shaqaalaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Saraakiisha ciidanka Soomaaliya, kama dhex muuqan soo dhaweynta saddexda nin ee u sareeya Xukuumadda Federaalka, waxaana keliya oo lagu dhex arkaayey qaadashada Salaanta raysalwasare kuxigeenka ahna Wasiirka Awqaafta Ridwaan Xirsi.

Ban Ki-moonayaa xirnaa suut madow, waxaana uu ku dhex lugeeyey garoonka diyaaradaha isaga oo salaan ka qaatey cutub ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobbey, ma xirneyn jaakadda xabadaha celisa marka loo eego safarkii uu horey ugu yimid Muqdisho.

un_somalia

Xoghayhaya Guud ee Qaramada Midoobey, madaxweynaha Banigiga Aduunka iyo masuuliyiin ka socdey Midowga Yurub iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa shir kula qaatey Madaxda Soomaalida Garoonka Adan Cadde, waxaana shirka wada joogey Madaxweynaha Raysalwasaaraha iyo Guddoomiayah Baarlamaanka, waxaana shirka muhimadiisa loogu yeeray dib u dhiska Soomaaliyada cusub.

Booqashada Xoghayaha Guud ayaa ku soo beegantay xilli guulo laga gaaray dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay kula jiraan Al-Shabaab. Sidoo kale booqashadiisa ayaa ku soo aadday iyadoo xaalad bin’aadannimo oo adag ay ka taagan tahay qeybo badan oo ka tirsan dalka. Sidoo kale booqadhada masuuliyiintan heerka sare ah ayaa ku soo beegmeysa xilli Dowladda Federaalka ah uu ka dhex aloosan yahay khilaafkii csanad laha ahaa ee mar ka dhex qarxi jirey Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha markii ay sanad wada shaqeeyaan.

Ma ahan markii u horerysey ee Ban Ki-moonoo booqdo Soomaaliya sanadkii 2011 ayey ahayd markii uu booqasho ku yimid Muqdisgho xiligaas oo Koonfurta Soomaaliay ay ka taagneyd macaluul dad badan u dhinteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured