Cusub Nicholas Kay oo Maanta Kullano Gooni Gooniya la yaalaanaaya madaxda soomaaliya ee khilaafka Kala er-dheeyeey

0
Monday October 27, 2014 - 08:15:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cusub Nicholas Kay oo Maanta Kullano Gooni Gooniya la yaalaanaaya madaxda soomaaliya ee khilaafka Kala er-dheeyeey

    Kismaayo(xogreebnews.com_Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo kala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo(xogreebnews.com_Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo kala
Kismaayo(xogreebnews.com_Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrinta khilaafka adag ee soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.Nicholas Kay ayaa ugu horeyn u tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulan albaabada uu u xirnaa saacadana qaatay uu la yeeshay, iyadii Mr Kay uu ku wehliyay La Taliyihiisa gaarka ah Mr Nuuradiin Diiriye.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay xogreebnews.com-in Mr Nicolas Kay uu ka dalbaday Gudoomiye Jawaari in arrinta khilaafka sulux lagu dhameeyo, isla markaana ay qeyb ka noqoto Beesha Caalamka, hase ahaatee Gudoomiye Jawaari uu ku wargeliyay in arrinta loo daayo Hey’adaha dastuuriga dowladda, ayna go’aan ka gaari doonaan, bedelkii ay soo fara gelin layeen Beesha Caalamka.
Sidoo kale Nicolas Kay ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, inkastoo ay adag tahay in xog rasmi ah laga helo, hadana warar qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu ku adkeystay inuu xaq u leeyahay inuu Golihiisa Wasiirada isku shaandheeyo, taasna awood uu u siinayo Dastuurka.
Nicholas Kay ayaa ugu dambeyn galabta la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay isla soo qaadeen go’aankii uu kaga soo hor-jeestay, waxaana Mr Kay uu u sheegay Madaxweynaha in khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay curyaamin karto hey’adaha dowladda, caqabadna ay ku keeni karto geeddi socodka Hiigsiga cusub ee sanadka 2016 la doonayo in dalka doorasho uga dhacaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured