Waxaa Marag-ma-doon ah in Xukuumaddu ay u tafaxaydatay carqaladaynta hawlaha Doorashooyinka si muddo kordhin loogu sameeyo.

0
Sunday October 26, 2014 - 20:17:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa Marag-ma-doon ah in Xukuumaddu ay u tafaxaydatay carqaladaynta hawlaha Doorashooyinka si muddo kordhin loogu sameeyo.

    Hargeisa-(xogreebnews.com_Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ayaa xukuumda Siilaanyo ku eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com_Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ayaa xukuumda Siilaanyo ku eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso Hargeisa-(xogreebnews.com_Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ayaa xukuumda Siilaanyo ku eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso golaha wakiilada somaliland, taas oo uu Gudoomiye Cirro ku tilmaamay Nasiib Daro.Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cirro ayaa sidan ku sheegay Qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu Facebook-ga ku leeyahay , Qoraalkan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan “Nasiib-darro waxaa maanta baaqday Ansixinta Xubnaha Gudida Doorashooyinka oo Golaha Wakiiladu u ballansanaa kadib markii Xildhibaanada Taageera Xukuumadda Kulmiye ay ka maqnaadeen Golaha.Waxaan filayaa inay ka danbaysay shirkii shalay ka dhacay guriga Madaxweyne ku-xigeenka, Waxaa Marag-ma-doon ah in Xukuumaddu ay u tafaxaydatay carqaladaynta hawlaha Doorashooyinka si muddo kordhin loogu sameeyo.Hadii ay doorashadu dhici weydo waxaa dhaawac weyni soo gaadhayaa geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo Qadiyadda Somaliland, Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa inay ixtiraamto heshiisyadii axsaabta qaranka iyo is-afgaradkii dawladaha la Saaxiibka ah Somaliland ee inaaga taageera doorashooyinka iyo in la dhowro kala-madax-banaanaashaha Waaxaha Dawladda”.Gudoomiye Cirro isagoo fariin u diraya Bulshada Somaliland wuxuu yidhi sidan “Shacabkana Waxaan usoo jeedinayaa inay markhaati ka noqdaan ficilada xildhibaanada iyo xukumaadda Kulmiye ee xaalad abuurka ah”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured