Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Dalka Dib Ugu soo Laabtay + Video.

0
Friday May 17, 2013 - 08:40:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Dalka Dib Ugu soo Laabtay + Video.

    Hargeysa(xogreebnews.com-- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ( C/raxmaan Cirro) ,Oo Maanta dalka dib ugu soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ( C/raxmaan Cirro) ,Oo Maanta dalka dib ugu soo
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Dalka Dib Ugu soo Laabtay + Video.

Hargeysa(xogreebnews.com-- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed C/laahi ( C/raxmaan Cirro) ,Oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu mudo safar dibada ugu maqnaa, isaga oo ka soo degay gagida diyaaradaha ee Berbera Airport,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen taageerayaasha Xisbiga Waddani iyo madaxda sare ee Xisbigaasi, ayaa ugu horaynba isaga oo sheegay intii uu dalka ka maqnaa inuu la kulmay xubno ka tirsan Baarlamaanada iyo Wasaaradaha Arrimaha dibada ee dhawr dal oo ka tirsan Wadamada Yurub,wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay inay ka wada hadleen siddii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn iyo iskaashi ay la yeeshaan Somaliland, iyo waliba siddii ay Aqoonsi Caalamiya u heli lahayd Somaliland, waxa kale oo xusay inuu la kulmay Qurba-joogta Somaliland eek u nool wadamadaas uu soo maray Gudoomiyuhu.


Wuxuuna sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan ,isaga oo intaa ku daray in safarkiisu isugu jiray fasax iyo shaqo , Gudoomiye Cirro isaga oo ka hadlaya Arrimaha Tahriibka waxa uu sheegay in uu jirro hoos u dhac dhaqaale oo aduunka oo dhan ah ,wuxuuna dhalinyarada uga digay inay tahriibaan ,dhanka kale wuxuu xukuumada ugu baaqay inay yarayso shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu hambalyo u diray dhammaan shacab weynaha Somaliland, Xuska 18May awgeed ee Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Xoriyada iyo madax banaanida Somaliland, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kala qaybqaato farxada iyo raynraynta munaasibadan qiimaha badan ee qarannimada dalkan iyo dadkanba meesha weyn kaga jirta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured