SIILAANYO :ALLEH MAGANE WAAN RABEY INAY KUGU ADKAATOOD CIDNA EERSANWEYDAA!

0
Tuesday October 28, 2014 - 19:40:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIILAANYO :ALLEH MAGANE WAAN RABEY INAY KUGU ADKAATOOD CIDNA EERSANWEYDAA!

    siilaanyoSiilaanyo manta muu fashilmin waxa uu fashilmey markii uu hantdii ummadu laheyd wasiirada xaaraan ku naaxa ah ee , wasiirka maaliyadu kow ka yahey, xirsi laba ka yahey, ka hawada iyo duulistu sadex ka yahey ,ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

siilaanyoSiilaanyo manta muu fashilmin waxa uu fashilmey markii uu hantdii ummadu laheyd wasiirada xaaraan ku naaxa ah ee , wasiirka maaliyadu kow ka yahey, xirsi laba ka yahey, ka hawada iyo duulistu sadex ka yahey ,ka macdantu afar ka yahey iyo cabdi aw Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo guud ahaanba akhrsitayaasha sharafta leh,ka dibSomalida ayaa tidhaahada gun hana gargaarsan ,howna gargaarin waxaan u jeeda markaasi shaqsi iyo habdhankiisa oo haduu xumaado ku sifoobaaya gunimadaasi ay somalidu hore u sheegeen, waxaana taasi ka dhigin Oday siilaanyo oo siyaasadii meel xun la mareyso oo qaawan.siilaanyoSiilaanyo manta muu fashilmin waxa uu fashilmey markii uu hantdii ummadu laheyd wasiirada xaaraan ku naaxa ah ee , wasiirka maaliyadu kow ka yahey, xirsi laba ka yahey, ka hawada iyo duulistu sadex ka yahey ,ka macdantu afar ka yahey iyo cabdi aw daahir uu u fasaxey in ay hantidii ummada guro mareykin iyo yurub ku yaala ku gataan ayuu waxa uu burburiye sharcigii iyo nidaamkii dalka u yaaley, horana waa loo sheegey.Siilaanyo waxa uu fashilmey markii uu beeneeyey balan qaadadii uu ummada la galey oo ahaa ugu horeyn in uu musuqmaasuqa la dagaalamaayo balse waxa uu abuurey musuqmaasuqii u xumaa abid ee Somaliland soo mara?Waxa uu fashilmey markuu dadkii doortey xirsi ka doorbidey, waxa uu fashilmey markii uu wasiir samaale xaaraan ku naax oon aqoon iyo dadnimotoona lahey ka dhigey wasiirka maaliyada ee uu isna lacagtii ummada reer Somaliland wadad alleybadey intii badneyd ugu deeqey waayo samaale waa jaahil aan aqoontiisu dhaafsiisneyn tuulada xaduudka galbeed ku taala ee uu baadiyaheeda ku dhashey ama uu ka yimid, waana waxyaalaha lala yaabo nin wasiir sheeganaya oo leh wadada reerkayagaa mara ee hala dhiso, waxase ka sii xun kii xilka ku rarey aanu aqoon iyo isirtoona u laheyn ee hadana soo taagan, malaha waxaan is idhaahdaa wasiirka samaale waa kii wadaadka sheegan jirey ee Sixirkii suufiyada ayuuba Odaygan ku taagtey ileyn dadnimo iyo aqoon iyo shacabiyada kale oo uu wasiir ku sii ahaado malahan e,Hadaba siilaanyo hore ayuu u fashilmey una ceeboobey, maantana waxa uu ka dhiganyahey bal dayaayey wadadkii wa kaa sii dabeyshaeyd waa lagu digtaa ruux haduu dabaal yahey e, bal aan eegno meesha uu Odayagan asqeysani ku danbeeyo, kaaga daran doqoniimadu dabiib malahan waxa uu shaashada la taaganyey waan tartamayaa inta sharcigu ii Ogolyahey meesha sharciba ma jiro oo wuu ka wada talaabsadey in uu sharciga u hogaamsamo oo waa kii diidey taladii xisbigii kulmiye ee uu madaxweynaha ku noqday waana kii wasiirada cawaanta ah oo uu madaxweyne ku xigeenka Mr sac sac horboodaayey ee dumarka somaliyeed ee sharafta leh aflagaadeynaayey isagoo hadalo jaahilnimo badani ka muuqato hUTEEL MAANSOOR KA LAHAA.Ugu danbeyn shacabka reer Somaliland waa in ay daaquudka siilaanyo iyo rakaabkiisa u dhameeyaan taageeraana xisbiyada mucaaridka ah, hadey Jamaal tahey iyo hadey cirro taheyba.Dhulka maalin noo dhaaf dhalaankiyo caruurtii gidigoodba dhoohaney ku leeyiin.-siilaanyo sahan xume saqiiratey ka sii soco ,oo sanno ha soo noqonQore:Tahir Hussein/ London /UKTahir hussein


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured