Daawo xogreeb Tv: “Madaxweyne Siilaanyo Waa Qalin Khadkii Ka Dhamaaday, Wuxuu U Baahan Yahay Xanaano.. ” Xildhibaan Cali Aareeye Oo Afka Furtay

0
Tuesday October 28, 2014 - 19:03:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo xogreeb Tv: “Madaxweyne Siilaanyo Waa Qalin Khadkii Ka Dhamaaday, Wuxuu U Baahan Yahay Xanaano.. ” Xildhibaan Cali Aareeye Oo Afka Furtay

    Hargeysa(xogreebnews.com_xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. waxa uu sheegay inuu haatan ka daran yahay Siyaad Barre, isagoo taxay fishilaado siy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. waxa uu sheegay inuu haatan ka daran yahay Siyaad Barre, isagoo taxay fishilaado siyaasadeed oo Hargeysa(xogreebnews.com_xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo. waxa uu sheegay inuu haatan ka daran yahay Siyaad Barre, isagoo taxay fishilaado siyaasadeed oo Somaliland wajahday intii Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay.“Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, waxaa ina helay mid boqol Siyaad inagu noqday oo kuwo yar-yar oo gaagaaban haysta ayaa dalkii u soo baxay.markaa haddii Aayatul Kursi kasta lagu Akhriyana waxba laga qaban kari maayo, ilaa Shacabku yar iyo weyn ay gartaan danahooga oo Nin Caashaqana iska daayaan.Anagu hebel doorta idin ma lihin,kaas Caashaqa idin ma lihin, waxaan leenahay waar dalkii Halis buu ku jiraa” ayuu yidhi XIldhibaan Aareeye.Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, waxa uu sheegay in dhacdooyin aan hore Somaliland uga dhicin dhaceen intii uu dalka hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo “SNM uun baan ka maqli jiray wuu na kala kaxeeyey, waar ma Ninkan Odayga ah baa idin kala kaxeeyay uun baan Odhan jiray.maanta Somaliland wuu kala kaxeeyey.intuu joogay waxaa dhacday in Cali Khaliif halkaas ku soo dego oo Khaatumo lagu dhawaaqo, waa markii ugu horaysay ee Maamul Somaliland ka baxsan lagu dhawaaqo.Waxaa halkan Yimid Odayaashii Sama-roon oo tabasho u yimid, waxaa guddi loogu saaray oo la yidhi la xaala dadkii ay ka cabanayeen.waxaa ka horeeyay Odayaal Ciise ah oo iyana waxay halkan ka huleeleen iyagoo kabna lulaya kabna laalaadinaya.cid la rabaa ma jirto. Maanta halkee ugu dambeysa ayaa la yidhi, waxaa la yidhi Gudoomiyaha 50 talaabo ayuu inoo jiraaye haddii aynu kaas is dhaafin weyno Allaylehe waxba inooma yaalaan,Beelaha isaaq oo dhan marka la isku daro,meesha kaliya ee cid aan iyaga ahayni haysaa waa Halka Cabdiraxmaan.halkii Cabdiraxmaan Cirro na mid iyaga ah ayaa loo soo rabaynayaa oo ay wadaan Saleebaan iyo Siilaanyo in dhakhso loo fadhiisiyo.Qoladii Cabdiraxmaan ka dhashayna wey taagan tahay” ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye. Xildhibaanka oo sii wada dhaliilaha Siilaanyo waxa uu yidhi “Odaygu(Siilaanyo)wuxuu ahaa Nin Wanaagsan oo fiican, inta aan ka aqaano,Nin kasta oo wanaagsan waxbaa hela,waxbaa helay Odaygii wax helayba,wuxuuna maanta u muuqdaa qalin khadkii ka dhamaaday .Qalinka khadku markuu ka dhamaadana waa la iska tuuraa.Tuuris uma quudhnee waa Oday soo halgamaye Xanaanuu u baahan yahay oo meel la fadhiisiyo oo bisil la siiyo saddexdaa gaadhina iska wada la yidhaadho oo qoladan sidii Maqaarka kuwadana Iska diidoo haddii aad Axmed-kii la yaqaanay tahay iskaga tag meesha oo Iscasil dantaadu taasbay ku jirtaa oo Cimri kuuma hadhine” ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye.Xildhibaan Aareeye waxa uu sidoo kale soo jeediyay in labada Xisbi Mucaarad iyo Madashu isku yimaadaan oo dalka u gurmadaan.Waxa uu sidoo kale sheegay in siyaasadda arimaha dibada ee Somaliland fashilan tahay “Siyaasaddii arimaha dibaddana Siiro baan ka nahay,Dawladdaha Jaarkana xidhiidh fiican lama lihin, waxaa maanta la yidhi la hadla Cali Khaliif, Nimankeenii Dawlad Somaliland ahbaanu nahay lahaa, Siilaanyo ayaa halkaas na gaadhsiiyay” ayuu yidhi Mr Cali Aareeye.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured