Saddex aan isla jaan qaadayn (qabyaalad, qaad iyo siyaasad)
Saddex aan isla jaan qaadayn
(qabyaalad, qaad iyo siyaasad)
(qabyaalad,
qaad iyo siyaasad) Cabdicasiis Ibraahin Ciise
(Daacad) Qodob
la ridey qudhaanjada gashaa, qoob dad wow halise | Cabdillaahi Suldaan Timacadde | Dunida
wax aan laga aqoon ayaa dalkeena laga yaqaan, dunida wax aan lagaga dhaqmin
ayaa dalkeena lagaga dhaqmaa, dunida wax aan laga isticmaalin ayaa dalkeena
laga isticmaalaa. Waa
arrin layaab leh! waa mid aynu ka dhaxalnay khasaare dhinacyo badan leh oo ay
ka mid yihiin tahriibta iyo tacab la'aantu taas oo ragaadisay dhallinyarada ku
nool waddankeenna. Dunidu
ma inna la mid baa? xaasha
ha hawaysan taas. oo
waayo? wax aad qabto ayayna kula qabin dunidu. Oo waa
maxay waxa aan qabo ee aanay dunidu ila qabin? waa saddex mugdi oo aan mustaqbal lahayn. oo saddexdaa mugdiga ahina? waa
saddex aynu ka qaadnay Goblan iyo Gaajo oo ina baday indho la'aan iyo daciif
maskaxeed waana halka aynu maanta ka dhaqaaqi la' nahay,. saddexdan
ii sheeg waxba hay shareerine? kuu sheegaye waa saddex loo yaqaan dan iyo
duruuf waajib inagu noqotay oo keennii aqoonyahanka ahaa iyo kii madaxa inoo
ahaa sanka laynagaga tolay, waa saddex saancaddaale oo laynoogu dawgalay kuwaas
oo kala ah: Qabyaalad qudhmis ah oo dadkii madax iyo minjo u kala saartay, taas
oo kala qoqobtay madaxdii iyo dadkii ay maamulayeen kii siyaasiga ahaana ka
dhigtay qabiili iyo mid ku dhaqma eex iyo nin jeclaysi. Qaad oo cid kasta oo
isticmaasha ka dhigay ma shaqayste quud yar oo ku nool shaxaad iyo halacsi jeeb
qof kale kaas oo dhallinyar badan ka lumiyay hiigsigii iyo himiladii ay
lahaayeen markii ay shaqo la'aan baahsani saamaysay waxa kale oo uu ku riday
dhallinyaradii caajis iyo culays ay ka daalaan hawl kasta oo ay qaban
lahaayeen. Ta
kale waa Siyaasad si qaldan loo fahmay oo lagu mashquulay saxsanaanteeda iyo
qaldanaanteeda, taasi oo sababtay in wakhti badan lagu lumiyo waxa kale oo
iyana ay dhalisay in siyaasigii wax bartay aanu ku hamiyin dad iyo dal uu
maamulo, dad iyo dal uu wax ku taro isla markaasna hami iyo hiigsi ka dhigto. In
qabyaalad ay qalad tahay quusna laga joogo ooy
qarankii soomaaliyeed qarribtay oo liidday oo qasaare mooyee
waxkale lagaba qaadeynin isla qiratay
soomaalidu waana qaateene | xagaleey | saddex
aan soconayn, saddex aan saaxiibayn, saddex aan si na ba isugu wanaagsanayn oo
dib u dhac iyo nolol maddow inoo horseedaya. Kuwaas ayaa inoo ah hami iyo
hiigsi waxa ayna ina dhaxalsiiyeen dhibaatooyin badan oo ay hagardaamo inaga
soo gaadhay sida tahriibta iyo shaqo la'aanta. Iyaguna waxa ay noqdeen aafo aafo
dhashay oo dhalin badani inagaga hoobatay badaha fog ee badhtamaha Afrika iyo
Yurub siiba Talyaaniga iyo Liibiya kuwaas oo iyaguna sababay in ay galaaftaan
waalid badan oo xanuun taxli la'aa ama ku ridday xanuun ayna lahayn, dhanka
kale dhaqaalo la'aan jirtay oo baahsanayd dhalinyaraduna ka tahriibaysay oo ay
waalidka ugu beddeleen caydhnimo iyo ceeb aan yarayn. Waxyaabaha
iyaguna inoogu lammaan dhibkan ayaa ah in siyaasiga iyo suuqlayda subaxa soo
kacdaa ay xog wadaag noqdaan, taasi oo islaanta xabuubta suuqa ku iibisa iyo
siyaasaga saxaafada hortaagan habeen iyo maalin walaalaysay oo ay warkii uu ka
yidhi xalay ama saaka warbaahinta ku iibiso xabuubteeda. Waxa iyaguna la mida dhammaan ganacsatada,
ardayda iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada oo sidan si lamid ah ugu
mashquulay dacaayadaha iyo hadallada ay siyaasiyiintu warbaahinta isu marinayso,
taasi oo horusocodkii ay bulshadu lahayd ragaadinaysa natiijadeediina aynu
aragno. Hadaba
bulshada aduunku ma leedahay bulsho sidan oo kale ugu mashquulsan hadallada
siyaasi danayste ah iyo qabyaalad qudhun ah oo keenta kala qoqobsanaan iyo
qaybsanaan bulsheed? ma laha. oo sabab ma? bulshada caalamku waxa ay leedahay
mabda iyo midaysnaan dhanka muhindiska ah kaas oo u sababay in qof kastaaba uu
ku mashquulo hawsha uu gacanta ku hayo sida midka injineerka ahi ugu
mashquulsan yahay muhindisnimadiisa, dhakhtarkuna ugu mashquulsan yahay
daawaynta dadkiisa, aqoonyahankuna ugu mashquulsan yahay soo saarista ubax u
biqla ummadiisa anfacna ku soo kordhiya. Waxyaabaha
ummadaha innaga duway ayaa ay ugu wayn tahay saddexdan aynu kor ku xusnay,
hadaba haddii uu aqoonyahanku dhallinyarada ku maaweeliyo wax aan shaqaynayn
isla wakhtiganna aanay u baahnayn miyaanu ka mid ahayn sababaha tahriibta ama
tacab la’aanta dhaliya? Lasoco……………………………… Cabdicasiis
Ibraahin Ciise { Daacad } Hargeysa Somaliland
Leave a comment |
|
Saddex aan isla jaan qaadayn (qabyaalad, qaad iyo siyaasad)
Saddex aan isla jaan qaadayn (qabyaalad, qaad iyo siyaasad)