Khilaafka Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Oo Sii Cakirmay Iyo Nicholas Kay Oo Xalinteeda La Wareersan

0
Monday October 27, 2014 - 18:47:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Oo Sii Cakirmay Iyo Nicholas Kay Oo Xalinteeda La Wareersan

    Muqdisho(xogreebnews.com_— Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Danjire Nicholas kay ayaa kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowlada Somalia isagoo isku dayayey inuu xaliyo muranka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxweynaha iyo raisul w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_— Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Danjire Nicholas kay ayaa kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowlada Somalia isagoo isku dayayey inuu xaliyo muranka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka. Muqdisho(xogreebnews.com_— Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Danjire Nicholas kay ayaa kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dowlada Somalia isagoo isku dayayey inuu xaliyo muranka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dalka.Danjire kay ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh iyadoo aan laga hayn xog buuxda waxyaabihii ay ka hadleen maadaama uu kulankoodu ahaa mid albaabbadu u xidhanaayeen loona diiday saxaafadda.2Hase ahaatee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaruhu ku adkeystay inuu xaq u leeyahay inuu golihiisa wasiirada isku shaandheyn ku sameeyo, taasoo uu sheegay inuu awood u siinayo dastuurka dalka, cid kalena uusan waxba ka weydiinayn.Ganjire Nicholas kaya yaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyagoo isla soo qaaday isku shaandheynta la sameeyey iyo go’aankii uu ku diiday, iyadoo Nicholas kay uu ku wargeliyay madaxweynaha in khilaafkan uu noqon karo mid curyaamin kara howlaha dowladda laga sugayo, caqabadna ku keenaya geeddi-socodka Higsiga sannadka 2016-ka, kaasoo lagu doonayo in dalka lagu gaadhsiiyo doorasho xor ah.Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeystay go’aankii uu ku diiday isku-shaandheynta kooban ee golaha wasiirrada lagu sameeyay, sidoo kalena Xasan wuxuu sheegay inuusan diidayn in isku-shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda laakiise uu qabo inay noqoto mid guud, isagoo tan hadda la sameeyay ku sheegay inay tahay laguna beegsanayay xubno gaar ah oo aan u cuntami Karin.Danjire kay ayaa labadan masuul ka hor la kulmay gudoomiyaha baarlamanka Somalia iyagoo ka wada hadlay qaabka ugu haboon ee loo xalin karo muranka taagan, waxaana wararku sheegayaan in gudoomiye Jawaari uu u sheegay Kay in khilaafkan xalintiisa ay u taalo heyadaha dastuuriga ah ee dowlada beesha caalamkana aysan isku dayin iney soo fara geliso.Ugu dambeyn kulamadii Kay uu la qaatay madaxda iska horjeeda ee dowlada ayaa ku soo dhamaaday fashil iyo natiijo la’aan, lamana oga halka uu saldhigan doono khilaafka madaxda dowlada oo mid walba uu ku dedaalayo inuu ka guuleysto kan kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured